Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Magaalada Dar es Salaam, gaar ahaan suuqa Kariakoo oo ah xarunta ugu weyn ee ganacsiga Soomaalida ee dalka Tanzania, ayaa waxaa ka taagan xaalad hubanti la’aan ah oo ku saabsan mustaqbalka ganacsatada Soomaaliyeed. Tani waxay timid keddib markii dowladda Tanzania ay soo saartay xeer cusub oo si rasmi ah u mamnuucaya in ajaanibta ku nool dalkaasi ay ka shaqeeyaan noocyo badan oo ganacsiyada yaryar ah.

Xeerkan oo lagu magacaabo “Mamnuucidda Ganacsiyada Yaryarka ah ee dadka aan haysan dhalashada dalka” oo soo baxay sanadkan 2025, wuxuu mamnuucayaa in dadka shisheeyaha ahi ka ganacsadaan 15 nooc oo ah ganacsiyo yaryar, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Dukaamada yaryar, Saaloonada, Adeegyada lacagaha mobile-ka, Dayactirka taleefannada gacanta, Adeegyada dalxiiska iyo kuwa kale.

Ciddii jebisa xeerkan waxaa lagu xukumayaa ganaax lacageed oo dhan 10 milyan oo Tanzanian Shilling ah oo qiimaha ahaan u dhiganta 4 kun oo doolarka Maraykanka ah iyo xabsi lix bilood ah.

Saameynta Ku Timid Soomaalida

Soomaalida ganacsatada ah ee deggan Tanzania, kuwaas oo si wayn ugu tiirsanaa ganacsiyada yaryar ee la mamnuucay, ayaa dareemaya culays dhaqaale, cabsi sharciyeed, iyo jahawareer ku saabsan sida ay noloshooda uga sii shaqaysan doonaan dalkaas.  Saamaaynta ugu badan ayay hadda wajahayaan da Soomaalida ah ee heerka hoose kuwaas oo wax ku iibiya suuqa Kariakoo.

DFS oo aan War u Hayn Culayska Ganacsatada 

In kasta oo Soomaaliya xubin buuxda ka noqotay Ururka Midowga Bariga Afrika (EAC) bishii Maarso 2024, haddana wax war rasmi ah lagama hayo dowladda Soomaaliya oo ku saabsan arrintan. Wasaardda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa  ka gaabsatay ka hadalka xeerkan saameeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in bishii Abriil 2025 ay dowladda Soomaaliya dhistay Guddiga Qaran ee Ka Hortagga Caqabadaha Ganacsiga ee aan Canshuurta ahayn (NTBs), iyadoo ujeeddadu ahayd in la difaaco danaha ganacsatada Soomaaliyeed ee ka howlgala dalalka xubnaha ka ah EAC. Si kastaba ha ahaatee, guddigan wali wax falcelin ah lagama arag.

Safaaradda Soomaaliya ee Dar es Salaam, ayaa dhankeeda wax war ah ka soo saarin, inkasta oo ay jiraan xiriir joogta ah oo ay leedahay ganacsata halkaas ku nool, haddana ilaa hadda majiro xog tilmaamaysa mowqofka Soomaalida ee ku aaddan xeerka cusub ee ganacsiga ee Dowladda Tanzaniya soo rogtay.

Aamuska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu macneeyay inay jirto isku xirnaan la’aan Dowladda iyo Ganacstada Soomaalida ee dalalka dibada ka shaqaysata si gaar ahna dalka Tanzania

Mowqifka Dalalka kale ee Xubnaha ka ah EAC

Dalka Kenya, oo sidoo kale xubin ka ah EAC, ayaa si degdeg ah uga falceliyay arrintan. Caroline Karugu, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga ee Kenya, kana mas’uul ah arrimaha EAC, ayaa sheegtay in xeerkan uu si toos ah u jebinayo heshiisyada EAC, gaar ahaan qodobka 13-aad ee Habmaamuuska Suuqa Guud.

Qodobkan ayaa mamnuucaya takooridda muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah ururka EAC marka ay ka ganacsanayaan dal kale oo xubin ah. Karugu ayaa tiri, “kani waa xadgudub lagu sameeyay xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo ganacsiga muwaadiniinta EAC. Waa arrin aan la aqbali karin.”

Kenya waxay xitaa ku hanjabtay in ay qaadi doonto tallaabooyin la mid ah haddii Tanzania aysan ka noqon go’aankan.

Dalalka kale ee xubnaha ka ah EAC sida Rwanda, Uganda, iyo Burundi, ayaan ilaa hadda wax war rasmi ah ka soo saarin xeerkan. Taasi waxay  muujinaysaa kala duwanaanta aragtiyeed ee ka dhex jirta ururka EAC.

Xeerkan cusub ee Tanzania ayaa noqonaya tijaabo dhab ah oo lagu cabirayo ballanqaadyada iyo run ahaanta waxqabadka ururka EAC, gaar ahaan marka la eego ilaalinta xuquuqda ganacsatada  gobolka.

Inkasta oo xubinimadii Soomaaliya ee EAC loo arkayay fursad muhiim ah, haddana mowqif la’aanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujinaysa baahi weyn oo loo qabo baraarug sharci iyo mid diblomaasiyadeed.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Tanzania ayaa wajahaya caqabado sharciyeed iyo dhaqaale oo ba’an, iyagoo sugaya in dowladda Soomaaliya ay ugu dambayn ka hadasho xaaladooda si rasmi ah una difaacdo xuquuqdooda ganacsi ee gudaha EAC.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More