Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horraysay meel fagaare ah ka sheegay in Soomaaliya laga dhisayo Saldhig Dayax-Gacmeed, xilli uu kahadlayey xaflad lagu daahfurayey mashruuc weyn oo maalgashi ah oo Ganacsato Soomaaliyeed ay ka hirgelinayaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
“Dalkeenna waxaa laga dhisayaa oo hadda ka socda saldhig Dayax-Gacmeedka laga tuuro, waana masharuuc ay ku baxayso dhowr bilyan oo dollar.” Ayuu yiri Madaxweynaha inta uu khudbadiisa ku guda jiray.
Madaxweynaha ma sheegin halka laga dhisayo Saldhiga, sidoo kale ma bixin faahfaahin la xiriirta cidda dhisanaysa iyo halka uu qorshahaas marayo, waxaana uun hadalkiisa ku gaabsaday in mashruucan laga faa’iidi doono aqoon iyo shaqo abuur, isagoo xusay in heshiiska noocan ah ay qayb ka tahay in kor loo qaado sumcadda dalka.
Sanadkii lasoo dhaafay waxaa aad u xoogganaa wararka sheegaya in Turkiga oo saaxiib la ah Soomaaliya uu yahay dalka dhisanaya. Balse soo hadal-qaadka Madaxweynaha ee arrintan keddib ayaa waxaa soo xigtay warbaahinta dalka Turkiga, waxayna tilmaameen in dalkoodu yahay midka hawshan fulinaya.
Mareegta Bloomberg ayaa sidoo kale xigatay hadalka Madaxweynaha iyadoo xaqiijisay in dalka Turkigu uu dhisanayo Saldhiga, waxayna intaas ku dartay inay Ankara galayso tartan dhanka awoodda cirka ah kaasoo markii hore u xirnaa keliya quwadaha waaweyn ee reer Galbeedka.
Dowlada Soomaaliya ayaa dalka Turkiga la gashay dhawr heshiis oo iskaashi ah, oo ay kamid yihiin kuwa amni, dhaqaale iyo difaac. Heshiisyadan qaarkood, sida heshiiska difaaca oo Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen, ayaan la ogayn xogta ku qoran iyo faahfaahintooda toona.
Marka laga soo tago hadalka Madaxweyne Xasan, weli si daahfuran Dowladda Soomaaliya uma sharrixin xogta la xiriirta saldhigan, balse oo ilo-wareedyo madax bannaan ay sheegeen in dhismaha saldhiga laga ridi doono dayax-gacmeedyada loo asteeyay deegaan katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Saameynta Dowladda Turkiga ee gudaha Soomaaliya ayaa sii xoogeysanaysa taniyo dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh iyadoo haatan ku guda jirta baaris shiidaal oo laga wado Badweynta Hindiya iyo qorshe Dowladda Turkiya ay kaga ilaalinayso xeebaha Soomaaliya kalluumaysiga sharci darrada ah. Sidoo kale, Turkigu wuxuu soo afjaray khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee soo jiitamayay taniyo 1dii Jannaayo 2024.