Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Warbaahinta Somali Stream ayaa heshay farriin ku qoran luuqad adag, laguna socodsiiyay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya James Swan. Warqadda oo uu qoray Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaliya Cali Cumar (Balcad), kuna taariikhaysan 10ka Juun, ayaa lagu faray Ergada C6+ in qaabkii shaqo ay Soomaaliya uga hawlgeli jireen dib loo qiimeeyay, isla markaana meesha laga saaray inay hab wadajir u la macaamilaan Dowladda Soomaaliya.

Wasiir Balcad waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in kooxda C6+ waqtigii la asaasay ay Soomaaliya ahayd dal ku jira xaalad nuglaan iyo kumeel gaadh ah oo u baahan in la mideeyo taageerada Beesha Caalamka. Waxaa uu intaas ku daray in ay ahayd natiijo ka dhalatay xaaladihii ka dambeeyay 2010, markaas oo qarannimada Soomaaliya ay nuglayd.

Wasiir Balcad ayaa qoraalkiisa ku sheegay in haatan xaalka Soomaliya isbeddelay, dalkana ay ka jirta dowlad isku filan, madaxbannaan oo leh hay’addo shaqeeya. Sidaas darteen aan loo baahnayn in nidaamkii taageero ee C6+ uu sii shaqeeyo.

“Kaddib markii aan samaynay dib u qiimayn shaqada C6+ waxa aan go’aansannay in meesha laga saaro habka kaalmada caalamka ee C6+ ayuu qoraalkiisa ku sheegay Wasiir Balcad.”

Wasiir Balcad ayaa xusay inay Soomaaliya diyaar u tahay in ay dalalka Caalamka kula shaqayso si ixtiraam leh, ayna muhiim tahay in Dowladaha Caalamku ay hab wadashaqayn oo macaamil dowladeed ah ay ku wada shaqeeyaan.

Somali Stream ayaa toddobaad kahor hor faafisay warbixin gaar ah oo sheegaysa in Danjireyaasha dalalka ku bahoobay C6+ ay ka shaqeynayaa inay shir isugu keenaan Madaxda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada, Madaxweyneyaashii hore, Raysal Wasaareyaashii hore iyo Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka, haddii gogosha ay haatan Madaxtooyadu wado shaqeyn waydo.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More