Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Xilli lagu soo dhawaanayay saacad badhka habeennimo waqtiga Bariga Dhexe, waxaa ka bilowday cabsi laga qabo dagaal weyne dhexmara Tehran iyo Televiv.

Warbaahinta Maraykanka ayaa soo dusiyey inay dublumaasiyiintii Maraykanka ee dalka Ciraaq, shaqaalihii saldhiga Maraykanka ee Baxrayn iyo qaybo kamid ah ergada Maraykanka ee dalalka khaliijka qaybtooda caawa laga daad gureeyey gobolka.

Diyaaradaha dagaalka oo aan la garan cidda rasmiga ah ee leh ayaa buuxiyey hawada gobolka Anbaar ee Ciraaq.

Iran ayaa la sheegay in heegan gelisay ciidankeeda, waxayna shucaac ku furtay hawada ay la wadaagto Ciraaq, waxaana meesha ka baxay oo khalkhalay jiheeyaha bar dhuleed (GPS) ee Ciraaq.

Ma suurta gal baa kndagaal dhico?

Warbaahinta Aljazeera ayaa ku sifaysay waxa socda kaadh caadaadis oo la saarayo Iran, laguna khasbayo inay qaadato heshiiska uu Maraykanku rabo kaas oo ah inay burburiso hubkeeda Nukliyeerka ee la aaminsan yahay inuu dhammaystir marayo.

Cabsida dagaal ayaa timid ka hor laba maalmood kulanka wadahadalka ee Iran iyo Maraykanka oo qorshaysaa inuu qabsoomo, inkasta oo aan weli la isku raacin Norway ama Cummaan tan la isugu imaanayo.

Maxay keenay waqtigan in Iran la wareeri karo?

Xog sirdoon oo ay Reer Galbeedku is dhaafsadeen ayaa laga arkay in Iran diyaarisay Madaxii Nukliyeer ee ugu horreeyay ayna suuragal tahay inay tijaabiso asbuuc ugu horreeya ee Luulyo. Tan lama hubo inay dhab tahay, waxaana loo arkaa marmarsiiyo ay Isra1l ku doonayso inay weerar ku qaaddo Iran, si aysan u gaarin dhammaystirka bacraminta Uraaniyamka.

Maxay Iran samayn kartaa haddii la weeraro?

Iran lagama filayo markan inay gacmaha laabato, waxaana la odorosayaa inay sugayso bartilmaameedyo gaar ah oo ku yaal dalalka Khaliijka iyo Isra1l. Waxaa ay marar badan ku celisay in dagaal weyne gobolku aadayo, waxaana xilli horaba bilaabatay in kooxaha Shiicada ah ay ku dhawaaqaan Fatwo dagaal jihaad ah oo ka dhan ah Isra1l iyo Maraykanka.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More