Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dib-u-qabsashada Al Shabaab ee magaalada Aadan Yabaal ayaa gilgishay dhammaan bulshada Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa dib u dhaca weyn oo ku yimid dagaalka lagula jiro argagixisada. Magaaladan ayaa bilihii u dambeeyay ahayd saldhigga iyo xarunta hoggaaminta ee  hawlgallada iyo gulufka lagu hakinayo isfidinta Al Shabaab.

Waxaa usbuucyadii lasoo dhaafay la isugu geeyay dhammaan Hoggaannada ugu sarreeyay Ciidanka Xoogga Dalka oo ay ku jiraan Taliyaha Guud, Taliyaha Ciidanka Lugta iyo Taliyeyaal Guutooyin. Waxaa dhawr jeer isaga daba laabtay Degmooyinka Aadan Yabaal, Cadale iyo Moqokori Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud. Laakiin, waxaas oo dhan waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay keddib markii ay saaka dib u qabsatay kooxda Al Shabaab.

Maxay Istiraatiiji u tahay Aadan Yabaal?

La-wareegidda magaaladan istiraatiijiga ah ee maanta ayaa muujisay nuglaanta maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ee dhinaca xajinta iyo gacan ku haynta meelaha muhiimka ah ah ee dalka. Aadan Yabaal waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah, waxayna dhacdaa dhanka waqooyi ee Caasimadda, iyadoona u jirta qiyaastii 220km oo kaliya.

Gacan ku haynta degmadan, waxay horseedaysaa in la hakiyo is ballaarinta Al Shabaab, waxaana looga gurman karaa marinno muhiim ah oo la isaga gudbiyo sahayda ciidamada iyo saadkooda. Sidoo kale, Aadan Yabaal waxay isku xirtaa Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Khasaaraha ugu dambeeyay ee ku yimid sidii loo hayn lahaa Aadan Yabaal ma aha mid la dhayalsan karo, balse waa dib u dhac culus oo saameynaya halganka socda ee lagu doonayo soo celinta nabadda iyo xasilloonida dalka, iyadoo laga hortagayo khataraha argagixisada ee amniga Soomaaliya.

Aadan Yabaal, oo la xoreeyay bishii Diseembar ee sannadkii 2022, ma ahayn magaalo caadi ah; waxay ahayd xarunta howlgallada muhiimka ah ee la dagaallanka argagixisada. Goobta ay ku taallay ayaa ka dhigtay meel muhiim u ah dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah, iyada oo saldhig u ahayd weerarrada milatari iyo ururinta xogta sirdoonka.

Luminta Aadan Yabaal waxay ka dhigan tahay in kooxaha argagixisada ay si xor ah u weerari karaan, u qabsan karaan, dib iskugu abaabuli karaan, xitaa ay dib u qabsan karaan dhul horey looga xoreeyay. Tusaale ahaan, kororka weerarada argagixisada ee ka dhacay deegaannada ku dhow waxay marqaati u tahay sida ay muhiimka ugu ahayd Aadan Yabaal ee xakameynta khatarta argagixisada.

In si fudud loo qabsaday Aadan Yabaal keliya kama dhigna in la qabsaday Degmada, ee waxay ka dhigan tahay niyad jab xooggan oo ku dhacay Ciidanka Xoogga, fashil ku yimid qorshaha dagaalka iyo soo bandhigidda maqnaanta istaraatiijiyad dagaal oo degsan.

Muxuu ka yiri Madaxweynaha dib u dhaca dagaalka?

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta khudbad ka jeediyay xiritaanka Shirka Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo saddex maalmood socday, ayaa sheegay in dagaalka Al Shabaab guulo laga keenay labadii sano ee lasoo dhaafay, hase yeeshee soo xoogeysiga Al Shabaab ayuu ku sheegay inaysan la micno ahayn in Dowladda lasoo jabiyay. “Dagaal guud ayaan Al Shabaab kula jirnaa, waana ku guuleysannay, waana wadnaa. Laakiin maxaa dhacayo? Goob dagaal, maalinbaa lagu riixayaa, maalin waad riixaysaa, maalin waa lagaa adkaanaa, maalin waad adkaanaysaa. Laba sano oo isdaba taallay ayaan adkaannay oo aan daba soconnay. Marka in mararka qaarkood, (isaga oo dhoola caddaynaya), taas macnaheedu ma aha in dagaalka lagu fashilmay.“ Ayuu yiri Madaxweynaha.

Hadalka Madaxweynaha, oo qeybo kamid ah uu ku weeraray siyaasiyiinta ka aragtida duwan, waxaa ka muuqata inuu dagaalka Al Shabaab u adeegsanayo sidii uu xukunka ugu dheereysan lahaa, ama uu daneeyeyaasha siyaasadda u aqbalsiin lahaa inaan laga hadli karin doorashooyin, dastuur, xiriir Dowlad Goboleedyada iyo arrimaha kale ee haatan lagu saluugsan yahay Xukuumaddiisa jidka ay waddo.

Fashilkan weyn waxaa sabab u ah aragti la’aanta, qorshe la’aanta istiraatiijiga ah, iyo tabar yaraan ka dhalatay dhaqaalaha loo qoondeeyay sugidda amniga ah. Khasaarahan wuxuu si cad u muujinayaa tabar-yarida dowladda iyo awood la’aanta ay u leedahay xajinta guulihii laga gaaray dagaalka argagixisada, guulahaas oo ay dad badani ay naftooda u hureen.

Sidoo kale, qabsashada  Aadan Yabaal ee kooxda argagixisada kuma istaagayso magaaladaas oo keliya, balse waxay saameyn ballaaran ku leedahay amniga deegaannada ku xeeran iyo xitaa amniga Caasimadda. Waxay abuuri kartaa saameyn fidaysa oo dhiirrigelisa in degmooyin kale ay qabsadaan.

Maqnaashaha Aadan Yabaal waxay u noqon kartaa dhiirrigelin in meelaha kale la isku dayo in la qabsado, taasoo khatar ku ah xasilloonida guud. Sugidda amniga dalka oo dhan waxay ku xirnaan doontaa sida loo xajisto goobaha muhiimka ah sida Aadan Yabaal.

Guul darrada degmadan waa hoos u dhac weyn oo dib u celinaya horumarkii la sameeyay, waxay si muuqata u iftiiminaysaa qorshe la‘aanta hoggaanka hadda talada haya. Aadan Yabaal waxay ahayd xarun muhiim u ah dadaallada la-dagaallanka argagixisada, waxaana luminteedu keeni doontaa saameyn baaxad leh. Magaalooyinka Maxaas, Moqokori, iyo Buulo Burde hadda waa kuwo si buuxda ugu nugul weerarro, maadaama kooxda Al-Shabaab ay fursad u helayso inay si fudud u dhaqaaqdo oo u qorsheyso weerarro cusub.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More