Dalka Djibouti ayaa sanadihii ugu dambeeyay wajahaya muran ballaaran oo sharci iyo mid diblomaasiyadeed ah, kaddib markii uu burburay heshiiskii iskaashi ee uu la lahaa shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta. Khilaafkan wuxuu salka ku hayaa maaraynta iyo lahaanshaha Dekedda Dooraaleh – mid kamid ah mashaariicda ugu waa weyn ee kaabeyaasha dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika.
Asalka Khilaafka: Baahida deked casri ah iyo bilowgii mashruuca Dooraaleh
Djibouti oo ku taalla marin istaraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, waxay baahi weyn u qabtay dhisidda deked casri ah oo tartan la geli karta dekedaha kale ee gobolka sida Berbera, Mombasa iyo Port Sudan. Tani waxay dhalisay qorshaha lagu hirgeliyey Dekedda Dooraaleh – deked loogu talagalay inay bixiso adeegyo casri ah oo ay ka mid yihiin koontaynarada iyo kala wareejinta maraakiibta.
Sanadkii 2006, Djibouti oo ay metelayso Hay’adda Dekadaha Qaranka ayaa heshiis la gashay shirkadda DP World. Heshiiskaasi oo ahaa mid 30 sano ah ayaa qeexayay in DP World yeelato 33% saamiga mashruuca halka Djibouti yeelatay 67%.
Dekedda Dooraaleh waxay si rasmi ah u furantay sanadkii 2009, waxaana ay si weyn kor ugu qaaday dakhliga dalka iyada oo sanad walba lagu qiyaasay inay kusoo xirtaan in ka badan 1 milyan oo gaadiid badeed ah.
Burburkii heshiiska iyo dacwadaha caalamiga ah
Bishii Febraayo 2018, dowladda Djibouti si lama filaan ah ayay uga baxday heshiiskii, iyadoo gebi ahaanba la wareegtay maamulka dekedda isla markaana meesha ka saartay doorkii DP World. Tani waxay horseedday dacwado caalami ah oo la horgeeyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Xalinta Khilaafaadka Ganacsiga (LCIA) ee London.
Maxkamadda LCIA waxay dhawr jeer ku xukuntay Djibouti in DP World loo celiyo xuquuqdeedii lahaanshiyo iyo maamul ee dekadda ama la siiyo magdhow dhan $1 bilyan oo dollar, taas oo ku saleysan qiimaha hantida DP World ka gashay mashruuca. Go’aamo kale oo kasoo baxay maxkamadda sannadihii 2021 iyo 2022 ayaa sidoo kale xukumay in Djibouti si sharci darro ah ula wareegtay dekedda. Hase yeeshee, Djibouti wali way diiddan tahay inay u hogaansanto go’aannadaasi.
U Gacan Haatinta Shiinaha iyo sii Dheeraynta Khilaafka
Sanadkii 2018, Djibouti waxay heshiis cusub la gashay shirkad laga leeyahay Shiinaha oo lagu magacaabo China Merchants Port Holdings, taas oo loogu oggolaaday inay dhisto qaybo cusub oo kamid ah dekedda Dooraaleh. Tani waxay keentay in DP World ay dacwad cusub kusoo oogto shirkadda Shiinaha iyo Djibouti, taas oo ka furantay maxkamado ku kala yaal London, Hong Kong iyo Djibouti.
Dagaal Dhaqaale oo Istaraatiiji ah
Khilaafka u dhexeeya Djibouti iyo DP World ayaa isu rogay loollan istaraatiiji ah oo u dhexeeya dowladaha Djibouti iyo Imaaraadka Carabta. Imaaraadka ayaa si xowli ah u ballaarinaya saameyntiisa gobolka, gaar ahaan dekedaha Cadan, Berbera iyo kuwo kale, taas oo Djibouti u aragtay halis amni iyo mid istaraatiiji ah.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar uu la hadlayay Radio France Internationale sheegay in siyaasadda maalgashi ee Imaaraadka ay tahay mid khatar gelinaysa madax-bannaanida Afrika, isaga oo sheegay inay salka ku hayso “istaraatiijiyad ciidan iyo mid dhaqaale oo dan gaar ah leh.“
Khilaafka Djibouti iyo DP World ma aha oo kaliya mid sharciyeed ama dhaqaale – balse waa muujin istaraatiijiyadeed oo caddeyneysa loollanka caalamiga ah ee ku saabsan marin-biyoodka Baab Al-Mandab iyo xakamaynta dekedaha muhiimka ah ee Geeska Afrika.
Iyada oo ay Djibouti martigeliso quwadaha dunida sida Maraykanka, Faransiiska, Shiinaha iyo Japan, haddana danaha kala duwan ee dalalka ay martigaliso ayaa khatar ku ah doonisteeda qaran iyo danaheeda istaraatiijiga ee kobcinta dhaqaalaha gudaha iyo maamulka marinka ay ku taal ee Baab Al-Mandab, kaas oo saamayn dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ay ka leeyihiin dalalka caalamku.