Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dalka Suudaan waxaa tan iyo bishii Abriil ee sanadkii 2023 ka socda dagaal hubaysan oo laba sano jirdaday. Dagaalladda ayaa u dhaxeeyey Ciidanka Militeriga uu hoggaaminayo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka, ahna Madaxa Golaha Fulinta dalkaas Janaraal Cabdifataax Alburhaan iyo maleeshiyada hubaysan ee Gurmadka Degdeg ah loona yaqaan ee uu madaxda u yahay Janaraal Maxamed Xamdaan Dagaalo oo Xamiidatii loo garan ogyahay. Labada nin ee xilligan ku loollamaya awoodda dalka Suudaan ayaa isaga sarreeyey hoggaanka dalkaas tan iyo markii ay meesha ka saareen Xukumaddii rayidka ahayd ee Cabdalla Xamduuk  bishii Oktoobar, 2021.

Kooxda mucaaridka ah ee RSF ayaa biloowgii u muuqatay inay guul ka gaadhayso dagaalka, waxayna gacanta ku dhigtay inta badan gobollada dalkaasi oo ay kujirto magaalada Caasimadda seddex geesoodka ah ee Khartuum, halkaas oo ciidankii dowladda lagu go’odoomiyey.

Is-qaabayn iyo taageero ay heshay dowladda caalamku aqoonsanyahay ee Alburhaan hoggaamiyo, fadhigeeduna yahay magaalada xeebta dhacda ee Boorta Suudaan, waxay keentay inay dhammaadkii sanadkii tegay ee 2024 ay billowdo gulufka dib u qabsashada dalka iyo ka sifaynta kooxaha mucaaridka ah. Inta uu socday hawlgalkani waxaa dhanka ciidanka milateriga Suudaan u suuragalay inay dib u qabsadaan dhawr gobol oo muhiim ah oo ay kujiraan Aljasiira, Wad Madni iyo Sinaar.

Guuldaradii ugu dambaysay oo soo gaadhay ciidanka RSF ee fallaagada hubaysan ah ayaa noqotay markii gacantooda laga saaray Taliska Guud ee ciidanka Suudan oo ku yaal magaalada Baxri oo ah degmo katirsan Caasimada Khartuum, halkaas oo muddo kabadan 21 billood ay saarnayd xannibaad ama cunaqabatayn ay ku hayeen RSF, waxaana ku go’odoonsanaa askar katirsan milateriga dalkaasi. 

Kaddib gelitaanka Ciidanka Dowladda ee Taliska Guud waxaa baraha bulshada lagu faafiyey muuqaallo dabaal-degyo ah oo ay samaynayeen ciidamadda halkaasi qabsaday. 

Dhanka RSF waxay beeniyeen in laga faramaroojiyey aaggan muhiimka ah ee caasimadda katirsan. War ka soo baxay dhankoodana waxay ku sheegeen in nidaamka dowladdu ay sheegayaan been si ay dadka taageersan ugu sawiraan inay guulaysteen.

Si kastaba ha ahaatee hawlgalkan ugu danbeeyey oo ay dowladda dalkaasi ku doonayso inay dib u qabsato Caasimadda iyo Gobollada ku hareeraysan ayaa u muuqda inay guulo kasoo hoynayso, iyadoo Ciidanka Suudaan ay ku siqayaan dhanka Galbeedka oo ah aag ay ku xooggan yihiin kooxaha fallaagada ah oo ay ugu tun wayntahay RSF.

Dagaallada iyo collaadaha dalka suudaan kasocda ayaa sababay barakicii ugu weynaa ee xilligan kajira Qaarada Afrika sida ay daabacday Hay’adda Qaramada Midowbay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, waxaana la diiwaangeliyey dhimashadii iyo dhaawacii ugu badnaa oo ka dhasha collaadaha dagaallada waqtigan caalamka ka socda marka laga tago xasuuqqa Qasa. 

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More