Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Hargaysa— Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maalinimadii Khamiista ahayd xilalkii ka qaaday Taliyayaashii Ciidanka Booliiska iyo Milatariga Soomaaliland, keddib wareegto kasoo baxday Madaxtooyada, waxaana loo magacaabay saraakiil cusub oo hoggaan u noqon ciidamada qalabka sida Soomaalilaand. 

Sida lagu xusay wareegtada waxaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Soomaalilaand loo magaacabay Sarreeye Guuto Nimacaan Yuusuf Gaaxnuug, halka ciidanka Booliiska loo dhiibay Sarreeye Guuto Cabdi Cabdilaahi oo ku magac dheer Cabdi Dheere. Lbadan sarkaal ayaa xilka kala wareegaya Sareeye Guud Nuux Taani oo hoggaamin jiray ciidanka Milateriga iyo Sareeyo Guuto Maxamed Aadan Daba-gale oo ahaa Taliyihii Booliiska. Saraakiisha xilka banaynaysa ayaa loo kala magacaabay Lataliyayaasha Madaxweynaha ee Arrimaha Milateriga iyo Booliiska.

Tallaabadan uu xilka uga qaaday Madaxweynaha doorashada dadweyne kuyimid dhawaan labada hoggaan ciidan ayaa ahayd mid la sugayey tan iyo markii uu xilka loo dhaariyay, wxaaana ay kusoo beegantay kaddib maalin uun markii uu soo saaray xeer xuqquuqda iyo mushaharkaba loogu kordhinayo ciidamada kala duwan ee maamulkaas.

Sidoo kale wareegtada xilka looga qaaday Taliyayaasha Booliiska iyo Milatariga iyo Xeerka xuquuqda loogu kordhinaya ciidanka ayaa Madaxweyne Cirro ku amray hoggaanka cusub inay dib u habayn dhab ah ku sameeyaan ciidanka, si loo hubiyo tirrada iyo tayada ciidanka taas oo dad badani ay xilligan su’aal gelinayaan.

Xilka qaadista Taliyayaasha Ciidanka Soomaalilaan lagu sameeyey ayaa loo arkaa inay tahay mid wax looga qabanayo habacsanaanta soo foodsaartay ciidanka maamulkaas oo loo aanaynayo hoggaan xumo, taas oo dadka deeganadaasi ay aaminsan yihiin inay horseeday burbur ku yimid ciidanka Soomaalilaand.  

Ciidankan ayaa mar ahaa kan loogu kalsoonida badan yahay dhammaan geyiga Soomaaliya, balse jabkii kasoo gaadhay dagaalkii Laascaanood ee sanadkii 2023 ayaa bannaanka keenay baaxadda burburka iyo hoos u dhaca gaadhay ciidanka Soomaalilaand.

Tan iyo markii ay Soomaalilaan ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ka go’aday 34 sano kahor, waxaa markii ugu horraysay loo magaacabay Taliyaha ciidanka Milateriga ama Qaranka Soomaalilaan Sarkaalkii ugu da’ada yaraa taas oo noqotay isbedelka ugu muhiimsan ee ku dhaqaaqay Madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha Soomaalilaan ayaa waqtigii uu ku jiray ollolihii doorashadii dhacday 13kii Noofeembar ee 2024, waxaa uu ballan-qaadyo kala duwan u sameeyey ciidamada kala duwan ee Soomaalilaan, kuwaas oo ay ugu horraysay inuu wax kaqabanayo dhismaha ciidanka, korna u qaaday mushaharkooda iyo xuqquuqahooda kala duwan.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More