Daahir Axmed Faarax oo kamid ah madaxda xisbiyada mucaaradka ah ee ka dhisan dalka Jabuuti ayaa walaac xooggan ka muujiyay tallaabada uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku tirtiray Sanduuqii Qaran ee Jabuuti, arrintaas oo uu sheegay inay Sharciga baal marsan tahay.
Sida Daahir uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X, Sanduuqa waxaa lagu kaydiyay lacag malaayiin doollar ah oo laga soo ururiyey shacabka, ganacsatada iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah. Haatan, lacagahaas lama hayo wax raad ahna lagama hayo halka ay ku dambeysay, sida uu qoray Daahir.
Bishii Abriil ee sanadkan, Madaxweynaha Jabuuti ayaa si lama filaan ah u baabi’iyey Sanduuqaasi Qaran. Sida lagu xusay warbixinno gudaha ah, tallaabadan looma marin si waafaqsan sharciga, waxaana la fuliyey iyadoo aan loo marin habraacyada dastuuriga ah iyo midka golayaasha sharci dejinta dalka.
“Sanduuqi Qaran ee Jabuuti ma jiro. Ismaaciil Cumar Geele aya si sharciga baal marsan u tirtirey bishi afraad ee 2025 keddib marku sidoo kale u asaasey 2020. Lacago dadweyne oo tira beela ayaa sidaa ku maqan. Shacbiga Jabuuti lacagtooda ayey rabaan oo ay u baahanyihiin.” Ayuu yiri Mudane Daahir Axmed Faarax.
Si kastaba, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sanadii 2020-kii aasaasay Sanduuqan , waxaana lagu eedeeyay inuu uga gol lahaa inuu xakameeyo dhaqaalaha si ka baxsan nidaamka dowladnimo ee caddaalad iyo isla xisaabtan ku dhisan.

