Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Socdaalkii halka maalin ahaa ee Abiye Axmed ku tegay Muqdisho ayaa keenay hadal hayn ku aaddan waxa ay Dowladda Federaalka ah lumisay ama heshay. Sdoo kale waxaa ka dhashay iswaydiimo dhawr ah oo u baahan in laga jawaabo.

Sababta ugu weyn ee keentay in wax la iska waydiiyo hoggaamiye dal oo Soomaaliya booqanaya dhib iyo dheef ka ay tahay, in kasta oo Soomaaliya u baahan tahay madax sare soo booqata, haddana shaqsiga yimid iyo xilliga uu soo booqday Muqdisho ayaa dhaliyey hadal haynta.

Maxaa keena walaaca ay qabaan qayb kamid ah Soomaalida?

Muddadii ay soo kabashada ku jirtay Soomaaliya, marna masoo marin dagaal siyaasadeed ku dhisan damaca ah in dhulkooda la qaato, inkastoo duullaankii TPLF ee Meles Zenewi garwadeenka ka ahaa uu ahaa dagaal wakaaladeed oo reer Galbeedku dagaal ka riixayeen.

Heshiishkii Abiy ee uu la galay Somaliland ayaa noqday mid dadka Soomaaliyeed ay si feejigan uga gilgishaan, waxayna keentay in Soomaalidu aysan aaamin mar danbe Itoobiya.

Walaaca ugu badan waxaa keenay laba qodob. Kow, jidkii dagaal ee ay jeexeen madaxda Dowladda Federaalka oo jeediyay hadalladii ugu adkaa ee fagaare iyo faqba lagu gudbiyo, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed loogu sheegayo in cadowgooda Itoobiya ay iska celinayaan, dalkooda ka difaacayaan, taariikhdoodana ilaashaadaan.

Haddii waqtigan heshiis la qaatay, shacabka looma sheegin waxa dhabta ah ee lagu heshiiyey, mana jirin hannuunin qaran oo ka timd madaxda dalka.

Tan kabaad waa sooyaalka taariikheed. Labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa ka dhaxeeya loollaan taariikheed oo ku dhisan damac iyo dhul boob, tan waa midda markasta shacabku ay dhegta u taagayaan.

Haddaba in khilaafka meesha laga saaro yaa dheeftiisa qaatay?

Si kooban dal nugul oo sida Soomaaliya ah oo kale uma fiicna inay galaan khilaaf dheer, maadaama waxa ay nabaddu ku weyn karto ay ka badan tahay waxa kaga lumaya dagaalka iyo khilaafka.

In la soo afmeero khilfaaka labada dal ee Soomaliya iyo Itoobiya, waxaa xilligan dhibcaha sare qaatay dhanka Soomaaliya, waxaana Muqdisho ay maanta haystaa; in khilaafkii dhammaaday, lagu heshiiyey qodobo la isku raacsan yahay, itoobiya la macaamilayso Dowladda Federaalka iyo in damaanad qaad buuxa oo heshiiska ah jiro. tan waa faa’iido aysan Soomaaliya helin muddooyinkii ugu danbeeyey.

In kasta oo dad badani qabaani in joogista Ciidanka Itoobiya ay tahay guul weyn oo gaartay Addis Ababa, haddana waxaa la ilaawi karin in markii ugu horraysay ay Soomaaliya imaan karaan ciidan Masaari ah oo ku yimid khilaafka kuwaas oo ahaa waxa ugu weyn oo itoobiya ka dagaallamaysay.

Marka aan is barbardhigno walaaca ka dhashay dhammaynta khilaafka iyo miraha kasoo baxay oo ah waxa waaraya, laguna heshiiyey, sida muuqata waa dheeftii heshiiska qaatay Soomaaliya.

Hase ahaatee fasiraad xummada hoggaanka dalka iyo maqnaanshaha xiriirka ka dhaxeeye shacabka iyo fariimaha dowladda ayaa laga yaabaa in xagal daaciyaan guushan dublumaasi oo ay gaartay dowladdu.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More