Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Waxaa markale Isniintii kulmay Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Soomaliya Richard H. Riley. Kulanka ayaa ka dhacay xayndaabka Xalane ee martigeliya ergada iyo diblumaasiyiinta caalimiga ah ee jooga Soomaaliya.

Kulanka ayaa ahaa mid daba socday is-aragii hore u dhexmaray Madaxweynaha iyo labada Danjire ee Maraykanka iyo UK ee fadhiya Soomaaliya. Ajandaha kulanka ayaa ah sidii wax la isaga waydiin lahaa xaalka dalka oo ay ugu horreeyaan ammaanka iyo siyaasadda oo ah labada cutub ee ugu xaasaasisan waqtigan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka la tagay laba aragtiyood oo khuseeya shirka uu dhawaan ku baaqay ee wadatashiga qaran. Tan koowaad ayaa ahayd, inuu shirka uu ku baaqay noqdo mid wajigiisa koowaad u furan yahay dhammaan siyaasiyiinta dalka, qofka kasta oo kasoo qayb geli karana uu yimaado, waxaana uu sheegay in shirkani noqon doono madal furan oo si toos ah loo tebiyo. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u sheegay Danjire Riley in ajandaha wajiga koowaad noqonayo mid looga arrinsado taageerada siyaasiyiinta ee dagaalka Al Shabaab.

Aragtida labaad ee Madaxweynuhu shirka la tagay ayaa ahayd in wajiga labaad uu noqdo mid looga hadlayo siyaasadda, waxaana Madaxweyne Xasan uu adkeeyay in shirka siyaasadda looga hadlayaa uu ku koobnaan doono Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, isagoo ku dheeraaday in marna aysan sharci noqon karin qof aan xil hayn in lagala hadlo go’aannada masiiriga ah ee dalka.

Sida ay ilo dublumaasiyadeed u xaqiijiyeen Somaali Stream, Danjire Riley ayaa u sheegay Madaxweynaha inaan amniga laga hadli karin haddii aan siyaasadda dalka heshiis lagu ahayn, Danjiraha ayaana raaciyay in uu Madaxweynaha u sido farriin dhab ah oo ah aragtida ay qabaan saamilayda siyaasadda ee dalka.

Nuxurka wadahadalka loogu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahaa in Danjire Riley ku boorriyay soo saarista jadwal cayiman, la hadlo maamullada saaxiibka la ah, ayna dhankooda keenayaan maamullada diiddan la macaamilka Villa Soomaaliya, waxaana ergada Maraykanka ay isku raaceen inaan laga labo-labayn karin qabsoomidda shir-wayne lagu wada qanacsan yahay.

Wada-hadalka Danjire Riley iyo hoggaamiyeyaasha Mucaaradka

Toddobaadkii lasoo dhaafay Danjire Riley ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhammaan Murashixiinta Xilka Madaxweyne, waxaana uu kala hadlay qaabka ay noqanayso gogosha shirka uu ku baaqay Madaxweyne Xasan, iyagoo dhammaantood soo dhaweeyey ka qaybgalka gogosha, marka laga reebo Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ku adkaystay inaan shirkaasi noqon karin mid furan oo uu ku koobnaado labada heer ee dowladda taasoo sidoo kale uu ku caddeeyay warsaxaafadeedkiisii uu kaga hadlay go’aankiisa gogosha.

Puntland iyo Jubaland oo isku jid maray

Dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa farriin isku mid ah, markii ugu horaysay, u dhiibay ergada Beesha Caalamka, waxayna sheegeen in haddiiba madax aan sharciyad haysan ay la kulmayaan ay tahay in sidoo kale miiska la keeno dhammaan daneeyayaasha siyaasadda oo ay musharixiinta ugy horreeyaan.

Mawqifkan ayaa loo fasiray in Puntland iyo Jubaland ay isku khaanad galinayaan saddexda maamul ee muddo kordhinta loo sameeyay ee Koonful Galbeed, Gamudug iyo Hirshabelle kuwaasoo warmurtiyeed ay lasoo saareen Madaxtooyada ku caddeeyay inay taageersanyihijn gogosha lagu soo koobay dagaalka ka dhanka argagixisada, inkastoo ay Safaaradaga reer Galbeef u sheegeen war ka duwan.

Dib-isu-qaadashada labadan Dowlad Goboleed ayaa ka dhigan inay tahay cudud siyaasadeed oo mideysan taasoo ka hortagaysa damaca iyo qorsheyaasha doorasho ee Villa Soomaaliya.

Mawqif la’aanta K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle

Dowladaha Galmudug, Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed oo hoggaankoodu dhawaan la shiray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana qaadan wax mowqif ah oo cad oo ka duwan kan Villa Soomaaliya, waxayna sheegeen in labada argatiyood ee ka qayb galka shirka aysan midna dhib ku qabin, iyagoo ergada caalamka u sheegay inay soo xalliyaan kala duwanaanshaha u dhaxeeyey dhinacyada is-diiddan.

Shirka dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Richard Riley ayaa ku soo beegmay saacad uun kaddib markii ay saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya faafiyeen War murtiyeed ay kaga hadleen xaaladda dalka, waxaana ugu muhiimsanaa qoraalkooda inay Soomaalidu wada-hadasho, isla fariisato, wadajirna ugu gudubto xaaladda taagan oo ay ugu horrayso siyaasadda loo dhanyahay iyo amniga.

Mowqifka Mareykanka ee ka Qeybgalka Madoobe

Madaxweynaha oo markale dooddiisa jeediyey ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu si gaar ah ula fariisto Siciid Deni iyo maamulkiisa, hase ahaatee uusan boos u hayn siyaasiyiinta xildoonka ah iyo Madaxweynaha Jubaland. Madaxweynaha ayaa dooddiisa ku adkeeyey in Axmed Maxamed Islaam (Madooboe) ay sharciyaddiisa duran tahay, saamilaydana aan weligoodba shir masiiri ah laga qayb gelin.

Hase ahaatee, doodda Madaxweynaha waxaa laga horkeenay cidda sharciyad haysta ee uu la shirayo, haddiiba aysan jriin Madaxweyne Dowlad Goboleed waqtigan sharciyad huwan maadaama Laftagareen, Qoorqoor iyo Guudlaawe ay kuwada jiraan muddo kordhin.

Si kastaba, kulanka ay wada-qaateen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiirka Maraykanku Richard H. Riley ayaa markale Madaxweynaha looga codsaday inuu ka gudbo isgoyska uu taagan yahay, keenana qorshe cad oo lagu wada-qanci karo. Waa xujo siyaasadeed oo horleh oo dul hoganaysa Madaxda Villa Soomaaliya,

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More