Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya ayaa usbuucyadii lasoo dhaafay qaaday tallaabooyin lagu soo horumarinayo xiriirka soojireenka ah ee labada dal. Labada dal waa muslimiin Sunni ah, waxayna kawada tirsan yihiin Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Ururka Jaamacadda Carabta.

Xiriirkoodu wuxuu salka ku hayaa ganacsi xilli hore ah, iyo xiriir Diinta Islaamka ah oo xooggan. Sucuudigu waa mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu weyn ee Soomaaliya ay ku tiirsan tahay. Xoolaha Soomaalida, Sucuudigu waa suuq weyn oo ay u dhoofiso xoolaha nool. Kumanaan ganacsato Soomaaliyeed ah ayaa ku tiirsan dhoofinta xoolaha. wakhtiyada Xajka dalabka xoolaha si weyn ayuu u kordhaa. Sidoo kale Kumanaan Soomaali ah ayaa ka shaqeeya gudaha Sucuudiga, ayadoo dadkaasi ay lacago faro badan dalka kusoo celiyaan.

Sucuudi Carabiya ayaa waayadii danbe qaatay siyaasad ka duwan mida Imaaraatka Carabta ee ku salaysan faraglinta dalalka Carabta iyo kuwa muslimka, ayadoo labadaan dal ay kukala aragti duwanaadeen qadiyado dhawr ah oo ay kamid tahay tan Soomaaliya iyo Suudaan.

Shirka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa shalay lagu ansixiyay heshiis iskaashi amni oo ka dhaxeeya labada Sirdoon ee dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga, kaas oo uu shir guddoomiyay Boqorka dalkaas Boqor Salman Bin Abdulaziz, laguna qabtay magaalada Jeddah.

Sida ay sheegtay warbaahinta Dawladda Soomaaliya heshiiskan uu Golaha Wasiirrada Sacuudiga ansixiyay ayaa muhiim u ah in Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA iyo dhiggeeda Sucuudiga ay iska kaashadaan la dagaallanka argagixisada iyo maalgalintooda.

Dhanka kale Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan kulankoodii toddaabadlaha ahaa ku ansixiyey heshiis is afgarad dhinaca milatariga iyo amniga ah oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga, kaas oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Heshiisyadan ayaa qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo xiriirka laba-geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ku bixineyso iskaashiga saaxiibadeeda gobolka si kooxaha Khawaarijta ah ee halista ku ah gobolka looga ciribtiro guud ahaan dalka.

Sucuudi Carabiya, oo ah mid ka mid ah quwadaha ugu saameynta badan Bariga Dhexe iyo dunida Carabta, ayaa sanadihii la soo dhaafay qaadatay siyaasad dibadda oo cusub, taasoo ujeedadeedu tahay in la yareeyo khilaafaadka gobolka, in la horumariyo xiriirka Carabta iyo in Sucuudi Carabiya ay door hoggaamineed ku yeelato arrimaha gobolka — balse si diblomaasiyad ku dhisan.

Siyaasadahan cusub waxay si cad uga duwantahay tii hore ee Riyadh, taasoo mararka qaar ku salaysneyd faragelin militari iyo xulufaysi ballaaran oo ay la lahayd Imaaraatka Carabta taas oo noqotay mid madhalays ah.

Sucuudigu wuuxu hormuud ka yahay kusoo celinta Suuriya ee Jaamacadda Carabta. Riyadh waxay u aragtay in go’doominta Suuriya aysan keenin xal siyaasadeed, waxaana la qaaday cunaqabataynta Maraykanku uu saaray Suuriya

Dhanka Sudan Sucuudigu wuxuu noqday dhexdhexaadiye nabadeed oo u dhexeeya ciidanka iyo kooxda RSF. Magaalada Jeddah ayaa noqotay xarunta wadahadalada loogu talagalay xabbad-joojin. Tani waa farqi weyn oo uu kaga duwan yahay Imaaraatka, oo lagu eedeeyay inuu taageeray RSF, sidoo kalena uu baasiin kusii shubay dagaalka sokeeye ee ka hulaaqaya Sudan.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More