Magaalada Laascaanood ee Xarunta Dowladda Waqooyi Bari, waxaa xilligan kasocda ololaha doorashada hoggaanka maamulkaas. Waqooyi Bari iyo Laascaanood ayaa markii ugu horraysay u ballansan soo saarista Madaxweyne Dowlad Goboleed. Waa taariikh ay dadka deegaanku qorayaan, waana hiigsi u muuqda hirgalaya.
Muddo badan oo dadka dowlad goboleedkani ay ku hoos jireen maamulo kale oo aysan ku dareemin lahaanshiyo iyo xuquuq siman, waxay markan u taagan yihiin kala saarista taratmayaasha xilalka ugu sareeeya ee maamulka.
In kabadan 10 murashax ayaa u baratamaya qabashada hoggaanka koowaad ee Maamulkaas, waxaana murashax kastaa u ordayaa sidii u xaqiijin lahaa hankiisa.
Cabdiqadir Axmed Awcali Firdhiye, Cabdirisaaq Khalif Axmed iyo Jamaal Maxamed Xasan ayaa ah magacyada sida wayn uga dhexmuuqdo hardanka Madaxtinnimada. Saadaalinta la sameeyay, meelaha dadku isugu yimaadaan, miisaska siyaasada iyo warbaahintaba waxay isku raacsan yihiin in seddexdan nin midkood uu qaadan karo xilka.
Warbixine Taxane ayaa mid kasta gaar ugu eegaynaa sooyaalkiisa, caqabadaha ku horgudban iyo fursadaha uu haysto oo ay tahay inay dadka reer Waqooyi Bari ku dooran karaan.
Maaanta waxaan warbixinteena ku eegaynaa Cabdiqaadir Axmed AW-Cali Firdhiye.
Firdhiye, waa hoggaamiyihii kumeelgaarka ahaa ee Maamulkii SSC Khaatumo, kaas oo maanta oo kale 5tii Bisha August lagu doortay magaalada Laascaanood, isaga oo helay 30 kamid ah ergadii 45ka xubnood ee dadka deegaanka ay iska soo xuleen.
Hoggaamiye Firdhiye, kahor doorashadiisii hoggaaminta SSC ma ahayn shaqsi si wayn looga dhexyaqaannay siyaasadda Soomaliya, haddana halgankii ay dadka deegaanku ay kula dagaallameen Soomaaliland ayaa siisay fursad naadir ah oo uu madax ugu noqday SSC Khaatumo.
Waa kuma Cabdiqaadir Firdhiye?
Sida aan xogtiisa bannaanka taal ka aragnay Cabdiqadir Axmed Awcali waxaa uu sannadkii 1972 ku dhashay magaalada taariikhiga ah ee Taleex. Laba shahaado oo jaamaceed ayuu haystaa, waxaana uu bartay culuumta Diinta iyo maaraynta Ganacsiga.
Sooyaalkiisa siyaasadeed, waxaa uu la jaanqaaday dhaqdhaqaayadii kala danbeeyey ee deegaanka SSC. Waxaa uu ahaa xubin firfircoon oo u taagan qadiyadda uu waqtigan hoggaanka u yahay ee isxukunka deegaankiisa.
Si kaduwan siyaasiyiinta aynigiisa ah, galkiisa qofeed kuma xusna inuu xilal ka soo qabtay maamullada dhinacyada ka xiga ee Somaliland iyo Puntland.
Fursadaha uu haysto
Mudadiii uu hoggaanka u hayay maamulkii kumeelgaarka ahaa ee SSC-Khaatumo, Firdhiye waxaa uu helay fursado kala duwan, qayb isagaa samaystay, kuwa xaalada iyo duruufta ayaa siiyay, kuwana mucaaridkiisa ayaa u hibeeyay, dhammaantoodna waxaa u uku kasbaday xilka uu hayay.
Haddiiba ay tahay inaan soo bandhigno fursadaha uu haysto, waxaa muhiiim ah inaan ku lammaanino waxqabadka xukuumaddii KMG ahayd ee uu madaxda ka ahaa, maadaama aan loo hayn dhibco siyaasadeed oo hore.
Fursadda ugu wayn ee la isku raacsan waa Nasiibka oo maalmo kaddib doorashadiisii KMG ahayd, ay dadka deegaanka uu hormuud u yahay ay dhulkooda dagaal kaga saareen Somaliland. Hase ahaatee waxaa jira qodobo kale oo mudan in loo tixgeliyo Firdhiye.
- Eed-Laawe iin leh.
Cabdiqaadir waa eed-laawe, marka loo akhriyo buugiisii siyaasadeed ee hore ka hor doorashadiisii hoggaaminta SSC-Khaatumo. Majirto tabasho hoggaan, shaqo ama xilleed oo dadkiisu ku darayaan. Halkan waxaa uu haystaa saaxad uu keli ku yahay, waase iin marka aad tahay siyaasi uu hanqal taagay xilka ugu sarreeya Dowlad, sababtuna waa in lagu duri karo khibrad yari siyaasadeed.
2. Sumcad Siyaasadeed iyo Istaraatiijiyad Federal
Hoggaamiye Firdhiye waxaa uu dadkiisii ka kasbaday sumcad siyaasadeed oo ku dhistay istaraatiijiyadiisa xiriirinta Federaalka. Tani waa tilmaanta ugu wayn ee ku midaysan yihiin jiilka Daraawiishta ama waxa loo yaqaan Jamaahiirta oo hormuud u ahaa kacdoonkii deegaanka looga saaray Somaliland.Taageerayaashiisa ugu badan ayaa u arka inuu yahay shaqsi ammaano leh, ilaaliyay ballantii, aan gorgortan ka gelin rabitaankooda, kuna milmin siyaasadaha gobollada deriskooda.
3. Dhismaha Maamulka iyo Ka Saarista Kumeel Gaarka
Inkasta oo ay tani tahay shaqo wadareed ay adagtahay in qof gaar ah loo nisbeeyo, haddana in magaciisu ku suntantahay Hoggaamiyihii Kumeelgaarka ka saaray SSC, dhisay Waqooyi Bari, saxiixay dastuurka, meel mariyay xeerar dowladnimo, hirgeliyay hay’ado Dowladeed oo wada shaqeeya, waxay siinaysaa in uu dhismaha Maamulka uu wax wayn geliyay. Filashadii laga qabaynay oo sideedii uu uga soo baxay maadaama maanta uu waqtigiisii ku eekaa uu socdo loollankii Madaxweynaha isaga beddeli lahaa.
4.Taageero Deegaan iyo Taakulo Federaal
Soomaaliya marka aad joogto inaad haysto taageerada deegaankaaga waa fursad wayn. Halkan Firdhiye waxaa uu xaqiijiyay xilli hore, waxaana u raacsan in Dowladda Federaalka ahi ay si shaacsan dhabarka uga taagan tahay, waqti iyo qarashna ku bixinayso soo bixistiisa.
5. Qalinka iyo Qorsita
Maamulka uu hoggaamiyo Firdhiye waxaa uu kaalin wayn ku leeyahay qorista habraacyada doorashada, gudiyada doorashada aiyo xildhibaanada codka bixinayaa, waa dheeri uu jeebka ku haysto oo aysan haysan latartamayaashiisu.
Durbaba waxaa soo yeeraysa qaylo dhaan ku saabsan in guddiyadii loo idmaday in ay xaqsooraan inay ku milmeen hannaanka xulista sida laga dheehan karo warqad xalay kasoo baxday musharaxa ugu culus ee Gobolka Sanaag Danjire Jamaal Maxamed Xasan. Firdhiye wuxuu qalinka siinayaa fursad aysan haysan ragga kale ee la tartamaya.
Caqabadaha Ku Gudban Hankiisa
Haddii uu Cabdiqaadir Firdhiye leeyahay fursado kala duwan oo xukun siiyay, waxaa hortiisa daadsan jidgooyooyin kuwaas oo u baahan inuu iska leexiyo ka hor tartanka, waxaana aan a xusi karnaa;
1. Keli-duulnimo iyo Isku Koobidda Xukunka
Deegaanka Waqooyi Bari oo ah deegaan curdin, waxaa dhexyaal caqabado badan oo u baahan talo wadaag, waxaana muhiim ah qofka xukunka deegaanka qabanaya in loo arko inuu yahay shaqsi dadka u dhaxeeya oo aan talada tuurta saaran. Firdhiya halkan waxaa uu muuqdoo inuu dhibco badan ku luminiyo, tan iyo maalintii uu xukunka qabtay, waxaa garbihiisa ka maqan siyaasiyiintii xilka saartay iyo kuwii taageeray. Waxaa kala qaybsan hoggaanka dhaqanka ee u midaysnaa inuu xilka qabta laba sano ka hor.
2. Puntland iyo Somaliland
Tani waa mid qofkasta fahmi karo sababteeda inay diidaan Somaliland iyo Puntland, inay xaq ku diidan yihiin iyo inkale waa dood kale. Hase ahaate, Firdhiye doorashadiisa waxaa caqabad ku ah labada maamul ee dhinacyada ka xiga, inuu fursad uu ku gudbo ka dhigto waa mid ku xidhan sida uu sarifto.
3. Ragga la tartamaya oo midaysan
Dhaqan siyaasadeedka Soomalida waxaa caan baxday qaacidada “washamsida”, taas oo in qofka xilka haya si wadar ah looga rito, waana mid markiisa hortaal Firdhiye, maadaama uusan lahayn wehel siyaasadeed oo dhab ah oo wax u tari kari dharaata doorashada.
Si kastaba, Cabdiqadir Firdhiye, oo xalay markale hankiisa hioggaaminta mamulka keenay, waxaa horyaala imtixaan isku dhafan oo ka xoog badan kii dagaalka iyo dhismaha maamulka; markan waa taabagelinta Dowladda Waqooyi BARI oo qayb ka yihiin dad iyo deegaan cusub, waxaana looga fadhiyaa sida uu isu waafajiyo danta deegaanka, damaciiisa shaqsiga iyo duruufaha ku gedaaman.