Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqorkori ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Safarka Madaxweynaha ayaa looga gol lahaa sidii uu u xoojin lahaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada oo toodobadaayadii lasoo dhaafay dib u qabsaday deegaanno istiraatiiji ah oo hore looga saaray.
Booqashada Madaxweynaha ee Aadan Yabaal iyo Moqokori ayaa noqonaysa tii saddexaad oo uu ku tagayo deegannadaas wixii ka danbeeyey markii ay horaantii 2023 soo gashay gacanta dowladda, lagana saaray maleeshiyaadka kooxda argagixsisada ah. Socdaalka Madaxweynaha ee furimaha dagaalka ayaa ka duwan dhammaan booqashooyinkiisii hore ee uu isla furimaha ku tagay. Haddaba, maxaa ku duugan socdaalka Madaxweynaha, muxuuse kaga duwan yahay safaradiisii hore uu ku tegay jiidaha hore ee dagaalka?
Ahmiyadda Aadan Yabaal iyo Moqokori
Madaxweynaha ayaa booqday labadan degmo min saddex mar intuu u dhaxaysay Nofeembar 2022 iyo Maarso 2025, waxaana keentay muhiimadda ay u leeyihiin dagaalka marka la eego dhanka abaabulka, isku xirka deegaamada, halka ay dhacaan iyo inay yihiin saldhiga beelaha hormuudka u ah dagaalka ka dhanka ah argagixsada.
Si kale marka loo eego waa deegaannadda ugu muhiimsan ee xilliga ay kooxda Alshabaab doonayso inay dib u qabsato si ay isugu fidiso bariga Gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.
Deagmada Maxaas waa halkii ugu horreeysay ee Madaxweynuhu kaga dhawaaqay dagaalka iyo sifaynta Al Shabaab bishii Nofeembar 2022, markaas oo uu xilka joogay 6 bilood oo kaliya. Ku noqnoqoshada Madaxweynaha ee deegaannadan ayaa xoojinaysa niyadda iyo sare u qaadista awoodda ciidanka si ay uga adkaadaan kooxda Alshabaab.
Booqasho uusan isagu dooran
Safarka Madaxweynaha ayaa ku yimid culayska ay kooxda argagixisada ah soo saartay deegaannada Shabeellaha Dhexe, waxaana Al Shabaab ay dib u qabsadeen deegaanno sanadkii 2023 laga saaray, iyadoo sidoo kale arbushaad ka sameeyeen degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo masaafo yar u jira Caasimadda.
Digniinaha amni ee ka yimid beesha caalamka iyo weerarka ay soo qaadeen maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa keenay in Ciidanka Xoogga noocyadooda kala duwan loo daabulo furimaha dagaalka si loo joojiyo kooxda Al Shabaab. Xitaa waa laga maarmi waayay Ciidanka Ilaalada Xabsiyada ee loo yaqaanno Asluubta oo aan u carbisnayn dagaal gelin iyo weerar qaadis.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganyahay Hirshabelle ayaa dib u abaabulaya safka ciidanka iyo saraakiisha dowladda si loo jebiyo kooxda, gacantana loogu hayo dhulka laga qabsado.
Saraakiisha ku xeeldheer ciidamada ayaa ku fasiray socdaalka Madaxweynaha inuu sido fariimo iyo awaamiir lagama maarmaan u ah dagaalka xilli dhawaan isbedel lagu sameeyey hoggaanka Wasaaradda Gaashaandhiga oo ay dalal dhawr ah oo Soomaaliya taageero cabasho ka muujiyeen Wasiirkii hore Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Farriin kale oo muhiim ah oo Safarka Madaxweynaha ka muuqatay waa hab labiska uu doortay, waxaana Madaxweynaha la arkay isagoo xiran direyska ciidanka, sinta ugu jirto baastoolad, sidoo kalana saaran diyaarad kuwa ciidanka ah.
Qaadashada hubka ee Madaxweyne dal ayaa ka dhigan inay tahay tallaabadii difaac ee u dambaysay oo aysan jirin meel loo laabanayo, waana dhaqan dhif iyo naadir ah in hoggaamiye qaran in la arko isagoo hub gacantiisa ku sita. Hase ahaate, khubarada ciidanka ayaa fahamsan in xilligan dagaalka ay muhiim tahay in hoggaamiye dalkiisu dagaal kula jiro argagixiso uu farriin kasta u diro dadkiisa si loogu mideeyo waajibka qaran ee difaaca.
Maxaa la gudboon Madaxweynaha?
Si ka duwan sannadihii 2022 iyo 2023, Madaxweynaha ayaa booqanaya deegaanadan iyadoo oo markan uu socda in ciidanka difaaca deegaanka iyo dowladda oo iskaashanaya ay dib usoo celiyaan dhulkii ay hore u qabsadeen laba sanno kahor. Waxaa muuqata inay Dowladdu awooddo qabashada dhul horleh, balse uu culeyska ka jiro haynta dhulka la xoreeyay.
Ku mashquulidii siyaasadda, wax ka baddalka dastuurka, dhaqamada kaligii talisnimada ah ee uu Madaxweynaha lasoo baxay sida dardargelinta hannaan doorasho oo uu kaligiis wato ayaa sidoo kale horseeday in dadkii ku midaysnaa furinta dagaalka ay ku kala qaybsamaan siyaasadda.
Inta Madaxweynuhu joogo furimaha dagaalka dad badan ayaa qaba inuu ku dhawaaqo in siyaasaddii iyo kala aragti duwanaantii meel la iska dhigay, saraakiisha ciidanka looga dambeeyo hoggaaminta dagaalka, kana dhexsaaro magacyada siyaasada ka dhex arka iyo kuwa macaashka ugu jira safka dagaalka.
Inkasta oo uu Madaxweynuhu dhawaan meesha ka saaray hoggaankii Wasaarada Gaashaandhiga oo lagu eedeeyey inuusan si sax ah isugu xirin taageerada caalamka iyo talisyada dagaalka, haddana weli waxaa jira dhaliilo badan oo ay kamid tahay in saraakiil badan oo xilligan dagaalka muhiim u ahayd in looga fogeeyey siyaasad darteed.
Arrin kale oo ay tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh xal u helo waa adeeg gaarsiinta deegaannadda la qabto si ay dadku u garab siiyaan dowladda, una dareemaan inay heleen nidaam maamul oo ka duwan kii Al Shabaab ee ay ku hoos noolaayeen.
Si kastaba ha ahaatee in Madaxweyne Xasan Sheekh uu markale tago deegaanno uu laba sanno kahor booqday iyagoo xor ah, ciidanka dowladuna weerar yahay, ujeedkiisuna yahay in weerar la qaado oo aan dib loo qabsan waxaa daliil u tahay sida dagaalka argagixisada uusan weli u helin qorshe qaran oo lagu joogteeyo dadaalladaas.
Su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah, Madaxweynuhu ma sidii looga bartay ayuu dib uga soo noqon doonaa furimaha dagaalka iyadoo hawluhu qabyo ka yihiin, mise markan wuxuu soo xaqiijin doonaa ciribtirka cadawga oo u baahan in xeeladihiisa si qotodheer loo fahmo, godkiisana looga daba tago!