Habeenkii Ciidda soo gashay, markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay shir heer qaran oo looga tashanayo xaalka cakiran ee dalka, kaddib cadaadis uu kala kulmay ergada Maraykanka iyo UK u jooga Soomaaliya, kuwaas oo Madaxweynaha u dhiibay dhawr farriimood, way muuqatay in maalintaasi ayna fogeyn, balse filashooyin kala duwan ayaa kasoo baxayay.
Dhawr dhambaal oo Madaxweynaha ay gaadhsiiyeen ayaa ku saabsanaa sidii dalka looga gudbin lahaa kala-goyska uu taagan yahay oo ugu horreeyaan khataraha aragagixisada, kala-aamin baxa siyaasiyiinta iyo wada-shaqayn la’aanta dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
Madaxweynaha oo ka jawaabaya ballan-qaadka ah inuu qabto shir qaran ayaa diray martiqaadka casuumadda shirka isagoo gaadhsiiyey Dowlad Goboleedyada dalka marka laga reebo Jubaland oo ka gaws adaygsan yahay inuu aqoonsado sharciyaddeeda.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale ka maarmay inuu codsiga imaanshaha shirka gaadhsiiyo mucaaridkiisa xildoonka ah ee kursigiisa hanka leh, csuumadda Madaxweynaha ee kasoo qayb galka shirka ayaana lagu koobay Dowlad Goboleedyada, iyadoo ay muuqato in Madaxweynuhu kusoo gaabiyay gogosha saddexda maamul ee ogal oo lagu daray Puntland.
Shirka uu Madaxweynuhu muddeeyey ayaa loo madlan yahay inuu qabsooma labada maalmood ee u horreeysa bisha May ee soo socota. Hase ahaate, qabsoomiddiisaa waxaa ku gudban caqabada dhawr ah oo ay ugu wayn tahay Jubaland. Waxaa sida oo kale jira, hubanti la’aan ku aaddan imaanshaha Puntland.
Ilo wargal oo aanu waydiinnay xaalka Jubaland iyo sifaha ay kaga soo qayb galayso shirka ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan iyo Xafiiskiisuba ay ka caga jiidayaan ka qeybgalka Axmed Madoobe.
Ergada Caalamka oo isu xilqaamay inay isu keenaan dhinacyada siyaasadda Soomaalida ayaa khadka telefoonka kula hadlay Axmed Maxamed Islaam iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa. Balse, Madaxweynaha Jubaland ayaa gacanta ka saaray Danjireyaasha liis shuruudo ah kuwaas oo waddada u xaadhi kara inay kulmaan isaga iyo Madaxweyne Xasan ama kasoo qayb galkiisa shirka.
Shuruudaha Jubaland ayaa waxaa ugu muhiimsan in Dowladda Federaalka Soomaaliya marka hore ay qaaddo xayiraadda duullimaadyada iyo socdaalka shacabka oo haatan culeys ku ah nolosha dadka deegaankaas. Waxaa kale oo uu Axmed Madoobe doonayaa in dhacdadii Raaskambooni ay Dowladdu qaadato masuuliyaddeeda maadaama ay iyadi duullaanka soo qaaday.
Labadaa shardi waxaa kasii xoog badan in Dowladda Federaalka ay ka noqoto eeddii iyo amarkii ay Maxakamadda Gobolka Banaadir kusoo rogtay Madaxweynaha Jubaland iyo in Villa Soomaaliya aqoonsato natiijadii doorashada iyo sharciyadda maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
Somali Stream ayaa ka heshay ila ku dhaw Axmed Madoobe, in Danjireyaasha uu la hadlay u sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya laga wareejiyo maamulka goobta shirka iyo in kulanka laga soo qeyb galiyo dhammaan saamileyda siyaasadda sida axsaabta mucaaradka iyo musharixiinta Madaxweynaha.
Ergada Beesha Caalamka ee la hadlay Axmed Madoobe ayaa u sheegay inay dhankooda xal keenayaan, ayna khasab tahay in Soomaalidu wada-hadasho inta aan waqtigu lumin oo is diidooyinkan meel dhexe la isugu keeno.
Madaxtooyada Soomaaliya iyo Jubaland ayaa aad ugu kala fog nooca heshiis iyo maqaam ay isku arkayaan dhinacyada, waxaana ay Villa Soomaaliya doonaysaa in haddiiba ay wax ka tegayso ay ku beddelato qodobo ay hoosta ku haysato kuwaas oo ay kula socdaan saddexda Maamul ee Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeele.
Si kastaba, ilaa iyo hadda ma muuqato in Soomaalidu ay ka gudbi karto khilaafka, waxaana dhinac kasta u xusul duubayaa inuu helo qanaaco siyaasadeed oo u sad buriso, hase ahaate culayska Beesha caalamka ay u muuqda mid aan laga dhuuman karin.