Sida ay baahisay warbaahinta Middle East Eye, dowladda Turkiga ayaa toddobaadkan xoojisay taageerada militari ee ay siiso Soomaaliya si ay ula dagaallanto kooxda Al-Shabaab, kaddib wadahadal khadka telefoonka ah oo dhexmaray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Sabtidii lasoo dhaafay.
Ilo xog-ogaal u ah arrintan ayaa u sheegay Middle East Eye in Turkigu uu si rasmi ah ugu wareejiyay dowladda Soomaaliya saddex diyaaradood oo T129 Atak ah, kuwaas oo ah diyaarado dagaal. Sidoo kale, Turkigu wuxuu isla waqtigaas ku wareejiyay ciidamada badda Soomaaliya labo diyaaradood oo adeeg ah, taasoo qayb ka ah heshiis difaac oo labada dal kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024, heshiiskaas oo dhigaya in Turkigu u dhiso Soomaaliya ciidan badeed.
Turkiga ayaa muddo sanad ah tababarayay duuliyayaal Soomaaliyeed si ay u kiciyaan diyaaradaha Atak. Ku wareejinta diyaaradahaas ayaa la fuliyay kaddib markii duuliyeyaashu dhameysteen heerkii ugu dambeeyay ee tababarkooda.
Xogta duullimaadyada u socda Soomaaliya ayaa muujinaysa in toddobaadkii lasoo dhaafay ay Muqdisho yimaadeen ku dhawaad lix diyaaradood oo Turkish A400M ah iyo Qatari C-17A, kuwaasoo suuragal ah inay keeneen diyaaradaha dagaalka.
Mid ka mid ah ilo-wareedyada arrintan la socda ayaa u sheegay Middle East Eye, “ku wareejinta diyaaradaha Atak ee Soomaaliya ay muujinayso in Turkigu uusan doonaynin oo kaliya inuu hub siiyo Soomaaliya, balse uu rabo inuu dhiso awood dagaal oo dhameystiran oo Soomaaliya yeelato.”
Intii lagu guda jiray wicitaankii Sabtidii dhexmaray labada Madaxweyne ee Turkiga iyo Soomaaliya, Madaxweyne Erdoğan wuxuu u sheegay Madaxweyne Xasan in Turkigu taageersan yahay horumarka Soomaaliya ee ku dhisan dimuqraadiyadda.
Sida laga soo xigtay bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Turkiga, Erdoğan wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in Turkiga uu sii wadi doono taageerada la-dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya, islamarkaana uu ballaarin doono iskaashiga labada dal.
Soomaaliya waxay wajahaysaa kororka weerarrada Al-Shabaab bilooyinkii u dambeeyay. Kooxdan oo doonaysa inay meesha ka saarto dowladda ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah ciidamada iyo shacabka. Helitaanka taageerada Turkiga ayaana ka dhigan in la dagaallanka kooxdaasi uu heli doono garab muhiim ah.
Al-Shabaab waxay horumar ballaaran ka sameeyeen bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan iyagoo qabsaday tuulooyin Koonfurta Muqdisho bishii lasoo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, horumaro la mid ah ayay hore u sameeyeen sannado ka hor balse way ka baxeen markii ay cadaadis kala kulmeen ciidamada dowladda.
Xiriirka Turkiga ee Soomaaliya oo Heer Iskaashi U Dallacday
Turkiga wuxuu si joogto ah ugu sugnaa Muqdisho tan iyo booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Erdogan uu ku tagay dalka sannadkii 2011, taasoo ahayd mid bani’aadamnimo ah. Tan iyo markaas, xiriirka labada dal wuxuu isu beddelay iskaashi amni iyo mid ganacsi oo dhameystiran.
Inkasta oo Turkigu uu Soomaaliya ku yimid qaab gurmad iyo gargaar bini’aadantinimo ah, haddana xiriirka labada dal ayaa si weyn u kobcay sannadihii u dambeeyay, waxaana labada dhinac kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi ah oo khuseeya tamarta, shidaalka, ganacsiga, maalgashiga, difaaca, iyo milateriga.
Sannadkii hore, Turkiga wuxuu la saxiixday Soomaaliya heshiis lagu baarayo kheyraadka shidaalka, taasoo keentay in markabyo farsamo ah oo Turki ah la geeyo xeebaha Soomaaliya si ay u fuliyaan sahaminta.
Warbixin hore oo ay Middle East Eye daabacday bishii Abriil ayaa muujisay in Turkigu uu laba jibbaaray joogitaanka ciidamadiisa Muqdisho, isagoo gaarsiiyay tiradooda in ka badan 500 askari. Ciidamadan waxaa la saaray mas’uuliyadda ilaalinta iyo hawlgalinta saldhigga weyn ee Turksom, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo sugidda dekedaha magaalada Muqdisho.
Inkasta oo diyaaradaha Bayraktar TB2 ay hore uga howlgaleen Soomaaliya, Turkigu wuxuu dhawaan keenay labo diyaaradood oo Akinci ah. Diyaaradahan ayaa awood u leh inay ku duulaan dherer aad u sareeya muddo dheer, waxayna si gaar ah ugu habboon yihiin la dagaallanka Al-Shabaab, sababo la xiriira kamaradahooda habeen aragga iyo awoodda ay ugu shaqeyn karaan 24 saac.
Kordhintan aan caadiga ahayn ee Turkigu sameeyay waxay imaneysa iyadoo Mareykanku hoos u dhigay kaalmooyinkii uu siin jiray Soomaaliya, taasoo muujinaysa in Ankara ay dooneyso inay ka hortagto xaalad awood la’aan ah oo dalka ka dhacda.
Inkasta oo Mareykanku uu labanlaabay duqeymihiisa cirka ee ka dhanka ah kooxaha la xiriira ISIS ee Soomaaliya sanadkan, haddana bishii Maarso ayuu joojiyay maalgelintii uu siin jiray cutubka gaarka ah ee Danab, kuwaasoo door weyn ka qaatay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.