Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Keddib shir uga socday intii u dhaxaysay 27-31 bisha May, isbahaysiga mucaaridka Soomaaliya ayaa soo dhammaystiray hoggaankooda. Magacyada ka soo muuqday hoggaaminta mucaaridka ayaa ah siyaasiyiin si wayn looga yaqaano dalka, waxayna hormuud u yihiin dhinacyada ka soo horjeeda hab xukunka Madaxweynaha Soomaaliya ee ku aaddan doorashada iyo dastuurka dalka.

 War-murtiyeedka shirkan laga soo saaray ayaa lagu faahfaahiyay qodobbo ay kamid yihiin amniga iyo la dagaallanka argagixisada, midnimada iyo wadajirka dalka, sharciyadda maamul goboleedyada ee dhacsan, ku takri falka awoodda, eexda iyo musuqa, iyo sidoo kale xorriyadda siyaasadda iyo saxaafadda.

 Haddaba, qormadan waxaan ku eegeynaa sooyaalka kooban ee shakhsiyaadka haatan loo igmaday inay hoggaamiyaan isbahaysiga cusub ee la baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed (MSS).

Shariif Sheekh Axmed

Guddoomiyaha cusub ee Madasha waxaa loo doortay Shariif Sheekh Axmed oo dalka soo hoggaamiyay intii u dhaxaysay 2009-2012.

Madaxweyne Shariif ayaa soo noqday Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyada, Guddoomiyihii Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya sanadkii 2006, waxaa uuna hormuud u ahaa mucaaradka xukuumadihii u dambeeyay taniyo markii uu xilka ka tagay sanadkii 2012. Waa siyaasiga ugu waayo aragsan ee xilligan, marka la eego madaxda xilka Madaxweynaha soo qabtay.

Shariif wuxuu hoggaamiyay dowladdii ka saartay magaalada Muqdisho ururka Al Shabaab, waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa mid mar walba taagan furimaha dagaalka. Wuxuu dalka ka saaray marxaladdii Kumeel Gaarka, isaga oo qabtay doorashadii ugu horreeysay ee Soomaaliya gudaheeda ka dhacda. Deegaan Doorashadiisu waa Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

 Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)

 Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa noqday Guddoomiye Xigeenka 1aad ee Madasha Samatabixinta. Waa Raysal Wasaarihii ugu horreeyay ee Soomaaliya kaddib markii Kumeel Gaarka laga baxay, waana Guddoomiyaha Xisbiga Nagaad oo dhawaan looga dhawaaqay Muqdisho. Saacid waa siyaasi deggan, waxaana lagu xasuustaa inuu gabadhii ugu horreeysay ka dhigay xilka ugu sarreeya ee ay gabadh ka qabato taniyo aasaaskii Jamhuuriyadda; Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

 Wuxuu sidoo kale aasaaska u dhigay bilowgii ololaha dayn cafinta, dhismaha hay’adaha qaranka iyo sidoo kale dib u habeynta shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda federaalka. Deegaan Doorashadiisu waa Dowlad Goboleedka Galmudug.

Maxamed Mursal Sh Abdiraxmaan

Xildhibaan Maxamed Mursal Cabdiraxman ayaa qabanaya Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Madasha. Waa Siyaasi afgaaban oo soo qabtay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka intii u dhaxaysay 2018 ilaa 2022. Sidoo kale, wxuu soo qabtay xilalka Wasiirka Biyaha muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirka Difaaca muddo xileedkii MAdaxweyne Maxamed Farmaajo iyo sidoo kale Safiirka Soomaaliya ee Turkiga muddo xileedkii Madaxweyne Shariif Sh Axmed. Deegaan Doorashadiisa waa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

 Cabdullaahi Xaaji Abuukar (Carab)

Cabdillaahi Xaaji Abuukar (Carab) ayaa noqday Ku Xiggeenka 3aad ee Madasha Samatabiixinta. Waa xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan muddo xileedkii labaad, waana Wasiirkii hore ee Waxbarashada ee Maamulkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waa siyaasi kasoo galay Golaha Shacabka Dowlad Goboleedka Jubaland.

 Daahir Maxamuud Geelle

 Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa noqday xilka Afhayeenka Guud ee Madasha. Waa mid ka mid siyaasiyiinta ugu waqtiga dheer ee Soomaaliya, waxaana uu soo noqday laba jeer Wasiirka Warfaafinta xilligii Shariif Sh Axmed iyo Xillgii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waa Safiirkii hore ee Sucuudi Carabiya iyo La-taliye Sare ee Madaxweyne Xasan Sheekh ee Arrimaha Carabta oo uu maalmo kahor iska casilay. Siyaasi hadal cad oo aan dooddiisa qarsan ayaa lagu sifeeyaa. Deegaan Doorashadiisu waa Dowlad Goboleedka Galmudug.

Maxamed Aadan Jimcaale

 Dr. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa noqonaya Xogahaya Guud ee Madasha. Waa Agaasimihii hore ee Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, waana sarkaal soo qabtay xilal ciidan oo ay kamid tahay Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir xilligii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ilaalada Gaarka ah ee Madaxtooyada xilligii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

 Wuxuu lasoo shaqeeyay saddex Madaxweyne iyo sideed raysal Wasaare, wuxuuna haatan u taagan yahay xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

 Madasha Samatabixinta ayaa ku dhisan qaab waayo-aragnimo siyaasadeed oo lagu dhafay deegaan iyo miisaan qabiil. Mucaaridka Soomaaliya ayaa laga filayaa inay masraxa keenaan siyaasad lagu joojin karo tareenka sii shiidaal goosanaya ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More