Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

W/Q: Naciima Cilmi Yuusuf

Filim sameyntu Soomaalida dhexdeeda ma aha arrin caan ah, mana aha wax fiican oo lagu dhiirado maalgashigooda, sameyntooda iyo jilistoodaba. Taariikhda filimada Soomaalidu waa mid kooban oo cimri gaaban. Waxa ay u eeg tahay, casriyowga iyo ilbaxnimada Soomaalida, ee lafteedu soo bilaabantey waqti aan sidaa u sii fogeyn, in saaxadda filimaduna ka sii gaabisey, taas oo loo aaneyn karo sababo la xidhiidha qaab nololeedka iyo dhaqanka Soomaalida ee dhabnimada ku qotama iyo ruuxda qalafsan ee qofka Soomaaliga ah.

Ama waxaa jira sababo taas ka waaweyn oo dhaqaalaha, dagaaladda iyo ilbaxnimada shuqul ku leh. Sidaas oo ay tahay, tan iyo kontomeeyadii waxaa jirey dedaallo lagu sameeyey jiliino isku dubaridan oo Soomaali ah iyo heerar kala duwan filimada Soomaalidu mareen.

Ruwaayadaha (theatre performance) ayaa ah metalaadda ugu bowga dheer ee Soomaalidu ku taxan tahay, uguna caansan. Waa metalaad si toos ah uga dhacda masrax ay daawadayaashi joogaan oo lagu fiirsado, waana qaab masrixiyadeed jilniin oo aan la wadaagno dadyow badan, laguna gudbiyo madadaalo iyo sheekooyin dhammeystiran, hase yeesho e aad uga duwan filimada casriga ah ee duuban.

In kasta oo aan weli laga gaadhin guulo meel dheer laga arki karo, haddana waxaa jira filimo kooban oo si casri ah loo meteley kuwaas oo awoodey in ay ka tallaabaan xaduudaha Soomaalida.

Qoraalkan waxa aan ku eegi doonaa taariikhda, saameynta iyo doorka bulshada ee filimada Soomaalida. Sidoo kale waxa aan ku faleyqeynayaa fursada iyo caqabadaha saaxadda filimada Soomaalida iyo weliba xiligan sida uu xaalku yahay.

Bilowgii filmada iyo ruwaayadaha Soomaalida

Saaxadda filimada casriga ah ee Soomaalidu waxa ay jirtey tan iyo 1960, markii Soomaaliya xorriyada ka heshay gumeystihii. Xorriyadii kadib waxaa kor u kacey tirada shirkadaha ka shaqeynayey waxsoosaarka filimada m, waxaana la sameeyey tiyaataro gaar loo leeyahay iyo filimo gaagaaban oo uu ka mid yahay, ‘Love Doesn’t know obstacles| jaceylku caqabad ma yaqaano’ oo xiligaa aad u caan baxay, uuna agaasimey Xuseen Mabruuka, dad Soomaaliyeedna metelayaan.

1963 ayaa la sameeyey filim la gu magacaabo Miyi iyo Magaalo kaas oo noqdey filimkii ugu horreeyey ee dhammeystiran ee Soomaali sameysey. Waxaa agaasimey Xaaji Cagokoombe, oo ahaa filim agaasime Soomaaliyeed, waxa uuse la kaashadey shirkad filamada soo saarta oo Talyaani ah. Hase yeeshee markii xukunkii Kacaanku talada la wareegey 1969kii, dhammaan shirkadihii ka shaqeynayey waxsoosaarka filimada waxaa la hoos keeney dowladda oo gacanta ku haysey, tiyaataradii gaarka loo lahaana u bedeshey kuwo dowladda hoos yimaada.

Muddo kadib waxaa la soo saarey filimka, Dan iyo Xarrago, oo uu agaasimey Idiris Xassan Diiriye, laguna soo saarey Techniocolor studios oo Rooma ku yaaley kaas oo noqdey filinkii labaad ee dhammaystiran ee Soomaaliyi soo saarto.

1983 ayaa la soo saarey, mar kale, filim dhammeystiran oo la ga meteley noloshii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan kaas oo soconaya afar saacadood.

Kadib markii uu Kacaanku talada la wareegey waxaa la aasaasey Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed(WFS) taas oo hoos imaneysey Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Qaranka. Shaqadeedu waxa ay aheyd soo saarista, qeybinta, soo dejinta iyo dib-u-eegista filimada. Waxa ayna la wareegtey dhammaan shaqooyinkii ay qaban jireen shirkadaha ka shaqeeya waxsoosaarka filimada ee gaarka loo lahaa.

Waxaa xusid mudan in sannadii 1987 ay Mugdisho marti galisey mid ka mid ah bandhigyada filimada ee ugu waaweyn ee Afrika lagu qabtey (The Moqdisho Pan-African and Arab Film Festival|MOGPAAFIS) taas oo ay isugu yimaadeen filim yaqaanno iyo khuburo caalami ah oo ka kala socdey Geeska Afrika, Bariga Dhexe, Aasiya iyo Yurub. Dhinaca kale wakaaladdu waxa ay sameeysey xidhiidho caalami ah oo ay kula shaqeysey shirkado waaweyn sida British Films LTD, waxa ayna filamada duuban ka keeni jirtey waddamada Masar, Talyaaniga, Midowga Soofiyeetiga iyo Jarmalka Bari, iyada oo inta ay faafreeb iyo dib-u-eegis ku sameyso tiyaatarada u qeybin jirtey.

Sidoo kale filim sameeyayaasha Soomaaliyeed waxa ay door mihiim ah ka ciyaareen aasaaska ururka caalamiga ah ee FEPACI (Pan African Federation of Film Makers) kaas oo u jeedadiidu aheyd in la mideeyo filim yaqaannada afrikaanka ah si loo horumariyo waxsoosaarka filimada ee qaaradda Afrika, waxaana Soomaaliya ku metelayay xubinimadeeda Xaaji Cagokoombe.

Dhinaca ruwaayadaha in kasta oo ay jiraan dhowr ruwaayadood oo lagu muransan yahay, waxaa la sheega in riwaayadii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed lagu meteley magaalada Boorama sannadkii 1938 taas oo laga sameeyey sheekooyinka boqorkii Xajaaj bin Yuusuf, hase yeeshee waxaa la isku raacsan yahay, in ruwaayadii ugu horreysey ee qaab masrixiyadeed casri ah loo sameeyey, fanaaniin nidaamsanina ay masrax ka meteleen ay tahay, riwaayadii Cantar iyo Ceebla oo uu isku dubaridey Abwaan Xuseen Aw Faarax, taas oo laga xigtey qiso hore oo Carbeed. Magaalada Hargaysa ayaa la gu meteley sannadkii 1956. Markaa kadibna waxaa la sii meteley, riwaayado kale oo uu isla Abwaan Xuseen Aw Faarax alifey sida Isa Seeg iyo Gorayo qala.

Si kastaba ha ahaatee, riwaayadaha iyo guud ahaanba fanka casriga ahi waxa uu si weyn u caan baxey intii u dhaxeysey 1960 ilaa 1970; beri samaad xili ku suntan. Xiligaa fanka casriga ah, oo ay ku jiraan ruwaayaduhu, waxa ay noqdeen kuwo door muhiim ah nolosha ka ciyaara oo bulshada kala duwani ku xidhan tahay.

Magaalooyinka waaweyn, sida Hargaysa iyo Muqdisho waxaa lagu dhigi jirey masraxyo si weyn looga soo qeyb galo. Waxa uu noqdey il madadaalo oo dhalinyaro soo jiitey iyo wado bulshada laga hago oo loo adeegsado kobaca wacyiga bulshada. Waxaa xusid mudan in dowladii kacaanka oo xiligaa xukunka joogtey ay qarameysey fanka noocyadiisa kala duwan iyada oo u arkeysey aalad lagu xoojin karo midnimada iyo wadajirka loona dhex mari karo wacyigalinta bulshada.

Xiligaas marka laga yimaado ruwaayadaha iyo filimada, huteellada waaweyn ee Muqdisho sida Curubo iyo Jasiira waxa ay noqdeen goobo dhalinyaradu ku caweyso oo lagu qoob ka ciyaaro iyada oo kooxaha fanaaniinta ahi ay si toos ah u ga heesayaan. Fanku waxa uu qaatey kaalin mug leh oo xoogan bulshada dhexdeeda.

Waxaa se dhacey, burbur saameyey dhammaan dhinacyadii nolosha, rajadii filimada Soomaaliduna waa ay la duntey. Keydkii wuu burburey. Xirfadlayaashii waxa ay noqdeen wax dhintey, wax gaboobey oo howl gabey, iyo wax firdhadey oo waddamo shisheeye galay.

Sidoo kale waxaa is bedeley si wax-u-aragii bulshada oo saameyey doorkii filimada. Fan oo dhan ayaana shiiqay oo suuley. Dhinaca kale waxaa aad u soo baxey daawashada filimada hindada oo af Soomaali loo rogey, kuwaas oo buuxiyey doorkii madadaalada ee ruwaayadaha iyo filimada Soomaaliga ah.

Caqabadaha iyo Fursadaha: Xaalku Hadda Waa Sidee?

Burburkii kadib, waxaa bilaabmey isku dayo iyo dedaallo ay dad gaar ahi la yimaadeen oo masraxii filimada Soomaalida dib loogu soo nooleynayo. Kooxo iskood isu abaabuley ayaa meelo kala duwan oo dhulka Soomaalida ka mid ah ka sameeyey filimo gaagaaban iyo kuwa dhaadheer oo ku saabsan arrimo iska dabeeci ah iyo mushaakillo markaa ay u arkayeen in ay wax kaga qaban karaan, sida arrimaha qoyska, jaceylka, takoorka iyo waxyaabo la mid ah. Waqtigy sida uu u socdey ayaa ay dedaalada iyo waxqabadka filimaduna u soo buleelayeen oo u soo badanayeen.

Sidaas oo ay tahay, haddana inta badan filimada xiligan dhulka Soomaalida lagu duubo, ma aha wax qof weyn oo caqli lihi isu quudhi karo in uu daawado. Ama waxaadba dareemeysaa in garashada daawadaha la liidayo oo caqligiisa la dhayalsanayo. Marka laga reebo midhadh kooban oo uu ku jiro, Xaaskii Xabaal Qodaha (Gravediggers Wife), Ayaanle, Dhallinyaro, Habboon, Arday iyo Tuulo Janno (The Village Next to The Paradise), oo si casri ah loo meteley, loo duubey, isla markaana qaarkood heleen abaalmarinno caalami ah, waxaad moodaa inta kale tayo xumadooda in aan casrigan la aqbali karin.

Laakiin inta aynaan sidaa odhanin aan eegno caqabada ku gedaaman oo laga yaabo in ay ka garowno foolxumadooda.

Dhulka Soomaalida oo dhan kama jiro Jaamacad, Machad iyo Dugsi lagu barto xirfadaha filim sameynta iyo filim soo saarista sida qorista, duubista, jilista, farsameynta, agaasinka iyo soosaarista. Qof kasta oo doona in uu kaalmahaa buuxiyana waxaa u banaan in uu Ilaahay la kaashado oo halkii ay la marto iyo sidii ay u la eekaato u qabto shaqada iyo in uu waddamo shisheeye u aado waxbarashadooda, taas oo inta badan aaney duruufta dhaqaale saamixin.

Waxaad arkeysaa aktar metalayo inuu sii seexanayo oo kabo xidhan, leydhkii u baxayo, hadey doonto gabadh ah oo shalmad huwan, meykab ku dhooban oo gama’day. Siduu daawaduhu ugu qancayaa jilahaasi in uu seexdey? Yaa sidaa ku seexda nolosha caadiga ah? Waxaa la rabey xirfadlayaasha filimka hagaya in ay u eekeysiiyaan, sida qof caadi ah oo gurigiisii jooga uu u seexdo iyo guri la seexanayo, waxaase taa ka weynaatey jilihu in isaga oo qurux badan uu soo muuqdo, taas oo gebi ahaanba lidi ku ah xeerarka filim sameynta.

Laakiin shirkadda filinka sameyneysaa ma haysataa filim hagayaal tababaran? Ma haysataa shirkadu qof u tababaran nashqadeynta dharka (Costume designer) oo abuura dhar waafaqsan dabeecadda, waqtiga, jewiga, goobta iyo sheekada? Mase og yihiin maalgashadayaashu in loo baahan yahay door noocaas ah?

Inta badan filimada Soomaalida waxaa maalgashada dad aan ehel u aheyn oo fursad ganacsi u arka. Dabcana waa fursad ganacsi oo si fiican looga faa’iidi karo haddii si xigmadeysan loo maalgashado. Balse ganacsade laga yaabo in aanu waligii filim daawanin mihiimna aan u arkeynin shaqooyinka kala duwan ee filim soo saaristu u baahan tahay ayaa kharashka dhiibaya, isaga iyo qofka metelaya in ay cidi u dhaxeysaba ma filayo, dabadeed taas oo lagu darey, xirfadlayaashii oo awalba koobnaa ama aan jirinba ayaa eber ka dhigaya fursaddii uu filimkaasi loo qaateen iyo wax qof weyni daawan karo ku noqon lahaa.

Waxaad arkeysaa qof jile ah oo magacii aabihii iyo hooyadii u bixiyeen filimka ku meteleya. Waxaad arkeysaa qof reer miyi metelaya oo iPhone kii u danbeeyey gacanta ku haysta. Waxaad arkeysaa gabadh uurqaadey oo dhashey, iyada oo jilayaashii kale waqtiga la dhaafey uu todobaad kali ah u yahay. waxaad arkeysaa qofkii duubey oo isaga iyo kamaradiisiiba muraayad ka muuqdaan. Waxaad ku dhax arkeysaa filimada Soomaalida kumanaan khalad oo si fudud loo sixi kari lahaa. Waxaadna arkeysaa muusig farxad muujinaya oo geeri saaran.

Si ka duwan sida loo maleeyo filim soo saaristu waa shaqo u baahan in la gu maalgashado wax badan; malaayiin lacag ah, waqti sannado ah iyo dedaal aan joogsi laheyn ayaana filimada waaweyn ee aynu aragney ku baxey. Taasi malaha saaxadda filimada Soomaalida diyaar kama aha, kumana aha. Dhaqaalaha la galiyo waa mid ka yar inuu gaadhsiiyo filinka tayo lagu qanci karo. Dowladaha dhulka Soomaalida ka jiraa malaha qorshe iyo ku talogal ay ku maalgaliyaan filimada. Ma jiraan hay’ado dowladeed oo si firfircoon u kormeera, u saxa ama u haga filim sameeyayaasha Soomaalida.

Mid ka mid ah ilaha waaweyn ee laga maalgaliyo filimada aduunka waa ganacsiya raba in badeecadoohada lagu dhex xuso inta uu filinku socda iyada oo loo arkayo fursad xayeysiis oo ganacsigooda ay dadka ku gaadhsiiyaan. Ganacsatada Soomaalida ee ganacsiyada ladan haysata, oo laga yaabo in ay u badan yihiin dad waaweyn inta badan mihiimada xayeysiiska iyo teknoolajiyada kuma baraarugsana waqti yar ka horna wax la yaqaanba ma ahayn.

Dhawaanahan se waxa I sa soo taraya ganacsiyada badeecadahooda iyo adeegyadooda ku dhex xayeysiiya filimada, haseyeeshee waxaad moodaa arinkaas in aan filimada Soomaalidu u diyaarsaneyn xiligan waxa ayna kor u sii qaadey xigmad daradii iyo tayo xumadii filimada Soomaalida. In ka badan inta sheekada filimka xooga la saaro ayaa xayeysiiska la saaraya taas oo mararka qaar daawadaha moodsiineysa in uu daawanayo xayeysiisyo xidhiidh ah. Tusaale ahaan jile magaaladii uu deggenaa jooga ayaa huteel u hoyanaya iyada oo loo dan leeyahay in hoteelka la xayeysiiyo laakiin qisada filimka aan la qabadsiin baahida keentey in jilahani huteelkan dego iyo halka ay sheekada ka ga xidhan tahay.

Waxaad arkeysaa jile xanuusanaya si dhakhtar loo xayeysiiyo. Oo sheekadeenii halkey kaga xidhan yahay xanuunku? Halka dhakhtarkaas uun. Waxaad daawaneysaa jile u safraya si loo arko shirkada uu gaadiidkeeda isticmaaley oo kali ah. Waxaad arkeysaa jile bangi lacag kala soo baxey sabab la’aan. Si bangiga uu u xayeysiiyo uun. Wad uun. Maalgalin aan gaadhsiisneyn in ay filim tayo leh soo saarto iyo xayeysiis aan si xikmad leh loo gu darin oo sheekadiiba qaribey uun baa la ga faa’iidey.

Caqabadaha kale ee suuqa filamada Soomaalidu wejahayo waxaa ka mid ah xidhxidhnaan iyo xidhiidh la’aan. Maxay shirkadaha waaweyn ee filimada soo saara adduunka (sida Hollywood) ugu dhiiran la yihiin in ay filim sameeyayaasha Soomaalida maalgaliyaan? Filin sameeyayaasha Soomaalidu se fursaddaa ma u diyaarsan yihiin? Waa maya.

Waxaa hubaal ah in ay jirto baahi loo qabo in la xoojiyo xidhiidhka ka dhexeeya filim sameeyayaasha Soomaalida iyo shirkadaha caalamiga ah si loo horumariyo saaxadda filimada Soomaalida, loona xalliyo caqabadaha dhaqaale ee waxsoosaarka filimada Soomaalidu wejahayo.

Inkasta oo ay jiraan kumaan iyo boqolaal dhallinyaro oo leh hibo jilaannimo dhulka Soomaalida haddana waxaa marar badan culeysku noqda hibadooda jilaannimo dhaqanka iyo caadooyinka bulshada. Inta badana bulshada Soomaalid jilaannimada u ma aragto shaqo iska caadi ah, hiwaayad qof lahaan karo ama xirfad uu ku shaqo tagi karo e taas cakiskeeda waxa uu la yahay, qof nolosha ka dhacey oo baxdoobey. Si gaar ah culeysani waxa uu saaran yahay hablaha. Marar badan doorarka ay jilayaashu qaadan lahaayeen waxa ay uga xishoodaan falcelinta ay bulshada ka filayaan. Waxa ay u badan tahay in aan shakhsiyadda uu jilihu metelayo iyo shikhsiyaddiisa caadiga ah aan la kala saarin.

Si kastaba ha ahaatee saaxadda filimada Soomaalidu waa mid dihin oo bikro ah. Waa mid hodan ah oo buuxda. Suurtagnimada qiso filim lagaga sameyn karo nolosha Soomaalidu waa mid aan xad lahayn oo xiise leh. Ka bilow ururada xagjirka ah ee ka dagaallama oo aanu adduunku wax badan ka ogeyn iyo sida ay nolosha maalinlaha ah ee bulshada u saameyso. Sida ay dadka u shaqaaleysiiyaan, sida ay wax u xukumaan, sida looga baxo ee looga baxsado, sida ay u qanciyaan iyo maskax dhiqista ay ku sameeyaan dhalinyarada, dilalka qorsheysan ee ay magaalooyinka ka fuliyaan iyo farsamooyinka ay u isticmaalan, shaadhadhka kala duwan ee ay xidhaan iyo doorarka kala duwan ee ay nolosha ka metalaan, sirdoonkooda iyo tabaha ay adeegsadaan, iyo dagaallada ay kula jiraan dowladaha waaweyn ayaa laga dhiraan dhirin karaa boqolaal sheeko oo xiise leh oo dacalada aduunka ka dhaca. Fursadaasina waa mid u banaan filin sameeyayaasha Soomaalida.

Waxaa wax laga meteli karaa dhaqanka baaxada leh ee Soomaalida iyo dhinacyadiisa kala duwan. Sida caadooyinka halista ah ee wali dhulka Soomaalida laga sameeyo, tusaale ahaan; gudniinka fircooniga, guurka qasabka ah, garaacista dumarka iyo dabka loo adeegsado in cudurada lagu daweeyo. Waxaa wax laga meteli karaa dagaallada riiqda dheeraadey ee qabiilada Soomaalida iyo sida ay u saameeyaan wada noolaanshaha, waxbarashada, koboca dhaqaalaha, jaceylada lamaannaha, nafsadda dadka iyo akhlaaqda guud ee bulshada. Waxaa filimo cajiib ah laga sameyn karaa isirtakoorka qabiilo gaar ah Soomaalidu ku hayso iyo sheekooyinka ka farcama ee noloshooda kuu saabsan.

Dhinaca kale tiknoolajiyada bulshada Soomaalida sida weyn ugu baahdey, internetka meel kasta gaadhey iyo aaladaha wax laga daawado oo guri walba galey ayaa iyana fursad weyn u ah filin sameeyayaasha Soomaalida, si aad ugu fudud sidii ay ahaan jirtey ayaa daawadayaasha lagu gaadhi karaa xiligan iyada oo loo dhex maraya adeegyada kala duwan ee baraha bulshada.

Ugu dambeyn, haddii si xikmadeysan looga faa’iideysto suuqa filimada ee Soomaalida oo si xikmadeysan loo maalgashado, waxa ay fursad u tahay dhammaanba shacabka Soomaaliyeed. Waa dariiq aan sheekada nolosheenna adduunka kula wadaagno. Waa fursad aan kor ugu qaadno is dhexgalka bulshooyinka caalamka iyo Soomaalida. Waa waddo aan ku xoojinno jiritaankeenna. Waa fursad aan wax kaga baranno khaladkeenna iyo muraayad aan dib uga eegno xaalka aan ku nool nahay. Waa wacyigalin aan ka ga takhalusi karno dhibaatooyinka iyo jariimooyinka ay Soomaalidu la nool yihiin. Waa fursad shaqo abuur oo kumaan Soomaali ah camal siin karta. Waa ganacsi xoog loo ga faa’iido. Waana fursad aan ganacsiyadeenna adduunka ku bari karno.

Tixraacyo

1. “Somali Cinema: a potential multi-million dollar industry” Somali Enterprise.

2. “History of African Film Industry” Experience Africa.

3. “Cinema Returns to Somalia for the First Time in Three Decades Culturedar

4. “Cinema returns to Somalia with first public screening in 30 years” Hiiraan Online.

 

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More