Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Warbaahinta Soomaalida iyo tan Turkiga waxaa aad uhaystay maanta diyaraada aan duuliyaha lahayn ee Akıncı oo uu Turkigu keenay Soomaaliya si ay uga qayb qaataan la dagaallanka kooxda Alshabaab. Haddaba warbixinteenan waxaan ku eegi doonaa waxa ay tahay diyaarada Akinci.

Akıncı waa diyaarad casri ah oo aan duuliye lahayn oo ay soo saartay shirkadda Bayraktar Teknoloji ee dalka Turkiga. Waxay ka mid tahay diyaaradaha dagaalka ee  iswada kuwooda ugu horumarsan, iyada oo leh awood sare oo dhanka weerarka, kormeerka iyo hawlgallada sirdoonka ah. 

Turkigu mashruuca lagu samaynayo diyaaradaaan casriga ah waxay bilaabeen sanadii 2017, ayadoo la dhamaystiray dabayaaqadii 2019ka

Diyaaraddaan ayaa qaadi karta culays dhan 1,350 kg, waana culays ayna qaadi karin inta badan diyaaradaha aanan duuliyaha lahayn. Waxay gaari karta joog dhan 40,000 feet oo hawada sare ah, sidoo kale waxay jari karta xaawaare dhan 360km saacaddiiba. Akıncı waxay awood uleedahay in ay hawada kujirto 24 saacadood oo xiriir ah.

Diyaaraddan ayaa leh nidaamyo sirdoon iyo isgaarsiin aad u horumarsan sida nidaamka dareemayaasha elektarooniga ah (Electronic Warfare Systems – ECM) oo la dagaallama qalabka elektarooniga ah ee cadowga. Sidoo kale waxay leedahay nidaam u oggolaanaya in ay sawiro sax ah qaado, xitaa marka ay jirto daruuro ama mugdi.

Akıncı waxay door muhiim ah ka ciyaartay dagaallada casriga ah sida dagaalka tooska ah , kan sirdoonka iyo dabagalka iyadoo muddo dheer hawada ku jiri karta. Sidoo kale burburinta bartilmaameedyada muhiimka ah, sida xarumaha militari.

Diyaaraddaan ayaa waxaa ku rakiban gantaallo dhawr nooc ah oo kala geddisan kuwaas oo si ba’an u burburiya goobaha hadba la rabo in la baab’iyo.

Dagaallo badan ayay Akıncı wacdaro ka dhigtay iyadoo ciidanka Turkigu ay u adeegsadeen diyaaradaan dagaallo dhawr ah sida dagaalkii u dhexeeyay Azerbaijan iyo Armenia ee ka dhacay gobolka Nagorno-Karabakh, oo ay door muhiim ah ka qaadatay taageerada ciidamada Azerbaijan ayadoo Armenia ay dagaalkaasi ku jabtay. Sidoo kale Ciidanka Turkiga ayaa marar badan diyaraddaan u adeegsaday la dagaallanka aragagxisada Suuriya iyo kooxda PKK oo ayana ka dagaallamaysay gudaha Turkiga.

Turkiga ayaa diyaaraddaan Akıncı keenay Soomaaliya maanta waqti baahi badan loo qabay, ayadoo maalmaha soo aadan ay ka qayb qaadan doonto la dagaallanka iyo sahminta kooxda aragagxisada ah ee Alshabaab. 

Alshabaab ayaa maalmihii danbe laban-laabey hawgalladooda iyago weeraro ka gaystay toddobaadyadii lasoo dhaafay labada gobol ee darisaka la ah Caasimadda Muqdisho ee Shabeellada Dhexe iyo Shabeelada Hoose.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More