Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dagaal kooban oo saaka ka dhacay Baladxaawo ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana uu dhexmaray ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo taabacsan maamulka Jubbaland.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo magaalada waxay muujinayaan in dagaalku uu markale dib ubilowday iyadoo ciidanka Jubbaland ay  ku sugan yihiin qaybo magaalada ka mid ah, halka ciidanka dowladda ay fariisin ku leeyihiin Xerada UK oo ku taalla duleedka magaalada, sidoo kalena markaste ay ku fidi karaan gudaha magaalada.

Xiriiro aan la sameynay dhinacyada dagaallamay iyo dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Beled Xaawo ayaa Somali Stream u xaqiijiyay in dhimashada labada dhinac ay tahay 7 , tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen keddib markii  ciidamada taabacsan Jubaland ay hor istaagteen gaari qaad sida  oo ku socday Xerada UK. Xeradaad ayaa saldhig u ah ciidanka Cabdirashiid Janan ee taabacsan Dowladda Federaalka.

Waxaa kale oo jira dhaawacyo iyo maydad l geeyay Xero UK oo ay xarun caafimaad ka sameysteen ciidanka Cabdirashiid Janan. Lama oga tirada rasmiga ah maadaama aan macluumaad furan laga heli karin waxa ka socda gudaha xeradaas.

Degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Gedo waxaa gacanta ku haya maamullo kala taageersan labada dhinac, iyadoo Garbahaareey iyo Baardheere ay hoos tagaan Dowladda Federaalka, halka Doolow uu maamulkiisu taabacsan yahay Jubbaland.

Inkasta oo aysan jirin faragelin toos ah, hadana dalalka deriska ah ee Kenya iyo Itoobiya oo xuduud la leh Gedo waxay xiriir wanaagsan la leeyihiin maamulka Jubbaland.

Waxaa adkaanaya in si dhab ah loo saadaaliyo halka uu ku dambeyn doono loollanka u dhexeeya Jubbaland iyo Dowladda Federaalka, maadaama ay muuqato in mid kasta uu doonayo inuu tan kale ka adkaado ama hoos geeyo maamulkiisa.

Xusuus ahaan, xilligii uu xilka hayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dagaallo culus ayaa ka dhacay gobolka Gedo, kuwaas oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland. Ugu dambeyntiina, dowladda ayaa ku guuleysatay inay si buuxda ula wareegto guud ahaan gobolka Gedo.

Si kastaba ha ahaatee, gobolku wuxuu wali wajahaya dhibaatooyin amni iyo maamul, iyadoo ay go’an yihiin buundooyinka muhiimka ah ee isku xira magaalooyin ay ka mid yihiin Baardheere iyo Buurdhuubo, mana jirto ilaa hadda cid wax ka qabatay arrintaas.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More