Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dawladda Maraykanka ayaa si weyn uga digtay Muwaadiniinteeda in ay usafraan Soomaaliya iyadoo sababta laga dhigaya khatar ka imaan karta argagixisada

Digniinahan oo lagu tilmaamay heerka ugu sarreeysa ee khatarta safarka (Heerka 4aad) ayaa muujinaysa xaaladdo amni darro in ay ka jirto guud ahaan Soomaaliya.

Digniintaan soo baxday ayaa imaanaysa xilli Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan shaaciyay xisbi cusub ee siyaasadeed oo ay ku midaysanyihiin qayb kamid ah madaxda dawlad goboleedyada iyo siyaasiyiin xilal ka haya Dawladda Federaalka ah.

Shaacinta xisbigaan oo dhaawac u gaystay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa uga sii daray xaaladda siyaasadeed ee dalka oo horeyba u ahayd mid xasaasi ah, xilli doorashooyin ay soo dhow yihiin.

Falanqeeyayaal ayaa sheegay in digniintan Mareykanka ee waqtigan ku soo beegantay ay cadaadis dheeraad ah saarayso Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay degdeg ugu tillaabsato xasilinta dalka, wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.

“Digniintan oo ah tan ugu sarreysa—heerka 4aad, ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay wali kujirto heerar aad u sarreeya oo amni darro ah,” sida laga dheehan karo digniinta Maraykanka.

Dowladda Mareykanka waxay si toos ah ugu digtay muwaadiniinteeda in ay dib u eegaan qorshayaashooda safar ee Soomaaliya, ayna si taxaddar leh u akhriyaan tilmaamaha cusub ee ku saabsan safarada khatarta sare leh. Kuwa mar hore joogay gudaha Soomaaliya, waxaa si xoog leh loogu boorriyay in ay muujiyaan feejignaan sare, ay cusbooneysiiyaan dukumentiyadooda socdaalka, isla markaana ay diyaarsadaan qorsheyaal degdeg ah oo la xiriira xaaladdu hadii ay kasii darto.

Iyadoo la muujinayo halista jirta, dowladda Mareykanka ayaa si weyn u xaddiday dhaqdhaqaaqa shaqaalaha safaaradeeda, iyadoo u diidday in ay ka baxaan Xarunta Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho (Aden Cadde), halkaas oo ay sidoo kale ku taallo Safaaradda Mareykanka. Gudaha Muqdisho, halista amni ayaa lagu tilmaamay mid aad u sarreeysa, taasoo keentay in howlaha safaaraddu ku ekaadaan kuwa lama huraanka ah oo keliya.

Qeyb ka mid ah digniinta ayaa oraneysa, “Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay muujisay walaac weyn oo ku saabsan dambiyada rabshadaha wata ee sii kordhaya guud ahaan Soomaaliya. Afduubyo, dilal qorshaysan, iyo dhac hubeysan oo aad u baahsan.”

Sidoo kale, iyadoo la tixraacayo dhaq-dhaqaaqyada xagjirka ah iyo xaaladda degganaansho la’aanta ee hawada Soomaaliya, hay’adda FAA ee Mareykanka ayaa soo saartay xayiraado gaar ah oo la xiriira duulimaadyada diyaaradahooda ka diiwaan gashan Mareykanka ee ka shaqeynaya gudaha ama agagaarka Soomaaliya. Hawada sare ee dalka ayaa hadda lagu tilmaamay mid khatar ku ah duulimaadyada rayidka ah.

Digniintan la cusbooneysiiyay waxay si cad u muujinaysaa caqabadaha amni ee adag ee hor yaalla Soomaaliya, xilli ay ku jirto marxalad kala guur siyaasadeed. Dowladda Mareykanka waxay si xooggan u muujisay baahida degdegga ah ee loo qabo horumarin dhanka amniga iyo maamul wanaagga si loo sugo badqabka muwaadiniinteeda iyo shacabka Soomaaliyeed.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More