Tan iyo markii ay Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Ciidanka Xoogga ee Soomaaliya ay galeen kala daadsanaan hoggaamineed oo ay majarana u qabteen shaqsiyaad aan diiwaan fiican uga tagin, ergada iyo talisyada Ciidanka Maraykanka ee taageera Soomaaliya ayaa muujiyay kalsooni darro ku saabsan hawlgalka iyo caawinta Soomaaliya, si gaar ah inay la sameeyaan iskaashi amni si wax looga qabto xaaladda nabadgalyo daro ee dalka.
Mudaddii ay jirtay xaaladdani oo gaaraysa saddex sano, Maraykanku waxaa uu gaabis galiyay mashaariic muhiim ah kuwaas oo qayb ka yihiin tababarista iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliyeed, la hawlgalka iyo gacan-siinta laamaha amniga ee Soomaaliya. Maqnaanshaha taageerada Maraykanka ayaa loo fasiray inay tahay hoos u dhac xiriirka labada dal ku yimid.
Imaanshaha hoggaanka cusub ee Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Ciidanka ayaa keentay in waqti horaba la arko isbeddel ku yimid wadashaqaynta dalalka taageera amniga Soomaaliya, niyadda Ciidanka Xoogga iyo rajada shacabka, waxaana ugu weyn ee wajiga cusub ee Wasaaradda oo la yimid dhawr qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin;
Magacaabista Fiqi oo Albaabo Cusub Furtay
In magaca Wasiir Axmed Macalin Fiqi kusoo baxo Wasaaradda Difaaca, waxay noqotay farriin diblomaasiyadeed oo si gaar ah loogu diray Maraykanka. Magacaabista Wasiirka Difaaca ayaa keentay markiiba in loo fasiray in Villa Soomaaliya ay diyaar u tahay inay wax ka qabato wadashaqeynta dhaawacmay ee Muqdisho iyo Washington taas oo ka dhalatay kalsooni darradii ay horseedeen madaxdii Wasaaradda Difaaca xilka laga eryay.
Imaashaha Fiqi oo ahaa dublumaasi leh khibrad amni ayaa keentay in xilli horraba Beesha Caalamka u aragto qof ay la jaanqaadi karto , waxaana saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca inoo xaqiijiyeen in ay soo gaadheen farriimo hambalyo ah oo ay la socdaan ballanqaad wada-shaqayn iyo iskaashi.
Dhaqdhaqaaq Dublumaasiyadeed oo Degdeg ah
Saacado kooban kaddib markii uu xafiiska fariistay Wasiir Axmed Macalin, waxaaba maalinkii xigay ay kulan degdeg ah ay yeesheen Danjiraha Maraykanka u jooga Soomaaliya, Richard H Riley.
Danjire Riley ayaa gaadhsiiyey Wasiirka Difaaca ballanqaadka ah in Maraykanku uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo hoggaanka cusub ee Wasaaradda, waxaana uu sheegay in dib loo fasaxayo mashaariicda muhiimka u ah amniga iyo xasillinta Soomaaliya.
Intii ay wada hadalladu socdeen, Danjire Riley ayaa adkeeyay in dib loo bilaabayo ka dhaqaajinta mashaariic milatari iyo qorshayaal tababarid ciidan oo ahaa ku taagnaa tan iyo markii ay Dowladda Maraykanku ay hakisay la shaqaynta hoggaankii hore ee Wasaaradda.
Kulanka dhexmaray Danjire Axmed Fiqi iyo Danjire Richard Rilley, waxaa ka dhashay in safar degdeg ah uu Muqdihso ku soo gaadho Hoggaanka Taliska AFRICOM General Micheal Langley kaas oo gudaha Xerada Xalane kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, si uu gaadhsiiyo in Washignyton ay diyaar u tahay la shaqaynta hoggaanka cusub ee Wasaaradda. Dardargelinta hawlahan uu Mareykanu wado ayaa loo arkaa inay tahay mid ka dhalatay magacaabista Axmed Macalin Fiqi.
Istaraatiijiyad ka hortagga Xagjirnimadda
Saraakiiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca ayaa xaqiijinaya in saraakiisha Maraykanka ahi ay gaadhsiiyeen Madaxda Soomaalida qorshaha iskaashiga labada dhinac. Waxay soo jeediyeen in wadashqayntoodu ku xidhan tahay in la helo istaraatiijiyad looga hortaggo xagjirnimadda, taas ah in mudnanta koowaad la siiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sidii loo abuuri lahaa kacaan warbaahineed oo qayb ka noqda dagaalka. Maraykanka ayaa soo jeediyey in dagaalka laga qaybgeliyo bulsha waynta Soomaaliyeed iyada oo laga baraarujinayo warbaahinta.
Kulamada labada dhinac intii ay socdeen, waxaa muuqatay sida ergada Maraykanku ay niyad sami ugu qabaan hoggaaminta Wasiir Fiqi iyo Taliye Odowaa marka ay timaado inaan laga dhaqaale laga dhex raadin xuquuqda ciidanka ee waqtigan dagaalka iyo inay yihiin shakhsiyaad ka dhawrsoon musuqa ragaadiyay dowladnimada Soomaaliya.
Tani waa caalamad muujinaysa in hoggaanka cusub ee Wasaaradda iyo Ciidankuba ay helayaan waqtigan wadashaqayn waxtar u leh la dagaalanka xagjirnimadda.
Fariinta Gudaha iyo Dibbadda
Magacaabista Wasiir Fiqi iyo dib u soocelinta Taliye Odowaa ee bilo kahor ayaa gudaha dalka looga fasirtay in Villa Soomaalita ka go’an tahay isla xisaabtan iyo hufnaan, waxaana ay muujinaysaa keenista hoggaanka Wasaaradda iyo Taliska ee raggan in lagu doortay sooyaalkooda ka madhan macaashka iyo ganacsiga.
Dhanka dibbadda ama dalalka caalamka magacaabista Fiqi iyo Odawaa ayaa loo arkaa inay tahay inay Villa Soomaaliya garawsatay baahida loo qabo iskaashi lala yeesha dowladaha caalamka.
Si kastaba magacaabista Fiqi ayaa ka dhigan deddaal dublumaasiyadeed oo dib looga dhisayo hufnaanta iyo sumcadda Wasaaradda Difaaca taas oo wax ka tari doonta soocelinta xidhiidhka iskaashi ee Beesha Caalamka iyo Soomaaliya.
Tani waa fursad dhab ah oo hortaalla hoggaanka cusub ee Wasaaradda, oo looga fadhiyo sidii ay isu waafajin lahaayeen soodhawanta caalamka, si gaar ah Maraykanka oo ah bixiyaha deeqda ugu badan ee lagu taageero ammaanka iyo xasillinta Soomaaliya, qorshaha xukuumadda ee amniga qaran iyo yididiilada shacabka ee ah inay mar uun arkaan Soomaaliya oo Laga tirtiray nabad diidka.