W/Q: Maxamed Odowaa
Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay saluugtay kaalinta shisheeye ee dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan kooxda loo yaqaano Copenhagen Group ama beesha lixaad (C6+) sida Soomaali badani u taqaanno.
Waa maxay C6+?
Waa madal ay ku mideysanyihiin dalal iyo ururo awood leh oo caalami ah waxayna kala yihiin Mareykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Sweden, Itoobiya, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD. Dalalkaan iyo ururadaan caalamiga ah ayaa mideeyay aragtidooda ku saabsan dowlad-dhiska iyo xasilloonida Soomaaliya keddib qaran jabkii Soomaaliya 1991.
Ujeedooyinka C6+ waxaa lagu sheegaa inay saameyn togan mar walba ku yeeshaan arrimaha gudaha Soomaaliya gaar ahaan dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka. Waxaa la dhisay sanadkii 2010, markaas oo ay Soomaaliya ka jirtay dowlad kumeel gaar ah.
Dadka Soomaalidu ma jecla faragelinta shisheeye laakin waxay inta wax garataa ogyihiin in faragelinta shisheeye ay sabab u yihiin siyaasiinta Soomaalida oo aan lahayn aragti qaran oo ay kaga maarmi karaan faragelinta shisheeyaha.
Khilaafka C6+ iyo Dowladda Federaalka
Sida ku cad qoraal ka soo baxay Wasiir Dowladaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Xildhibaan Cali Cumar Balcad, waxay Xukuumadda Soomaaliya qoonsatay hab-dhaqanka soo jireenka ah ee kooxda C6+, gaar ahaan saameyntooda arrimaha gudaha ee siyaasadda.
Farriinta Wasiir Balcad, shaki kuma jiro inay si toos uga timid Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo isagu isku aadisanaya turub siyaasadeed oo uu doonayo inuu ku sii joogo Madaxtooyadda.
Madaxwaynuhu wuxuu doonayaa inuu miciyaha ka siibo kooxda awoodda badan ee C6+ kahor dhamaadka muddo xileedkiisa, isaga oo ka cararaya cadaadiska caalamiga ah oo khatar ku noqon kara damaciisa siyaasadeed.
Xoogaga Mucaaradka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay dalabka dowladda dhexe ee ah in hoos loo dhigo ama meeshaba laga saaro saameynta Beesha Caalamka ee arrimaha gudaha Soomaaliya. Sida ay dad badani qabaan, mucaaradka Soomaaliya ayaa iyana ku doodaya in kaalinta Beesha Caalamka ee Soomaaliya ay wali tahay, “faanoole-fari kama qodna.”
Maxay rabtaa Xukuumaddu?
Marka laga tago damaca Madaxwaynaha ee sii joogista kursiga iyo ka cararka cadaadiska Beesha Caalamaka, waxay Xukuumaddu ku sheegtay warqaddeeda in C6+ looga baahanyahay in ay raacaan dariiqa saxda ah ee la macaamilka dowladaha xorta ah. Waa waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Bilateral relations,” taas oo micnaheedu yahay xiriir labo geesood ah ama u dhaxeeya labo dowladood ama labo dal.
Sababta loo dhisay C6+
Dhismaha dalalka iyo ururada caalamiga ah ee ku mideysan C6+ waa aragti ku dhisan in Soomaaliya arrimaheeda lagu wajaho dariiq mid ah oo ka baxsan xiriiro gaar gaar ah, waana waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Multilateral relations.”
Caalamku wuxuu Soomaaliya u arkaa dal siyaasad ahaan gudihiisa halis isku ah oo aan lahayn xasillooni siyaasadeed, amni ahaanna caalamka halis ku ah oo ay ka jiraan kooxo hubeysan. Aragtida C6+ “waa xaaladaha Soomaaliya aan si mideysan ku wajahno, halkii aan kali-kali ku wajahi lahayn.”
Maxay qoonsatay Dowladda Federaalka?
Sida la wada rumeysanyahay waxaa sii kordhaya cadaadiska caalamiga ah ee ka dhanka ah Xukuumadda Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka halka dhinac ah, khilaafaadka siyaasadeed ee cuuryaamiyay geedi-socodka dowlad-dhiska iyo cadaadiska amni ee ka imaanaya kooxaha hubeysan sida Al-Shabaab.
Beesha Caalamka si gaar ah, C6+ ayaa kordhisay saameyntooda siyaasadda gudaha ee Soomaaliya iyaga oo ku qasbaya nidaamka Madaxwayne Xasan, in wax walba lagu xalliyo wadar-oggol iyo wada-xaajood siyaasadeed. Laakin tallaabooyinkaas uma cuntamayaan Madaxwanaha iyo kooxdiisa siyaasadda, waana sababta dhabta ah ee ka careysiisay Dowladda Federaalka.
Maxaa laga filan karaa C6+?
Murqa-weynta Beesha Caalamka ee ku mideysan C6+ uma arkaan wax wayn doodda Dowladda Federaalka, waxayna intooda badan qabaan inaan lala ficiltamin Xukuumadda Soomaaliya, taa beddelkeedana shaqada cadaadiska halkeedii laga sii wado, iyaga oo maanka ku haya in Soomaaliya, waqtigaan caalamka baahi badan u qabto oo aan sinnaba looga maarmin kaalintooda.
Hay’ddaha dhaqaalaha adduunka sida Baanka Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Caalamka (IMF), waxay ka mid yihiin tiirarka ay ku taaganyihiin hay’ddaha dhaqaalaha Soomaaliya ee soo koraya. Haddaba, haddii ay Dowladda Federaalka ay ku sii taagnaato go’aan-keeda ka dhanka ah C6+, waxaa markaas keddib iska cad in Soomaaliya ay la kulmi doonto dhibaatooyin waaweyn, gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo dhaqaalaha.
Xaaladda Soomaaliya ee maanta
is-maandhaafka siyaasadda gudaha waa sii kordhayaa. Amniga Qaranka, si guud waxaa ka jira habacsanaan baahsan, waxayna wax walba u muuqdaan in ay caasimadda Muqdisho ku soo aruurayaan iyada oo kooxaha hubeysan sida Al-Shabaab ay dib u soo riixeen ciidamada Soomaaliya.
Khilaafka Dowladda Federaalka kala dhaxeeya qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada sida Puntland iyo Jubbaland wuxuu qayb ka yahay jahawareerka siyaasadeed ee taagan, waxaana intaas sii dheer dooorashooyinka halka dhinac ah ee Xukuumaddu gadaal ka riixayso iyada oo kooxaha mucaaradka ah ay xulafaysi ka wadaan Caasimadda. Dhanka kale, dhaqaalaha dalku waa sii liicayaa, waxaana sii xumaanaya aragtida dowladnimo Soomaaliyeed iyo dastuur lagu mideysanyahay, keddib dhismihii Jamhuuriyadda 3aad ee lagu soo dhisay Magaaladda Carta ee dalka Jabuuti sanadkii 2000.
F.G: Faalladan waa mid ku dhisan aragtida qoraaga, loomana fasiran karo mid ka turjumeysa mowqifka Somali Stream.