Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Sida laga soo xigtay mareegta caanka ah ee SwimSwam oo si gaar ah ula socota dhacdooyinka tartanka dabbaasha caalamka, tartankii Ciyaaraha Dabbaasha Adduunka ee ka dhacay Singapore ayaa waxa ka qaybgalay Mustafa Hashim, oo 15 jir ah, wuxuuna noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Soomaaliya ku metela heer caalami oo tartan dabaasha ah taniyo burburkii keddib.

Mustafa Hashim wuxuu ku dhashay, kuna barbaaray magaalada London, isagoo bilaabay dabbaasha isagoo 9 jir ah. wuxuu si joogto ah ugu tababaranayay barkaddii lagu qabtay ciyaarihii Olombikada London 2012. Waxaa xusid mudan in sanadkii 2023, uu maalin walba oo Jimce ah uu lug ku tagi jiray xaruntaas tababarka, kaddib markii gaari ay lahayd hooyadiis la xaday. Inkastoo ay khatar ahayd in wiil dhallinyaro ah uu socod ku maro magaalada waqti hore, Mustafa wuxuu sheegay in safarkaasi aanu u dhigmin dhibaatadii qoyska ka qabsatay Soomaaliya oo ay kaga qaxeen.

Soomaaliya tan iyo 1991 waxay wajahaysay dagaallo sokeeye iyo qalalaase siyaasadeed, taasoo sababtay in qoyska Hashim uu u kala firirsamo dalal dhowr ah sida Mareykanka, Switzerland, Kenya iyo UK. Hooyadiis iyo aabbihiis waxay isku barteen dalka Britain.

Iyadoo aysan jirin cid ku boorrisay ama ku qasabtay, Hashim ayuu si iskiis ah ula xiriiray Xiriirka Dabbaasha Soomaaliyeed, isagoo xitaa aan hubin in loo oggolaan doono inuu matalo dalka. Nasiib wanaag, laba bilood kahor tartanka ayaa loo fasaxay inuu matalo Soomaaliya, wuxuuna tartanka kaga qeyb galay laba tartan oo rasmi ah.

Hashim wuxuu rajeynayaa in ka qeybgalkaas uu furo albaab cusub oo suurtageliya in Soomaaliya hesho maalgelin lagu dhiso barkado dabaasha ah gudaha dalka, taasoo dhalinyarada u sahli karta in la helo ciyaartoy tayo leh mustaqbalka. “Waxaan rajeynayaa in hadda indhaha lagu jeediyo dhalinyarada Soomaaliyeed si loo dhiirrigeliyo inay bilaabaan dabbaasha,” ayuu yiri.

“Waxaan aaminsanahay in sheekadayda ay dhiirrigelin u noqon karto ciyaartooyda kasoo jeeda dalalka aan si fiican loo metelin, oo ay u muujin karto in qof kasta oo maskax wanaagsan himilo weyn uu gaari karo heer caalami,” ayuu yiri Hashim.

Riyadiisa Mustaqbalka

Mustafa Hashim kuma joojinayo halkaa. Wuxuu hiigsanayaa inuu Soomaaliya ugu guuleysto abaalmarino heer sare ah, isagoo qorsheynaya inuu ka qeyb galo ciyaaraha Olombikada Los Angeles ee 2028. Sidoo kale wuxuu doonayaa in uu gaaro nus-dhammaadka tartanka 100m Breaststroke ee Budapest 2027, iyo inuu si muuqata uga qeyb galo ciyaaraha Beijing 2026.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More