Magaalada Laascaanood waxaa maanta oo Sabti ah, 13-ka Luulyo 2025, ay si rasmi ah u martigelisay shirweyne ballaaran oo lagu dhameystirayo maamulka cusub ee SSC-Khaatumo. Shirkan oo ah mid si weyn loo sugayay, ayaa ka dhigan marxalad cusub oo taariikhi ah oo lagu dhisayo maamul dowlad-goboleed rasmi ah oo matala dadka ku nool gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Waxaa shirka kasoo qaybgalay ergooyin ka kala yimid dhammaan saddexda gobol, waxaana goobta joogay hoggaanka sare ee SSC-Khaatumo, odayaal dhaqameed, siyaasiyiin, aqoonyahanno, haween iyo dhallinyaro, iyo sidoo kale wufuud ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Puntland oo si cad udiidan qorshahaan
Dhisadda Maamul ay ku midaysanyihiin Sanaag, Sool iyo Buuhoodle waxaa aad uga soo horjeeda Puntland. Maamulka Puntland wuxuu si rasmi ah u diiday qorshahaan isagoo ku andacoonaya in gobolka Sanaag uu yahay dhul hoos taga Puntland. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhowaan si cad uga hadlay arrintan, isagoo ku eedeeyay maamulka SSC in uu “faragelin” ku hayo deegaanno hoos yimaada Puntland.
Eedaymahaas ayaa imaanaya xilli Puntland ay dareemeyso in SSC-Khaatumo ay si xooggan ugu fidayso gobolka Sanaag, taasoo dhaawici karta saamiga siyaasadeed ee Puntland ku lahayd dowladda dhexe.
Gobolka Sanaag ayaa ah meelaha ugu xasaasisan ee shirkan saamaynta ku leh. Inkasta oo qaar kamid ah isimada ugu waaweyn ee beelaha Sanaag aysan weli goobjoog ka ahayn shirkan, haddana waxaa Laascaanood jooga ergooyin culus oo ka yimid dhinaca Sanaag kuwaas oo si buuxda u taageersan hirgelinta maamul ay ku midaysanyihiin reer Sool iyo Sanaag.
Reer Sanaag waxay muujiyeen dareen qoto dheer oo ku aaddan mustaqbalkooda siyaasadeed, iyagoo si dhow isha ugu haya natiijooyinka ka soo bixi doona shirkan. Qanacooda waxa uu si buuxda ugu xirnaan doonta sida shirku u damaanad qaado metelaad cadaalad ah, midnimo, iyo xuquuqda deegaanadooda oo la ilaaliyo.
Saluugga Reer Sanaag ee Puntland
Reer Sanaag ayaa muddooyinkii dambe ka muujinayay saluug ballaaran maamulka Puntland.
Saluuqaas ayaa hadda isu beddelay dareen siyaasadeed oo xooggan oo gobolka u riixaya inuu si buuxda ula midoobo SSC-Khaatumo, taasoo haddii ay dhacdo, saamayn culus ku yeelan doonta mustaqbalka Puntland.
Saamaynta Siyaasadeed ee Federaalka: Dowlad-Goboleed Cusub oo soo baxaya
Shirkan Laascaanood wuxuu fure u yahay soo bixitaanka maamul cusub oo buuxa, taasoo tirada maamul-goboleedyada dalka gaarsiin doonta lix Dowlad Goboleed. Tani waxay saamayn toos ah ku yeelan doontaa guud ahaan Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in xildhibaanno badan oo horay loogu soo xuli jiray Garoowe, hadda in laga soo xuli doono magaalada Laascaanood. Tani waxay dhaawac weyn ku noqon kartaa awoodda siyaasadeed ee Puntland, waxayna u muuqataa in SSC ay si buuxda uga go’day Garoowe.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhab ah u danaynaysaa dhamaystirka maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u arko qorshe muhiim ah. Qorshahaan waxaa sidoo kale ay Dawladdu Federaalka ah u aragtaa mid xakameyn kara saameynta siyaasadeed ee Siciid Deni, gaar ahaan dhanka doorashooyinka nagu soo socda.
Bulshada reer SSC shirkan waxay u arkaan fursad wanaagsan iyo inay si toos ah uga qeyb noqon doonaan hannaanka siyaasadda ee dalka. Waxaa laga dareemayaa Laascaanood niyad wanaagsan iyo rajo.
Ugu danbayntii Shirka ka socda Laascaanood wuxuu si cad u muujinayaa isbeddel weyn oo ku socda jihada siyaasadeed ee Soomaaliya. Maamul rasmi ah ayaa umuuqda in uu si buuxda uga soo ifbaxayo Waqooyi Bari ee Soomaaliya, Puntland-na waxay wajahayaan caqabad siyaasadeed iyo in ay u aragto in deegaano kamid ah dhulkeeda la goynayo.
Reer Sanaag waxay sugayaan natiijo dhab ah — mid ay u arkaan caddaalad iyo matalaad — si ay si rasmi ah ugu biiraan maamul ay ku midaysanyihiin ayaga iyo reer Sool. Mustaqbalka dhow ayaa go’aamin doona halka ay u jihaysan doonto qadiyadani