Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6-aad ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya isagoo khudbaddiisa dastuuriga ah ku taabtay qodobo muhiim u ah dowlad dhiska, arrimaha amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo hirgelinta doorashooyin dadweyne.

Kalfadhigan oo furitaankiisa ka dib dhacay ayaa waxaa ku gadaamnaa guux iyo hadal hayn, balse wuxuu ugu dambeyn u qabsoomay si habsami leh, iyadoo in ka badan kala bar tirada guud ee Labada Aqal aysan soo xaadirin.

Madaxweynuhu wuxuu qeybtii hore ee khudbaddiisa ka akhriyay shaashadaha casriga ah ee lagu gudbiyo khudbadaha qoran ee loo yaqaano Teleprompter-ka. Waxay ahayd khudban kooban oo si tifaftiran isu saaran, balse qeybihii dambe wuxuu ku noqday khudbadihii baahsanaa ee uu jeedin jiray, waxaana la socday tafaasiil aan isaga looga baahnayn oo ay jihooyinka shaqada ku leh ay ahayd inay sharaxxaad ka bixiyaan.

Haddaba, Somali Stream waxay idiin soo gudbinaysaa qodobada xasaasiga ah ee uusan Madaxweynuhu soo hadal qaadin kuwaasoo shacabka Soomaaliyeed ay quud darreynayeen inay afkiisa maqlaan.

Khilaafka Federaalka iyo Jubaland

Taniyo markii uu bilowday khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland ayaa waxaa jiray dadaallo ay wadeen dhinacyo kala duwan kuwaasoo looga gol lahaa in xal loogu helo culeysyada ka dhashay khilaafka siyaasadeed ee saameynta taban ku yeeshay isu socodka shacabka Gobollada Jubada Hoose iyo Gedo.

Wasiirka Deegaanka ee Jamhuuriyadda Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale oo wareysi siiyay Abdijalil Show ayaa ku caddeeyay inay Dowladda Kenya ku jirto dadaallo ay ku furdaaminayso khilaafka haatan taagan taasoo ifafaallo iyo rajo galisay shacabka ku xayiran qeybaha kala duwan ee Jubaland.

Madaxweyne Xasan marnaba masoo hadal qaadin ismari-waagan siyaasadeed taasoo culeys ku ah hannaanka doorasho ee uu doonayo inuu dalka ka hirgaliyo. Maqnaashaha Jubaland ee Golaha Wadatashiga iyo Puntland oo hore uga baxday waxay ka dhigan tahay inaan loo dhammeyn jihada doorasho ee dalku aadayo.

Xadgudubka Imaaraatka ee Gobonnimada Dalka

Dowladda Imaaraatka Carab ayaa soo dhaweyn heersare ah iyo qaabilaad maqaamkeedu u dhigmo Hoggaamiye Dowlad madaxbannaan u sameysay Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Waxaa isla shirweynahaas maqaamkooda hoos loogu dhigay madaxdii matalaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Inkastoo shirkan uu u furnaa dowladaha, shirkadaha, shakhsiyaadka iyo maalgashedayaasha, haddana maqaamka la siiyay wafdiga Somaliland iyo dhaqaalaha ay Dowladda Imaaraatka ku bixisay inay u fududeyso inuu Cirro la hadlo warbaahinta caalamka, waxay ahayd fursad aysan Somaliland waligeed ka helin fagaarayaasha caaamka. Waa xujo diblomaasiyadeed oo u baahan inuu furo Madaxweyne Xasan oo ah sida Imaaraatku aanu xushmad ugu haynin Dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Maamulkii hore ee Madaxweyne Farmaajo, wuxuu tallaabooyin is xigxiga oo lagu difaacayo qarannimada iyo midnimada ka qaaday Dowladda Imaaraatka, wuxuuna ka hor caddeeyay Labada Aqal ee Barlamaanka inaysan u dulqaadan doonin ku xadgudubka gobonnimada Soomaaliya. Waa qodob kale oo laga filayay inuu Madaxweynaha khudbaddiisa ku xuso, meel adagna ka istaago. Wuxuuse xaalku noqday dhalanteed iyo dhaan-dabangaalle.

Xaraasha Dhulka Danta Guud

Bartamihii bishii May ee 2022 ayuu Madaxwyene Xasan Sheekh xilka kusoo laabtay, wuxuuna qaaday tallaabooyin lagu barakiciyay dad shacab ah oo ku noolaa dhulalka Dowladda. Waxaa hubaal ah inay Dowladda xaq u leedahay inay dhulkeeda soo ceshato balse su’aasha ku gudban ayaa ah sidee dowladdu dhul dan guud ay uga soo celisay shacab oo isla shacab kale uga iibisay?

Waxaa jirta in ficilladaas ay ka dhasheen qaylo dhaan taasoo shacabkii guryahooda cagafta la galiyay, hoggaamiyayaasha mucaaradka ah, gaar ahaan Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ay isku si uga falceliyeen.

Inkastoo aanan dhag jalaq loo siinin, walina ay socdaan tallaabooyinka lagu baacsanayo dan-yarta, haddana waxaa laga filayay in Madaxweynuhu la yimaado qorshe uu ku sababaynaayo dib ula noqoshada Dowladda ee dhulalkaas iyo ka ganacsigooda, xeerarka iibka qaranka ee loo maray iyo halka dhaqaalaha kasoo xarooday lagu bixiyay. Ilaa iyo hadda lama hayo caddeymo muujiyo in dhaqaalahaas lagu shubay qasnadda guud ee Dowladda.

Xil-haynta Madaxda Gobollada iyo Doorashooyinka Golaha Deegaanka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doorashiisa keddib olole u galay in dalka laga hirgaliyo doorasho dadweyne oo dhammaan dalka ka qabsoonta. Waxaa la dhisay Guddi laga soo xulay taageerayaasha Xisbiga Midowga iyo Horumarinta iyo xigtada masuuliyiinta ugu sarreeysa dalka. Puntland iyo Jubaland qeyb kama aha qorshahan oo waa ay qaadaceen. Labadooduba waxay qabsadeen doorashooyin ay u madax bannaan yihiin oo dib loogu doortay Deni iyo Madoobe.

Inakstoo uu khudbaddiisa ku faahfaahiyay in doorasho qof iyo cod ah uu dalka ka hirgalinayo, dhaqaale malaayiin doollar ah loo diyaariyay, qalab casriga ah oo hawshaas lagu qabtana lasoo iibiyay, haddana marnaba masoo hadal qaadin sidii bisha Juun ee sanadkan oo loo asteeyay doorashooyinka Golaha Deegaanka loo qaban lahaa.

Fakanqeeyeyaasha waxay tilmaamayaan in hadalka Madaxweynaha laga dheehan karaa inuu doonayo muddo kordhin sharci darro ah oo loo sii sameeyo Dowlad Goboleedyada ku haray xayndaabkiisa iyo in Gobolka Banaadir lagu sii hayo hannaanka magacaabista iyo qalinka hadba qofka fadhiya kursiga ugu sarreeya Villa Soomaaliya.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More