Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Ergada Beesha Caalamka ee ku midaysan C6+ ayaa maanta kulan ka yeeshay magaalada Muqdisho, waxayna ka wada hadleen xaaladihii siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo sida gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud looga falcelin lahaa.

Ergada ayaa ku kala qeybsan sida ay u arkaan casuumadda Madaxweynaha, waxaana jira in inta lagu guda jiray doodaha in Safiirada Mareykanka, Ingiriiska iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ay muujiyeen in Madaxweyne Xasan uusan si dhab ah uga jawaabin culeyska jira, uuna ka muuqdo cagajiid iyo niyad sami la’aan.

Tiiyoo ay jirto in doodaha intooda badan ay isku dhinac ahaayeen, marka laga reebo Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, haddana go’aamada iyo warmurtiyeedka kasoo baxa C6+ ayaa ah mid ku saleysan wada-ogol. Waxaa dhawrkii kulan ee u dambeeyay aan shirarkan ka qeybgalin Safiirka Dowladda Turkiya.

Qofka jeediyay hadalkii ugu kululaa wuxuu ahaa Safiirka Mareykanka Richard H. Riley, oo ku celceliyay in gogosha Madaxweyne Xasan Sheekh ee labada bilood jiitamaysa ay haatan sii kordhisay jahwareer cusub iyo jihayn la’aan. Wuxuu intaas ku daray in hannaanka uu Madaxweynaha ku wada hawshan inaysan u muuqan mid mira dhalaysa haddii aan culeys dheeri ah la saarin.

Safiirka cusub ee UK Charles King oo un maalmo yar kahor laga qabtay warqadaha aqoonsiga danjirennimo ayaa isagana ku biiray kooxda aaminsan in sida ay haatan hawsha ku waddo Madaxatooyadu aysan ahayn mid midnimo abuuri karta.

Wakiilka Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan oo in ka badan 30 sano siyaabo kala duwan uga soo shaqeeyay dalka Soomaaliya ayaa isagana la qaba fikirka Mareykanka balse waxaa ka muuqatay dabacsanaan iyo isku jiidjiid labada dhinac ah in la sameeyo.

Dhanka kale, Safiirka Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Karin Johansson ayaa tilmaantay in shaqada ergooyinka caalamka ee Soomaaliya aysan ahayn inay horboodaan dowladda sharciga ah ee Soomaaliya, waxayna si qayaxan ugu celcelisay in hawshaas loo daayo Villa Soomaaliya.

Inkastoo warqad kale oo maanta kasoo baxday Wasaaradda Warfaafinta lagu faahfaahiyay gogosha Madaxweynaha, haddana waxaa muuqata in warqaddii shalay loo diray madaxdii hore ay ahayd mid loogu tala galay in looga dhuunto casuumaadda Madaxweynaha Jubaland, sidaasna looga reebay casuumaaddii Maamul Goboleedyada.

Hase yeeshee, Warqadda maanta ayaa xogo dheeri ah lagu sheegay, waana in shirkan keddib loo yeeri doono Golaha Wadatashiga Qaranka 22ka Juun, balse wali ma cadda in Axmed Maxamed Islaam oo qeyb ka noqon doono kulanka 22ka qabsoomaya.

Ergada Beesha Caalamka oo kulamo la yeelatay toddobaadkan Madaxweyne Xasan Sheekh, Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay iyo Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland oo ay kula kulmeen magaalada Nairobi toddobaadyadii tagay ayaa riixaysa in la helo hannaan ay ula baxeen ‘ka qeybgalinta Madxada Mucaaradka ee Shirka  Madashada Wadatashiga (NCC+)’ inuu yahay xalka kaliya ee looga heshiin karo doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wajahaysa culeys saddex dhinacle ah oo ka imaanaya Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo mideysa siyaasiyiin uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ergada Xalane ee Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka gacan haatinaya Kampala, haddii natiijo wax ku ool ah ay kasoo bixi wayso gogosha haatan la iclaamiyay.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More