Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa maanta ka dhacay dagaal dhex maray Ciidanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ee degmada ku sugnaa.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ay Dowladda Soomaaliya u daabushay ciidan Degmada Beled Xaawo, si ay halkaas ugala wareegaan ciidan iyo saraakiil maamul oo daacad u ah Dowlad Goboleedka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Dagaalka oo saacado ka socday magaalada gudaheeda ayaa istaagay kaddib markii ciidankii Dowladda Federaalka ay halkaas gaysay laga saaray gudaha magaalada, sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen Warbaahinta Somali Stream.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay inuu yahay 7 qof iyo dhaawac ka badan 10 kale kuwaas oo isugu jira labada dhinac ee ku dagaallamay magaalada.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) iyo ciidankiisa ayaa waqtigan ku sugan goob lagu magacaabo Xero UK oo ah bar ay leeyihiin ciidanka laanta socdaalka oo magaalada kaga taal dhanka galbeed ee xigta xuduudka Kenya.

Ilo madaxbanaan ayaa inoo sheegay in dowladaha deriska la ah gobolka Gedo ay ka codsadeen ciidanka Axmed Madoobe inaysan soo dhaafin halka ay joogaan, ayna hakiyaan weerarka si uusan ugu soo fidin xuduud beenaadka.

Dowladda Federaalka ayaa todobaadyadii tegay waqti badan gelisay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd degmooyinka muhiimka ah ee Dooloow iyo Beled Xaawo, kuwaas oo ah marin istaraatiiji ah iyo bar xudeed ay ku kulmaan dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa oo si wayn uga caraysan doorashadii Axmed Madoobe ee dabayaaqadii sanadkii hore ayaa diyaariyay qorshe ay gacanta Jubaland uga saarayaan Gobolka Gedo. Waxaa qorshaha lagu bilaabay in gobolkaas la geliyo go’odoon socdaal si looga hortago inay isku xirmaan Gedo iyo Jubada Hoose oo saldhig maamul iyo mid ciidan u ah maamulka Axmed Madoobe. Inkasta oo ay Dowladdu qaadday xayiraaddii hawada ee Gedo, haddana dhawr maalin kahor ayay kusoo celisay Degmada Dooloow.

Magacaabista Cabdirashiid Janan

Tallaabo kale oo ay qaaday Dowladda Federaalka ah ayaa ah inay dib u hawl galisay Cabdrishiid Xasan Cabdinuur oo loo yaqaan Janan, kaas oo loo magacaabay Madaxa Xasilinta Gobolka Gedo, maanta ay isku dhacyada ka kaceen tagistiisa. Xilkan ayaa ka dhigan maamule idman oo ka awood badan hay’ad kasta oo Gedo ku sugan, waxaana uu hoos tagaa taliska guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Janan ayaa ah nin ay muran badan ku jirto shaqsiyadiisa iyo shaqadiisaba, waxaana si wayn loogu tilmaamaa siyaasi aan marna daacad u noqon maamulka magacaaba sida dhawr jeer oo hore la arkay.

Xilal kala duwan ayuu ka soo qabta Gobolka Gedo isagoo mar ahaa siyaasiga ugu awoodda badan Gedo, kahor inta uusan u wareegin maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe oo uu u noqday Wasiirka Amniga Jubaland.

Muddadii uu xukunka hayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo khilaaf la mid ah kan Xasan Sheekh Maxamuud uu haatan kula jiro Axmed Madoobe la galay, Cabdirashiid Janan ayaa dhextaal u ahaa khilaafkii markaas taagnaa.

Waxaa Janan uu marar kala duwan ka soo saftay dhinaca Dowladda, si lamid ah inuu dagaal la galay isaga oo taabacsan Axmed Madoobe.

Baaqyo kala duwan ayaa kasoo baxay eedeemo bini’aadantinnimo oo loo haysto Cabdirashiid Janan, hase ahaate marna looma maxkamadayn danbiyada dagaal ee lagu eedeeyay inuu ka gaystay gobolka Gedo muddadii uu gacanta ku hayay.

U yeerista Cabdirashiid Janan iyo in loo dhiibo shaqo aad u muhiim ah oo gobolka Gedo ah ayaa loo fasiray in Madaxweyne Xasan iyo xukuumaddiisu aysan waan-waan dambe la galayn Axmed Madoobe, ballantuna ay tahay in xabbad lagu kala calaf qaado.

Waxaase la yaab leh, jilaayaasha khilaafka Jubaland waa isla kuwii shalay, amuuraha la isku haysta waa isla kuwii dowladdii hore u caal wayday, halka Janan iyo jabhadayntiisa ay xudun u tahay sida loogu kala adkaanayo gacan ku haynta Gobolkaas, waxaa se muuqata in Itoobiya iyo Kenya oo gobolka derisa la ah inay faragelintoodii deegaankan ay sii joogtaynayaan.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More