Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud, ayaa jeediyey xalay khudbaddiisii hambalyada Ciidal Fidriga, isaga oo dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalintan weyn. Madaxweyne Xasan oo sida caadiga ah la hadlayey dadka Soomaaliyeed ayaan caawa ku kobnaan hambalyo oo keliya.
Madaxweynaha ayaa munaasibadda Ciidal-Fidriga uga faa’iiidaystay inuu ka hadlo xaaladda dalka, waxaana si aan hore looga baran uu jeediyey wax lagu tilmaamay khudbad qaran.
Madadaxweynaha dalka ayaa ku dhawaaqay in uu qabanayo shir weyne qaran, kaas oo lagu martiqaadayo dhammaan madaxyaweynta siyaasadda iyo hoggaamiyayaasha bulshda, waxaanaa uu Madaxweynuhu sheegay in xalka Soomaaliya uu ka jiro midnimo, isu-tanaasul iyo wax wada lahaanshaho.
Khudbadda Madaxweynaha ayaa ahayd mid si wayn u faaftay oo dad badani ka falceliyeen, siyaasiyiinta dalka ayaana si wayn isugula wadaagay khudbadda. Inkasta oo Madaxweynuhu uu furay saaxadda siyaasadda, haddana waxaa jira waydiimo u baahan in Madaxweynuhu iftiimiyo, kuwaas oo uusan hadalkiisa ku sheegin.
Yaa kasoo qayb galaya?
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in gogol uu fidiyey, hase ahaate ma magacaabin cidda kasoo qayb galaysa, goorta la qabanayo shirka iyo waxa laga wada hadlayo marka laga reebo inuu si guud u dulmaray in dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowlad casri ah laga tashanayo.
Inkasta oo qodobadani yihiin kuwa farsamo oo dib laga dhammaystiro karo, haddana dadka la socda xaalka ayaa qaba in ugu yaraan ay ahayd in hadalka Madaxweynaha ay ka muuqato tilmaam gaar ah oo sheegaysa in mucaaridkiisa uu casuumayo. Ereyga siyaasiyiinta ayaa ah mid u baahan in si wacan loo qeexo, aysan gogosha u noqon mid furan oo xalka sii fogeysa.
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo aan la hadlanay ayaa inoo sheegay inaan lagu dhiirran karin martiqaad rasmi ah, hase ahaate hadalka Madaxweynaha ee caawa uu ahaa xujo fur uu iskaga riixayey caddaadisyada saaran ee gudaha iyo dibadda dalka kaga imaanayey.
Muxuu Madaxweynuhu ugu fogaaday martiqaad rasmi?
Sida aanu sheegnay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh uga siibatay culayska saaran, waxaana Madaxweynuhu uga fogaaday inuu si rasmi ah u diro martiqaadka laba qodob.
Tan koowaad waa hubanti la’aan laga qabo kasoo qayb galka shirka, waxaana si dhab ah loo ogayn fal-celinta ka imaan karta dhinacyada Jubaland iyo Puntland kuwaas oo xilli hore hoos u dhigay xidhiidhka wadashaqayneed ay la leeyihiin Villa Soomaaliya.
Tan labaad, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa raba in shirkan uusan noqon mid siyaasadeed, waxaana uu aad ugu ololaynayaa inuu helo taageero Beesha Caalamka ah oo la riixda ajandihiisa dagaalka ka dhanka ah Argagixisadda.
Madaxweyne Xasan ayaa doonaya inuu iibsado waqtiga si uu helo cid la xambaarta aragtidiisa, waana mid kamid ah sababaha uu uga fogaaday inuu martiqaad diro, isaga oo aan ogayn ajandaha laga doodayo ee shirka.
Sidee u qabsoomi kartaa gogosha?
Dhinacyo kala duwan oo katirsan labada heer ee Dowladda Federaalka ayaan hor dhignay sida la isu qabad-siin karo soo jeedinta Madaxweynaha ee shirka qaran iyo kala-fogaanta wada shaqaynayd ee kala dhaxaysa Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland, waxayna isku raaceen hal jawaab oo ah inay lama huraan tahay in la shiro. Hase ahaate ay ka horrayn karaan kulamo farsamo oo ay ku tilmaameen in lagu furfuro doodaha, kaas oo kadhici kara bannaanka dalka, halkaasna lagu soo dhiraandhiriyo ajandaha shirwaynaha qaran.
Doorasho iyo dagaal
Hadalka Madaxweynaha fasirka ugu dhaw ee laga qaadan karo waa inuusan keligiis dagaalkii argagixisada wadi karin, waxaana ka dhalanaya in miiska wadahadalka lagula dhago qorshihiisa dagaalka iyo doorashada qofka iyo codka ah, waxaana muuqata haddii kulankani qabsoomo in Madaxweynuhu waayayo dagaal uu kaligiis sii wato iyo doorasho qof iyo cod ah labadaba. Waxaa macquul ah in uu Madaxweynuhu ku khasbanaado inuu Mucaaradkiisa wax u hambeeyo si loo helo madal iyo shir qaran.
Muxuu Madaxweynaha ka Dheefay Hadal-jeedintan?
Madaxweyne Xasan Sheekh keliya iskama xallin culayska siyaasadeed ee waxaa uu hadalkiisa ku kasbaday niyadda iyo taageerada siyaasadeed ee qayb kamid ah horwaynta siyaasadeed ee mucaaridka ku ahaa siyaasaddiisa.
Arrin kale oo Madaxweynuhu uu ka badbaaday waa in ay talada kula dhegaan dhinacyada taageera dowladnimada Soomaaliya, waxaana meesha ka baxaya abaabul ka dhan ahaa Madaxweynaha oo ka soconayey caasimadaha reer Galbeedka iyo hay’adaha dalalku ku modbeen oo aalaaba warqado kasoo saara marka xaalka dalku qalloocdo. Warqadahaas oo loo biixiyay “Wiiftooyin“ ayaa loogu tala galay in cadaadis lagu saaro madaxda iyo kooxaha culeyska ku haya dowladnimada.
Si kastaba siyaasiyiinta Soomaalida ayaa isku raacay in Madaxweynuhuu caawa u hambalyey Soomaalida, ka badbaaday culays uu la kulmi karay marka uu gobolka soo booqda Xoghahaya Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, sidoo kalana uu helo jadwal shaqo oo furan oo aan la aqoon goorta uu dhigayo gogasha shirka iyo halka ay ka qabsoomi karto.