Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Maxamed Abuukar Dabaashe oo ka tirsan bahda Risaala TV ayaa maydkiisa goor dhaw la helay keddib markii uu hoygii uu dagannaa uu dumiyay qarax saaka lala eegtay gaadiid galbinayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilli uu kusii jeeday Garoonka Aadan Cabdulle oo uu uga sii gudbayay safarro uu ku kala bixinayo magaalooyin ku yaalla Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Qaraxan oo ka dhacay agagaarka Ceelgaabta ayaa khasaaraha ka dhashay aan si rasmi ah loo ogayn maadaama la xiray dhammaan waddooyinka soo gala, lagana hor sitaagay warbaahinta. Hase yeeshee, bogga rasmiga ah ee telefishinta Risaala ayaa lasoo dhigay qiiq ka baxaya goobta uu ka dhacay qaraxa oo u jirta in ka yar 300 oo tallaabo, taasoo ay ka dhalatay in subaxii hore xabsiga la dhigo wariyeyaal ku sugnaa Xarunta Dhexe.

Warieyaasha la xiray oo ahaa afar ayaa goor dhaw xorriyadooda dib u helay keddib cadaadis ka yimid hay’adaha u dooda warbaahinta. Wariyeyaashaas ayaa kala ah Cali Ibraahim Cabdullaahi (Suxeyfa), Xamda Xasan Axmed, Maxamed Siciid Nuur, Liibaan Cabdullaahi Xuseen iyo Cabdalla Shariif Cali sida uu noo xaqiijiyay Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Risaala Maxamed Cabdiwahaab.

“Shaqaalaha iyo maamulka Warbaahinta Risaala hore ayaa culays badan loogu haayey ayadoo la diidanyahay dhaliilaha dowladda ee aan tebinno iyo siyaasiyiinta dowladda mucaaradka ku ah oo aan si aan faafreeb lahayn u baahinno. Falka maanta lagu xiray warbaahinta Risaala wuxuu halis ku yahay amniga shaqaalaha iyo shaqadooda guud ahaan.“ Ayuu yiri Maxamed Cabdiwahaab.

Risaala TV ayaa lagu xasuustaa wareysigii dheeraa ay dhawaan ka qaadeen Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Qaranka Fahad Yaasiin oo weerar ku qaaday hannaanka maamul ee Madaxweyne Xasan, taasoo ay maamulka noo xaqiijiyeen inay cadaadis kala kulmeen faafreebis la’aanta wareysigaas.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sii xoojinaysa ololaha ay ku caburinayso warbaahinta, waxaana hore loo xiray wariyeyaal ay kamid yihiin Cali Nuur Salaad iyo Cali Aadan Muumin. Sidoo kale, waxaa sii xoojeysanaya tallaabooyinka lagu aamusinayo siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka ra’yi duwan dowladda, qaarkoodna waxayba Dowladda ku eedeeyeen inay ka hor istaagtay inay u safraan deegaan doorashooyinkooda.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More