Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Garbahaaray oo xarun u ah Gedo. Qorshaha safarkan ayaa yimid keddib markii uu fashilmay safarkii ay ku tagi lahaayeen Baardheere sida ay noo xaqiijiyeen xubno kamid ah wafdiga oo ka gaabsaday inaan magacooda xusno.
Wasriir Fartaag oo hadal kooban ka jeediyey madal lagu soo dhawaynayey, ayaa uga mahadceliyey dadka deegaanku sida ay u qaabileen wafdigiisa, ayna dib iska waraysan doonaan.
Marka laga tago sheegashada Wasiirka Amniga, saraakiil wafdiga kamid ah ayaa warbaahinta la wadaagay in qorshahooda halkaas ay u tageen tahay inay ka qayb qaataan abaabul Dowladda Federaalka bilowday oo kusaabsan sidii Gobolka Gedo dhammaantiis looga saari lahaa gacanta Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo.
Madaxda Dowladda Federaalka ayaa qaatay go’aan ah inay u wareegaan dhanka Gedo, halkaasna ay furin cusub kaga furaan Axmed Madoobe si ay u culays u saaraan. Lama yaqaan sida isku dayga dowladdu uu wax uga tari karo doonisteeda ku aaddan inay meesha ka saarto nidaamka Jubaland ee fadhigiisu yahay Kismaayo.
Maamulkii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidan oo kale muddadii uu xukunka joogeen dagaal siyaasadeed la galay Jubalaanta Axmed Madoobe, waxayna ciidamo ku daabuleen gobolka Gedo, taas oo aan wax weyn ugu goyn loolankii kala dhaxeeyey Axmed Madoobe. Ugu danbayntii Dowladda Federaalka ah ayaa ku khasbanaatay in ay aqoonsato isdoorashadii Axmed Madoobe ee Agoosto 2019.
Inta badan garoomada siyaasadeed ee Soomaaliya waxaa lagu dheelaa ciyaar isku mid ah balse waqtiga iyo jilaayaasha ay kala duwan yihiin. Xeeldheerayaal siyaasadeed ayaa u arka waxa socda inay yihiin casharo siyaasadeed oo horay loo soo arkay balse aan waxba laga baran.
Dagaalka Villa Soomaaliya iyo Villa Kismaayo ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay cirka isku shareeray keddib markii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay weerar afka ku qaadeen Axmed Madoobe iyagoo ku eedeeyay inuu Alshabaab la shaqeeyo. Hadallada masuuliyiintan ayaa ka dhashay dagaalkii looga adkaaday guutooyin kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka oo si waji gabax ah dib looga qabsaday Raaskambooni.
Dowladda Federaalka ayaa siyaabo kala duwan loogu dhaleeceeyay sida ay u maareynaysay dagaalka ka dhanka ah Axmed Madoobe, waxaana qoraal uu barriisa X soo dhigay Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Fahad Yaasiin uu ku sheegay in Ciidanka Xoogga Dalku kala garan waayay ujeeddo iyo caqiido ay u dagaallamaan.
“Askartii la geeyey Raaskanbooni waxaa isugu darsamay dayac nololeed, saanad yaraan iyo caqiido hoosayn. Qaarkood waxay is waydiinayeen talow labada dhinac keebaa xaq ah, oo aan u dhimannaa. Heerkaas yaa ciidanka gaarsiiyey? Waa mahadho taariikhda ku hari doonta.” Ayuu yiri Fahad Yaasiin
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo haya xukunka Dowlad Goboleedkaas muddo 13 sano ka badan ayaa si isku mid ah uga horyimid dhammaan maamulladii dalka soo maray, isagoo mar walba kaga adkaado ciyaar siyaadadeedka, wuxuuna adeegsadaa tabo isku mid ah oo u suura galisa inuu sii dheereysto cimrigiisa siyaasadeed.
Inkastoo dhaqamada siyaasadeed ee Villa Soomaaliya ee shalay iyo maanta ay isu egyihiin, haddana waxaa ilaa iyo haatan farsamo ahaan dagaalka siyaasadeed iyo midka warbaahineedba ku horreeya dhanka Jubaland, mana la saadaalin karo halka uu wajiga labaad ee dagaalka ku biya shuban doono.