Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la leh maanta xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Shariif Sheekh Axmed, ayna kamid yihiin Afhayeenno Barlamaan, Raysal Wasaareyaal, xubno Golaha Wasiiradii hore iyo Saraakiil Ciidan.

Is-araggan ayaa ah kii 5aad, waxaana muuqata saan-saan ah inuu noqon doono kii u dambeeyay ee kulamo soo taxnaa, waa haddii aan laga heshiin amuuraha la isku hayo keddib markii guddigii farsamo ee ka koobnaa labada dhinac ay isku fahmi waayeen warmurtiyeedkii lasoo saari lahaa labadii kulan ee ay yeesheen.

Dhanka Dowladda waxaa ka socday Raysal Wasaare Ku Xigeenka Koowaad Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Caddaaladda Xasan Macallin iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raysal Wasaaraha Xirsi Gaani, halka Madasha ay matalayeen Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Qodobada Xuddunta u ah Khilaafka?

Taniyo markii ay wada hadalladan bilowdeen, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga dheehan karay dabacsanaan iyo carrab laalaalin ku saabsan inuu diyaar u yahay in uu wax kamid ah qodobada la isku hayo ka tanaasulayo. Hase yeeshee, wuxuu ka codsaday Madasha in ay iyaga laftoodu wax u hanbeeyaan.

Mucaaradku waxay doonayaan in laga laabto dhammaan 4ta cutub ee wax ka baddelka lagu sameeyay kuwaas oo taabanahaya matalaadda shacabka, hannaanka doorashooyinka, dhismaha guddiga doorashooyinka iyo nidaamka xisbiyada.

Ilo xog-ogaal ah oo qeyb ka ah wadaxaajodyada waxay noo xaqiijiyeen in Madaxweyne Xasan Sheekh diyaar u yahay inuu ka tanaasulo doorasho dadweyne oo Madaxweynaha lagu doorto, inuu furo tirada xisbiyada oo haatan 3 kaliya lagu koobay, muddo xileedka goleyaasha xukuumadda oo 5 sano laga dhigay in ku soo celiyo 4 sano. Taas baddalkeeda, Madaxweynuhu wuxuu doonayaa in Barlamaanka lagu soo doorto cod dadweyne iyo doorashooyinka Golaha Deegaanka oo la socodsiiyo si ay dhaxal-reeb ugu noqoto.

Maxay Labada Dhinac ka Midaysan Yihiin?

Madasha Samatabixinta ayaa aasaaskeedii ku caddeysay warmurtiyeedkii laga soo saaray in aan Dowlad Goboleedyada loo gacan gelin karin maamulka doorashada, waxayna adkeeysay Madashu in doorashadii dadbanayd ee 2022 soo gabagabowday laga dhaxlay dib u dhac, ayna hareeyeen boob.

Qodobkaas waxaa la qaba Madaxtooyada oo haatan dooneyso in ay dalka ka dhaqan geliso doorasho ay iyadu maamulayso, guddigiisa ay dhisatay, codbixiyeyaasheeduna khasab lagu diiwaan gelinayo.

Sidaas darteed, Madaxtooyada iyo Mucaaradkaba waxay ka siman yihiin in dhariga dabka saaran laga fogeeyo Dowlad Goboleedyada oo ah saamileey sax ah oo aan laga fogeyn karin maamulka doorashooyinka. Sidii hannaankaas ay labada dhinac isugu kali yeeli lahaayeeen ayaase dood badan ka taagan tahay.

Hase ahaatee, qodobka wuxuu abuuray bilowgiiba jawi isu soo dhawaansho, waxaana adag sidii hawshan ay dhaqan gal ku noqon lahayd maadaama goobaha codbixinta ay yihiin deegaanno hoos taga Dowlad Goboleedyada dalka.

Mawqifka Madasha Samatabixinta

Madasha Samatabixinta ayaa u muuqata mid uu Madaxweynuhu ku tallaashay xubno isaga uga dhex shaqeeya, waxaana kululaatay dood ay caawa ka galeen waxa laga hortago Madaxweynaha maadaama guddiyadii farsamo ay ku heshiin waayeen siiqada loo dhigayo warmurtiyeedka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa wararku sheegayaan inuu ugu dood kululaa, wuxuuna saaxiibadiisa ku boorriyay in aan hal shay looga tanaasulin Madaxweynaha maadaama uusan dhab ka ahayn gorgortanka socda oo uu waqtiga ku seeto dheereysanayo. Cabdiraxmaan ayaa ku fasiray isdiiwaan gelintii Madaxweynaha ee shalay in ay ahayd dhoolatus iyo quus goyn loo dirayo Madasha, mucaaradka kale iyo Dowlad Goboleedyada miiska ka maqan.

Somali Stream waxay ogaatay in laba xubnood oo kamid ah Madasha Samatabixinta ay xiriir hoose la leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh iyaga oo haysta ballanqaadyo kala duwan. Hase yeeshee, kulankii xalay ee Madasha waxaa uu kusoo idlaaday isfaham, waxayna miiska la tagayaan go’aan ay ku doonayaan in 100% uu Madaxweynuhu ka laabto ajandaha doorasho.

Arbacada Gar-Adag: Tanaasul ama Kala-tagis

Kulankan oo maanta oo arbaco dhacaya wuxuu ku dhamaanayaa laba jid; in Madaxweynuhu ku adkaysto mowqifkiisa oo halkaas uu ku burburo wada hadalladii soo bilowday ku dhawaad 60 cisho kahor iyo in uu talada dhulka iska dhigo oo uu waayo saaxiibadiisa siyaasadda oo ay ugu horreeyaan Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle iyo xubno door ah oo ka tirsan isbahaysiga JSP.

Labada go’aan midka uu qaataba, wuxuu leeyahay saameyn siyaasadeed oo jiho cusub u jeexi kara inta muddo xileedkiisa ka dhiman, waxaana hortaalla Madaxweynaha inuu isu miisaamo u nuglaanta mucaaradka doonaya kursigiisa in ay kula tartamaan iyo inuu kusii socda jid ay dhinacyo badan oo siyaasadda ah qabaan inuu yahay qarda-jeex.

Si kastaba, ha ahaatee waxaa Arbacadan soo xirmaya cutub kamid ah loollanka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo mucaaradka fadhigoodu yahay Muqdisho, waxaase wali dhiman sidii xal loogu heli lahaa in miiska wada hadallada lagu soo celiyo Dowlad Goboleedyada haatan ka maqan oo la’aantood aan la gaari karin heshiisyo siyaasadeed oo dalka lagu gaarsiiyo doorasho wada-ogol ah oo hedha taageerada maaliyadeed ee beesha caalamka.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More