Itoobiya, ama dalka lagu naanayso Bar-kulanka Afrika ee qowmiyadaha kala duwan ku midaysan yihiin, ayaa wajahaysa burbur la mid ah kii kala daadiyay dalwaynihii Bariga Yurub ee Yuguslavia, kaas oo 30 sano ka hor u kala qaybsamay dhawr dal, keddib dagaallo qowmiyadeed oo dhiig badani ku daatay.
Dalwaynahan Bariga Afrika, waxaa ka aloosan xasarad cusub oo ka dhalatay isku dhacyada hubeysan ee qowmiyadaha gudaha Itoobiya, faragelinta dalka deriska la ah ee Eritrea, hanjbaadda Masar iyo damacyada isdiidan ee quwadaha caalamka sida Mareykanka iyo Shiinaha.
Itoobiya oo kamid ah dalalka ugu dadka badan Afrika, uguna taariikhda dheer ayaa gashay xaalad deganaan la’aan ah tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii labada sano ee gobolka Tigray.
Walaaca ugu wayn ee xilligan la qabo ayaa ah inuu gobolku aado dagaal weyne dib u qaabeeya khariiradda Geeska iyo Bariga Afrika oo tan iyo gumaysitihii ahayd mid aan isbaddal wayni ku dhicin.
Sababaha loo cuskanayo kala irdhowga qaranka qowmiyadaha ku dhisan ee Itoobiya ayaa waxaa hormuud ah tilmaama sirdoon oo laga helay gudaha dalkaas iyo dalalka ku lugta leh dagaal juqraafi siyaasadeedka gobolka, ayna ugu horreeyaan Suudaan, Masar iyo Eriteriya.
Warbixintan ayayna ku eegaynaa sida ay Itoobiya ugu nugushahay waqtigan seddex dagaal oo ku soo wajahan, kuwaas oo laba kamid ah ay ka imaanayaan gudaha dalkaas.
Midowga qowmiyadaha asalka ah iyo halista dagaal midaysan
Dagaalkii gobolka Tigray ee socday labada sano intii u dhaxaysay 2020 ilaa 2022, waxaa uu dalka Ethiopia gaarsiiyay burbur wayn, waxaana ugu muhiimsan kala aamin baxa qowmiyadaha asalka ah ee Amxaara, Tigray iyo Oromada.
Sadaxdan qowmiyadooda oo isku arka inay yihiin bulshooyinka iska leh dhaxalka Itoobiya, ayaa si ba’an ugu dagaallamay jiritaankooda qowmiyadood, waxayna muddadii uu dagaalka Tigray socday mid kastaba uu goonnidiisa u asaastay jabhad u taagan danihiisa. OLA iyo FANO oo kala metala Amxaarada iyo Oramada dhulka oogada sare kulaalasha ayaa aad isu hubeeyay. Bilowgii nidaamkii Abiy Axmed ayaa OLA iyo FANO u isticmaalay dagaalka Tigray, waxayna si wayn uga garab dagaallameen ciidanka qaran ee Itoobiya, kuwaas oo si wayn ugu wiiqmay colaaddii labada sano socotay.
Inkasta oo Abiy uu dagaalkaas ku jabiyay Jabhadda TPLF, haddana natiijadii uu dagaalka ka helay ma noqon mid xasillooni u horseeda xukunkiisa, waxaana uu saddax sano keddib wajahayaa culayska ka soo socda waqooyiga dalkaas.
TPLF oo qaaday 3 sano oo dib u dhis iyo soo kabasho dagaal ah ayaa markale ka hortimid qaab xukunka Abiy, waxayna gobolkooda ka eryeen dhammaan mas’uuliyiintii uu Abiy halkaas u soo magacaabay, taas oo daaha ka qaaday jidka cusub ee Itoobiya qaaday iyo burburka ku dhacay heshiiskii Pretoria ee dagaalka lagu soo afajaray.
Sida ay xogo sirdoon oo dalalka gobolku iswaydaarsadeen lagu arkay, TPLF inta aysan soo afjarin hab xukunkii kumeelgaarka ahaa ee Abiy gobolkooda u magaacabay, waxay heshiis sal adag leh la gaareen dalka Eriteriya oo deris wadaag yihiin, hase ahaate ay colaad wayn ka dhex oognayd.
Damaca bad-doonka ah Abiy ayaa dhammaadkii 2023, labada dhinac ee TPLF iyo Eriteriya mideeyay, waxaana markale caasha isasaaray rag duurka kusoo wada qaatay intii ay labada dhinac u midaysnaayeen inay ridaan xukunkii dhergiga ee Mingistu, kaas oo ay jabhadihii TPLF iyo EPLF ayaa xukunka kula wareegeen sannadkii 1991.
Xiriirka dhexmaray Casmara iyo TPLF ayaa fure u noqday inay garabka TPLF ku soo biiraan jabhadaha OLA iyo FANO, kuwaas oo waqtigan dhul badan oo deegaannadooda ah isku fidinaya. Gaashaanbuuraysiga dhexmaray sedexdan jabahadooda iyo dalka Eriteriya oo gadaal ka taagan ayaa loo arkaa inuu yahay dhammaadka xukunka Abiy oo bilow u noqon kara kala daadasho ku dhacda Yuguslaafiyada Afrika.
Itoobiya waxay leedahay seddex qowmiyadood oo ah kuwa ilaaliya danaha Abasiiniya. Halkan waxay kala mid tahay Yuguslaafiyadii kala tagtay, taas oo ay hormuud u ahaayeen bulshooyinka Boosniyaanka, Seerbiyaanka iyo Kuruwayshiyaanka.
Qiimaynta iyo xogaha sirdoon ee ilaa hadda sida wayn loo hayo, waxaa ugu horreeya inay is dhexgeleen, beelaha Oromada oo OLA metalayso, Amxaaro oo FANO horkacayso iyo Tigreega oo dabasocda TPLF.
Qorshaha saddexda qowmiyadood
OROMO: Jabhadda OLA (Oromo Liberation Army) oo hore u ahayd mucaarad maxalli ah, maanta waxay hoggaan u tahay dadaal mideynaya qoomiyado badan oo doonaya kala go’ ama beddelid nidaamka federaalka. Oromada waxay aaminsan yihiin in iyaga oo ah dadka ugu tirada badan dalka, aysan wali helin wax metelaad ah.
TIGRAY: Dagaalkii 2020–2022 ee u dhaxeeyay TPLF iyo dowladda dhexe waxa uu baabi’iyay kalsoonidii Tigreegu ku qabeen qaran midaysan. Inkasta oo heshiis xabbad-joojin ah la gaaray, Tigray haatan waxay dib ula midoobeen cadowgoodii hore ee Eriteriya, si ay uga guuleystaan xukunka dhexe.
AMXAARO: Ciidan beeleedkii FANO ayaa isu beddelay awood-dhisan oo leh ciidan, maamul iyo xuduudo uu difaacayo. Dagaal toos ah ayaa ka socda Waqooyiga gobolkooda, inta badan hormuudka Amxaarada ayaa si badheedh ah u diidan inay ku sii hoos jiraan nidaamka Abiy.
Marka la eego saddexda awoodood ee ugu weyn dalka (Tigray, Amxaaro, Oromo), dhammaantood waxay ku jiraan xaalad aan lagu kalsoonaan karin, waxayna si rasmi ah u diideen maamulka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Abaabulka socda ee Qowmiyadahaas wadaan waxaa fursad u ah dastuurka Federaalka ah oo xilligan ay Itoobiya ku dhaqanto, kaas oo qodobkiisa 39aad dammaanad qaadayo ‘xaqa kala gurashada qaran’, kaas oo gobol kasta awoood u leeyahay inuu iskiis dal u noqdo, haddii la dhaqangeliyo qodobka 39aad ee dastuurka.
Tani waa halka ay ka shidaal qaadanayaan dhammaan awoodaha seddexda ah ee dalka Itoobiya, kuwaas oo mid kasta ay leedahay qorshe u gaar ah oo inay talada dalka gacanta ku dhigto ama ay hesho fursad ay gooni ugu istaagi karto. Hase ahaatee, saddaxda jabhadoodba waxay ka midaysan yihiin in awoodda la dhaafiyo Abiy. Labada Jabhadood ee TPLF iyo OLA, ayaa aad isugu dhaw waxayna isku raacsan yihiin in midna dal madax-bannaan noqoto midda kalena ay inta soo harta madax u noqoto.
Isbahaysiga Asmara
Dhawr sanno oo ay Addis Ababa iyo Asmara ku jiraan xasillooni aan caga badan ku taagnayn, kaddib heshiiskii 2018 ee labada dal ku dhammeeyeen dagaalkii 20 jirsaday ee 1998, labada dal ayaa u muuqda kuwa qaaday dhabaha khilaaf isu baddali kara gacan ka hadal. Colaad cusub ayaa markale ka soo dhex muuqatay labada dal. Damaca Abiy ee baadigoobka marin badeed, gaarista biyaha Badda Cas iyo ballaarinta Abasiiniya ayaa soo dedejisay in mar kale ay labada dal isku diyaariyaan dagaal weyne kale oo gobolka ka qarxa.
Madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki ayaa laba jeer oo is xigta ku hanjabay in dalkiisu uusan isdhiibayn, wuxuuna si cad u sheegay in Asmara ay qaadayso tallaabooyin looga hortagayo daandaansiga Itoobiya. Waxaa intaas dheer in Masar iyo Eriteriya ay yeesheen isbahaysi milatari, Qaahirana ay hub casri ah keentay xeebaha Eritrea – tallaabo si cad loogu fasiray inay tahay diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee dagaal weyn.
Masar iyo Eriteriya waxay si isku mid ah uga soo horjeedaan qorshaha Itoobiya ee gaarista biyaha Badda Cas. Waxaana ilo sirdoon sheegayaan in labada dal ay si joogto ah u taageeraan jabhadaha hubeysan ee kasoo horjeeda Xukuumadda Addis Ababa. Asmara waxaa lagu eedeynayaa inay martigelisay dhawr jeer hogaamiyeyaasha jabhadaha Itoobiya, taasoo muujinaysa in dagaalka uu dhab yahay.
Dhaqdhaqaaqa mucaaridka aan hubaysnayn
Toban sano keddib, waxaa jaanta isla helay ururuda mucaaridka ah ee aan hubaysnayn ee dalka Itoobiya, kuwaas oo 2015 si wayn ugu soo caanbaxay dibadbaxyadii nabdoonaa ee xukunka ka tuuray Xayle Mariam, ugu dambeyntiina keenay Abiy Axmed. Mucaaridka nabdoon ee dalka Itoobiya ayaa dhaqdhaaqyo waawayn ka wada caasimadaha reer galbeedka, waxaana si wayn looga dhex arkayaa siyaasiga caanka ah ee Jawaar Maxamed kaas oo si wayn ugu soo horjeeda qaab hoggaaminta Abiy.
Siyaasiyiinta Mucaaridka aan hubaysnayn ayaa ah furin kale oo Abiy kusoo butaacday taas oo khasbaysa in la soo gaabiyo cimrigiisa siyaasadeed ee hoggaaminta Xsibiga Barwaaqo ee dalka Itoobiya.
Soomaalida deegaanku diyaar ma u tahay isbaddal?
Loolan ayaa ka dhexqarxay Jabhadda Xoreynta Wadaniga Ogaadeeniya ee ONLF oo muddo dheer halgan hubeysan ku jirtay, balse markii dambe hubka dhigtay. Wuxuu is-maanshaafkan oo uu qeyb ka yahay garabka Deegaanka Soomaalida ee Xisbiga Barwaaqo ayaa looga gol leeyahay in lagu kala dhantaalo midnimada Jabhaddan, lana yareeyo saameynta ay ku yeelan karaan inay qeyb ka noqdaan isbaddala sida xowliga ah ku socda.
Xubno ilaa 17 ah oo ka tirsanaa Guddiga Fulinta iyo Golaha Dhexe ee ONLF ayaa Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ugu doortay hoggaanka cusub ee Jabhadda. Waa tiro aad u yar marka loo eego xubnaha 132-da ah ee ku jiray Goleyaasha ONLF. Hase yeeshee, saraakiisha PP ee Deegaanka iyo Xukuumadda Federaalka ayaad moodaa inay dan u arkaan in la wiiqo ONLF si aysan Soomaalida deegaanka u helin cudud iyo caqli mideysan oo jiheyn karta haddii isbaddel degdeg ah ku yimaado Itoobiya.
Waxaa se hubanti ah, cidda kaliya ee aan u diyaarsanayn isbadallada laga filan karo Itoobiya in ay yihiin Soomaalida oo, haddii aysan si wanaagsan uga tabaabusheysan qorsheyaasha haatan socda, ku noqon karta culeys si gaar ah u fuula qowmiyadda Soomaalida.
Su’aasha ugu weyn ee haatan la isweydiinayo ayaa ah: Itoobiya burbur ma ka badbaadaysaa? Jawaabtu waxay u baahan tahay qiimayn dheellitiran oo lagu eegayo xaaladda gudaha, isbahaysiga Asmara, iyo dhaqdhaqaaqa mucaaridka.
Calaamadaha muuqda waxay muujinayaan in dagaal weyne uu dhacayo, waxaana lagu qiyaasaa in Abiy uu ku waayi karo xukunka. Haddii ay sidaas dhacdo, Itoobiya waxay noqon kartaa mid markii ugu horreysay u kala daadata sidii Yuguslaafiya, tan iyo waagii gumeystaha Yurub uu ka kacay Afrika.
Hay’adaha sirdoonka ee gobolka iyo kuwa caalamka ayaa tilmaamaya in dhammaadka sannadkan ay Itoobiya noqon doonto xarunta isbeddel weyn oo khariiradda Geeska Afrika si buuxda u dhalan roga.
Haddii aan xal siyaasadeed oo dhab ah la helin, sannadka 2026 ayaa noqon kara sannadkii ay Yuguslaafiyada afrika kala dhaqaaqi lahayd, ayna Oramada, Amxaarada iyo Tigreegu ay kala geli doonaan halkii Seerbiyiinta, Boosniyiinta iyo Kuruwayshiyaankii Yuguslaafiyadii Yurub ee burburtay!