Liiska Xildhibaannada Dowladda Waqooyi Bari ee Soomaaliya ee dhawaan lasoo saaray ayaa ahaa tallaabo loo qaaday dhanka yagleelka maamulka iyo sidii loogu gudbi lahaa doorashada Madaxweyne uu Dowlad goboleedkaasi yeelanayo markii koowaad.
Magacyada soo baxay ayaa noqday halbeegii ugu horreeyay ee lagu qiimaynayo jihada ay madaxtinimada maamuulkaasi aadayso, waxaana saacadihii ka danbeeyay ku dhaawaqistaba bilowday ololaha rasmiga ah ee siyaasiyiinta deegaankaas kasoo jeeda ugu jiraan helista codka xildhibaannada cusub ee maamulka.
Laba garab siyaasadeed ayaa ka samaysmay Laascaanood kuwaas oo midkood uu hanan karo xilka Madaxqweynaha.
Haddaba warbixinta waxaa ku eegaynaa waxay ay yihiin garabyadaasi, isbahaysiyada siyaasadeed ee Laascaanood ka samaysmay, waxyaalaha saamaynta leh ee isbaddal keeni kara, iyo qaabka loo siyaasadeed akhriyay xildhibaannada soo baxay.
Garabka Midig: Lamaanaha
Cabdiqadir Axmed Aw-Cali Firdhiye hoggaamiyihii kumeelgaarka ahaa ee maamulkii waqtigiis dhammaaday ee SSC-Khaatumo oo uu ku lammaan yahay Cabdirashid Yusuf Jibriil ayaa ahaa labada siyaasi ee sida wayn isha loogu hayay, maadaama ay saamayn xoog leh ku lahaayeen qaab xulista xildhibaannada ee maamulka cusub loo samaynayey.
Inkasta oo ay dedaal badan geliyeen inay soo saartaan xubno siyaasad ahaan u daacad ah, haddana qaab qaybinta isimada dhaqanka ayaa damacoodii si wayn u dhaawacday.
Qorshaha ay labadan siyaasi dejisteen ayaa ahaa inay soo saaraan liis uu ka dhasho buuq wayn oo ay diidaan ragga la tartamayaa ayaa meesha kabaxday, dhammaan siyaasiyiinta hanka ka leh hoggaaminta maamulkaas ayaana qaabilaad wanaagsan ku soo dhaweeyay. Tan ayaa noqotay dabin ay ka boodeen mucaaridka Firdhiye ee xilka kula tartamaya, waxaana lagu fasiray in si ka duwan lamaanaha isku doonta saaran ee Firdhiye-Abwaan ay mucaaridku u shaqaysteen.
Mar waxay si wayn aaminaad iyo kalsooni u siiyeen xildhibaannada cusub ka hor inta aan tartanku soo bixin, iyagoo u muujiyay in masuuliyadda marka ay qaadaan ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan. Tan kale ayaa ahayd inay si wayn u dhexgaleen gudida kala saarista iyo odayaasha dhaqanka oo ay dhexmarsadeen magacyo aanay diidmo ka qabin Firdhiye-Abwaan.
Dhaawac kale oo siyaasadeed oo gaaray labadan siyaasi ayaa ahayd markii ay madal lagu soo dhawaynayey xildhibaannada cusub ay iska soo garab muuqdeen, taas oo kor u qaaday in Abwaan uu diyaar u yahay inuu kaarka ku xigeenka saarto Firdhiye. Halkan waxaa fursad ka helaya siyaasi Jamaal oo ah shaqsiga keliya ee Madaxweyne raba ee Gobolka Sanaag ka socda. Waa libin siyaasadeed oo Abwaan u hadyeey Jamaal.
Ku lug lahaanshahooodii nidaamka xulista ayaa loo aanaynayaa in labada siyaasi ee waqtigu isku keenay ay dhib kala kulmayaan, waxaana soo ifbaxay in Xildhibaannadii uu soo saaray Abwaan ay rag muhiim ah safkiisa banneeyeen, iyaga oo doorbidaya in Sanaag hesho Madaxweyne Koowaad ee Waqooyi Bari.
Xildhibaannada cusub ayaa ah kuwa kaam kasta oo siyaasadeed u furan. Si kasta oo ay Firdhiye iyo Abwaan ugu lug yeesheen soo saarista liiska xildhibaannada, haddana ilaa hadda ma muuqdaan saamayn gaar ah oo kaga duwan yihiin murashaxiinta kale.
Garabka Bidix: Gaashaanbuurta
Dhammaan siyaasiyiinta deegaanka ee uu maamulkani ka kooban yahay marka laga reebo lamaanaha siyaasadeed ayaa khaanaddan kuwa jira. Waa isbahaysi haddii aan si kale u dhigno u taagan aragti mucaaradnimo oo ka soo horjeeda Firdhiye-Abwaan. Safkooda mideysan kama turjumayo in ay isku siyaasad yihiin, hase yeeshee waxay isu gaashaanbuureysanayaan in laga hortago lammaanaha ku tiirsan awoodda Federaalka.
Isbaahaysiga waxaa ugu tun wayn Cabdirisaaq khaliif Axmed iyo Jamaal Maxamed Xasan oo ah laba siyaasi oo si kala madaxbannaan tartan ugu jira hanashada kursiga ugu sarreeya ee maamulka, haddana ka midaysan inay maamulka cusub hoggaankiisa ka badbaadiyaan Firdhiye-Abwaan.
Soo bixistii xildhibaanada ayaa si lama filaan ah u soo saartay awoodda siyaasadeed ee hoggaamiye xigeenkii SSC-Khaatumo, Maxamed Shiine. Inkasta oo si hordhaca u shaaciyay doonistiisa hoggaanka, haddana waxaa la hubaa haddii uu hoolka galo inuu noqon karo jaangooye dhaawac siyaasadeed u gaysan kara Cabdiqaadir Firdhiye.
Isbahaysiga Mucaaridka ah ayaa xiligan ka kooban Jamaal, Khallif iyo Shiine oo ay gadaal ka taagan yihiin shaqsiyaad saamayn dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ku leh deegaanka.
Liiska soo baxay marka qof qof iyo deegaanba lagu cabbiro, waxaa soo baxaysa in xisaabtii ay Firdhiye iyo Abwaan wax ku dhiseen ay xilligan tahay mid wax kasoo noqdeen, maadaama halbeegga ay xildhibaannada wax ku dooranayaan ay meel sare ka gashay danaha deegaanka iyo shaqsiyadda murashaxa.
Sanaag oo ah gobolka ugu xildhibaannada badan qoonda ahaan saddexda gobol waxay si wayn ugu xisaabtamayaan inay dheellitir ku sameeyaan awoodaha maamulka cusub, si aysan isu raacin dhammaan awoodaha siyaasadeed ee maamulku. Qiyaastan marka laga fiiriyo, Jamaal ayaa ah siyaasiga ugu codka badan ee tartanka ku jiro kaas oo heli kara codad aan lagu loolami karin oo ka imaanaya Sanaag.
Xisaab kale, waa dhaqanka Sool iyo Buuhoodle (Togdheer), kuwaas oo si wayn u doonaya inay arkaan siyaasi dhex u ah oo hoggaanka maamulka qabta, waxayna tani fursad siinaysa Cabdirisaaq Khaaliif.
Lama filaanka doorashada waxaa noqon kara, Maxamed Shiiine, maadaama uu kasbaday dhallinta asal raaca SSC khaatumo, kuwaas oo u arka Shiine shaqsi ka hufan kooxaysi iyo aqoonyahan aragti ka leh deegaanka.
Marka aan isku eegno labada garab ee tartanka Waqooyi Bari dhexmarayo, inkasta oo ay xiili hore tahay, haddana marka la eego aragtiyaha ay ka duuulayaan xildhibaannada cusub iyo is-xulufaysiga socda, waxa la isku raacsan yahay in isbahaysiga Bidixda ama Mucaaridku uu yahay cidda ku xooggan liiska soo baxay taas oo ka dhigan haddii ay dhamaystiraan dhismaha isbahaysiga inay qof kamid ah uu talada qaban karo.