Sida aan hore u baahinay, Waqooyi Bari Soomaliya waxaa ka socda loolanka loogu jiro kursiga Madaxweynaha Maamulkaas yeelanayo.
Murashaxiin dhawr ah ayaa u tagaan. Hore waxaan ugu soo hadalnay Hoggaamiyaha Maamulkii KMG ahaa ee SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye, kaas oo markale raadinaya inuu majaraha u qabto Dowlad Goboleedka Cusub ee Waqooyi Bari.
Tabinteena labaad ee taxanaha murashaxiinta maamulkaas, waxaan ku eegaynaa fursadaha iyo caqabadaha horyaalla Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo kamid ah tartamayaasha ay suuragalka tahay inay hoggaamiyaan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari shanta sano ee soo socota.
Waa Kuma Danjire Jamaal?
Danjire Jamaal Maxamed Xasan, waa siyaasi iyo dublumaasi sare oo Soomaaliyeed. Waa Wasiirkii hore ee Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Maalgashiga, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Nairobi, Xildhibaan heer Federaal ah iyo hadda oo uu yahay Madaxa Xarunta La-qabsiga Cimilada iyo Ilaalinta Deegaanka oo kamid ah Agaasinadda Urur Goboleedka IGAD.
Shaqada siyaasadda marka laga tago Jamaal waxaa uu wataa gal shaqsiyadeed xooggan oo dhanka hay’adaha caalamiga ah, waxaana uu la soo shaqeeyay Qaramada Midoobay isaga oo kamid noqday dhawr barnaamij oo ay QM ka shaqeyso. Midowga Yurub ayaa kamid ah meelaha uu ka shaqeeyay iyo sidoo kale inuu mar soo noqday Kaaliya Sare oo katirsan Safaaradda Maraykanka ee Nairobi.
Jamaal Maxamed Xasan waa qof leh sooyaal siyaasadeed oo sugan, waana waayo arag figta sare ka gaaray Dublumaasiyadda. Waa facii ku dhashay sanadkii 1978 Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag. Waxaa uu Shahaadada Koowaad ku qaatay cilmiga Siyaasada, kana diyaariyay Jaamacada Carleton ee Canadda ku taal. Shahaado labaad oo dublumaasiyadda iyo xiriirka caalamka ah ayuu ku qaatay Jaamacadda Moi ee dalka Kenya. Wuxuu haatan dalka UK ka wadaa Shahaadada PhD oo u uku diyaarinayo culuumta deegaanka.
Danjire Jamaal ayaa kamid ah Soomaalidii dalka ka qaxday burburkii keddib, waxaana uu haystaa jinsiyada dalka Canada, halkaas u muddo ku noolaa kahor inta uusan dib ugu soo laaban dalka.
Fursadaha Horyaalla Jamaal
1- Khibrad Qaran iyo mid Caalami
Danjire Jamaal waxaa uu haystaa fursado shaqsi ah oo aad ugu yar ragga la loollamaya marka loo eego. Sooyaalkiisa shaqo iyo shaqsiyadeed ayaa siinaya inuu yahay murashaxa ugu heerka sarreeya ee usoo istaagay xilkan, waana inuu yahay Danjire, Xildhibaan iyo Wasiir hore oo qaran.
Hore waxaa uu lasoo shaqeeyay hay’adaha Caalamka, haddana wuxuu xil sare ka hayaa IGAD. Si kooban tani waa inuu yahay nin qaran oo heer qaaradeed gaaray.
2- Keligii Mudane—Taageero Deegaan
Si ka duwan murashaxiinta kale ee la tartanmaysaa Jamaal waxaa uu jeebka ku haystaa inta badan xubnaha Xildhibaannada ah ee ka yimid gobolkiisa Sanaag, maadama uu yahay Murashaxa keliya ee deegaankaas ka socda. Sababta uu ku kasbaday dadka Gobolka Sanaag ayaa ah inay u arkaan inuu yahay siyaasigii ugu wanaagsanaa ee deegaankoodu soo saaro tan iyo burburkii.
Waxaana uu taageero xoogan ka haystaa jiilka danbe ee bulshada gobolkaas, taas oo ah mid kamid ah tiirarka dhaqaajinaya Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari. Danjire Jamaal ayaa si wayn loo aaminsan yahay inuuu heli karo cododka deegaankiisa.
3- Sumcad Siyaasadeed
Murashaxiinta u taagan xilka Madaxweyaha deegaanka Waqooyi Bari waxaa ku hareeraysan eedo ama dakharro siyaasadeed. Jamaal ragga la tartamaya ama ku dheriga ah waxaa uu kaga fiican yahay inuusan lahayn xagtimo siyaasadeed. Sumcad ahaan bulshada dhexdeeda waa ka koran yahay, wuxuuna leeyahay dhigaal aan dagaal ka muuqan.
Mid kale oo uu Firdhiye kala siman yahay ayaa ah inuusan xil usoo qaban labada deegaan ee dhinacyada ka xiga; waa qodob wayn oo dadka Dowlad goboleedkani ay wax ku qiimaynayaan. Halkan marka la joogo Jamaal waxa uu haystaa warqad cad oo ay ku tixgeliyaan xildhibaannada deegaanka Waqooyi Galbeed.
4- Mideeyaha Murashixiinta
Kaamamka kala duwan ee siyaasadda, si gaar ah Murashixiinta Mucaaridka ayaa u arka Jamaal inuu yahay dhextaal ay ku dhammaan karto cid kasta haddii uu gaaro wareega ugu danbeeya ee tartanka. Waa fursad siyaasadeed oo wayn in xilli hore laguu arko inaa tahay ruux aan diidmo laga qabin.
Halkan waxaa ka muuqata fursad ah in siyaasiyiin Sool iyo Cayn ee diiddan Firdhiye ay si rasmi ah wilaayada u saaran karaan, waana kaadh xilli hore laga arkay goobaha ololayaasha.
Caqabadaha iyo Jidgooyooyinka
Si lamid ah siyaasi xil doon ah Jamaal, waxa uu la daris yahay caqabado dhawr ah kuwaas oo hadii ay sii taagnaadaan xilka uu ku waayi karo;
1- Aragtidiisii hore
Jamaal waxaa uu ahaa siyaasi si badheedh ah u aaminsan sanadihii danbe inaan dadkiisa hoos tegi karin Puntland iyo Somaliland oo ah laba maamul oo sheegta dhulka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari laga asaasay. Tan waxay ay dhaxalsiisay in dhinacyadaas looga arko siyaasi khatar ku ah danaha deegaanadaas. Waxaa uu xilligan dhibane u noqon karaa aragtida uu kaqabo jiritaanka Maamulka Waqooyi Bari. Inkasta oo saamayn muuqata aysan kulahayn tartanka Laascaanood ka socda, haddana lama diidi karo inay galaangal lid ku ah ololihiis qayb ka noqon karaan.
Si gaar ah, maamulkii Muuse Biixi Cabdi ee Somaliland ayaa muddo dheer ku eedeyn jiray Jamaal inuu Meesha ka saaray heshiis ay Dowladdii Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh xilligiisii hore ay u saxiixday Somaliland inuu Meesha ka saaray keddib heshiiskii DP World iyo Somaliland. Heshiiskaas wuxuu dhigayay in Somaliland ay tahay budo gaar u tuman marka ay timaado arrimaha horumarinta. Colaaddii uu tabcaday ee arrintaas waa mid meel u taallo, inkastoo ay haatan fursad u noqon karto.
2- Waqtiga iyo Taariikhda
Dastuurka maamulkan inkasta oo si rasmi ah loogu qoray in xilka ugu sarreeya uu gobolkasta mar qaban karo, taas oo kadhigan in Sanaag iyo Sool ay si siman ugu tartami karaan xilka. Haddana Jamaal dad badan ayaa aaminsan inay dhib ku tahay inuu noqda Madaxweynaha lagu bilaabayo, sababta ayaana ah in maamulka intiisa badan hadda ka dhisan yahay Cayn iyo Sool. Hase ahaate, qodobkan ma aha mid u culus sida kan hore.
3- Olog laáan Federaal
Sida ay cadaynayaan xogaha Jamaal ayaa gees ka istaagay inuu ku milmo mucaaridka iyo muxaafidka heer Federaal, waxaana uu fusad u arkaa inuu noqda shaqsi dhex u ah siyaasiyiinta Federaalka. Hase ahaate, marka la joogo doorasho Dowlad Goboleed olog la’aanta Federaalka iyo madaxda mucaaridka ayaa loo arkaa inay tahay caqabad u baahan inuu iska xalliyo.
Fursadihiisa iyo caqabadihiisa marka la isbarbardhigo, loona eego ajandihiisa siyaasadeed ee salka u tahay hormarin isku dheelitiran oo loo siman yahay, taageerada uu ka haysto bulshada Sanaag, dhaqanka Sool oo aan dafirin karin awooddiisa hoggaamineed iyo dhalliyarada oo ah xoogga dhaqaajinaya ololihiisa doorashada, Jamaal waxaa loo arkaa inuu yahay tartame dhab ah oo siyaasad sal adag u dejin kara maamulkan curdinka ah ee Waqooyi Bari.
Si kastaba Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo loogu ammaano inuu wax wayn ku darsaday qorshaha horumarinta qaranka muddadii uu ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo sida uu uga fogaaaday inuu musuq ku lug yeesho ayaa waxaa hortaal sida uu guul uga gaari karo hankiisa madaxtinimo.
Inkasta oo ay mucaaridkiisu ku dhaliilayaan inuu ku degdegay ku biirista siyaasadda Waqooyi Bari, haddan kuwa la dhacsan siyaasadiisii waxay ku doodayaan inaan hankiisu muhiim ahayn, hase ahaatee deegaankiisa oo laga saaro muran sheegasho iyo siyaasadeed ay tahay guul uu xilli horaba xaqiijiyay.