Difaacii hore ee Xulka Ingiriiska iyo Kooxaha Manchester City iyo Tottenham Kyle Walker ayaa qaab amaah ah ugu biiray kooxda faca wayn ee reer Talyaani ee AC Milan keddib markii uu maamulka iyo macalinka kooxda ku wargaliyay inuu doonayo ka ciyaaridda meel ka baxsan England inta uusan garoomada ka bixin.
Kyle Walker oo 34 jir ah ayaa markii uu saxiixay heshiiskan amaahda ah ee uu kula joogayo inta xilli ciyaareedkan ka dhiman kooxda Madoow Guduudlayda ah u sheegay warbaahinta inuu aad ugu faraxsanahay inuu ku soo biiro koox fac iyo taariikh wayn, isaga oo xiran doona funaanadda lambarkeedu yahay 32 oo uu hore usoo qaatay David Beckham oo isagana reer England ah.
Inkastoo buuq dhanka qoyska ah uu ku furnaa daafacan midig taniyo bishii Oktoobar ee sanadkii tagay, haddana waxaa la filayaa in maalmaha soo socdo ay kusoo biiraan xaaskiisa Anie iyo carruurtiisa afarta ah, wuxuuna qof ku dhaw Walker u sheegay warbaahinta in isaga iyo marwadiisa ay dhinac iska dhigeen khilaafkii ka dhaxeeyay, ayna ka laabatay dalabkii furniinka ahaa.
Kyle Walker kama qeyb qaadan kara ciyaaraha Koobka Horyaallada Yurub oo ay wareegiisa hore ka harsan tahay hal kulan oo kaliya, balse wuxuu tartankaas ka qeybgali karaa wareega xiga oo la filayo inay kooxdiisa cusub usoo gudubto. Wuxuu kale oo kulankiisa koowaad safan doonaa ciyaarta ay AC Milan la baashaalayso kooxda ay xifiltamaan, ayna garoon wadaaga yihiin ee Inter Milan 2da Febraayo.
Walker waxaa kooxda AC Milan uga soo horreeyay ciyaaryahanno reer England ah oo ay ka qaarkood ay ka wada tirsanaayeen Xulka Kubadda Cagta ee lagu naanayso Saddexda Libaax, qaarna ay xilliyo hore kooxda usoo ciyaareen sida Jimmy Greaves, Ray Wilkins, Mark Hateley, Luther Blissett, David Beckham, Ruben Loftus-Cheek, Tammy Abraham and Fikayo Tomori.