Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macronayaa maalinta berri ah booqanaya dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, sida ay daabacday Jariirada laga leeyahay dalka Faransiiska ee Le Monde, oo xiganaysa ilo wareedyo Madaxtooyada dalkaas ah.
Madaxweyne Macron ayaa muddada uu ku suganyahay Jabuuti waxaa uu la kulmayaa dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna labada hoggaamiye kawada hadli doonaa xiriirka labada dal oo ay ugu horrayso iskaashiga dhanka amniga marinka Badda Cas, heshiiska Ciidanka dalka Faransiisku ku joogaan Jabuuti ee bishii Luulyo ee sanadkan mar kale la kordhiyay iyo iskaashiga dhaqaale ee labada wadan.
Madaxweyneyaasha ayaa la filayaa inay sidoo kale islasoo qaadi doona xaaladda Geeska Afrika, gaar ahaan colaadda ka taagan Suudaan iyo arrimihii u dambeeyay ee Soomaaliya.
Le Monde ayaa sidoo kale sheegtay inuu Macron kulan casho ah la qaadan doono habeenka Jimcaha ah ilaa1500 oo askari oo ku sugan Saldhiga Faransiiska ee Jabuuti ee loo yaqaano Base Aerienne, waana ciidamada ugu badan ee Faransiiska ka jooga dalka dibaddiisa.
Marka uu dhammeysto socdaalkiisa Jabuuti, wuxuu Macron u gubdi doonaa dalka Itoobiya, halkaas oo uu wada hadallo kula yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed. Labada dhinac ayaa kawada hadli doona Iskaashi ee ka dhaxeeya Addis Ababa iyo Paris, waxayna sidoo kale isla soo qaadi doonaan xaaladda Tigreey iyo wixiika dhaqan galay Heshiiska Nabadda ee Pretoria ee dagaallada sokeeye lagu soo afmeeray.
Waxaa intaas dheer, Macron wuxuu goobjoog ka noqonayaa xarig jarka Matxafka Boqor Xayle Silaase kaasoo ah dhismihii ugu dambeyey ee u ku noolaa boqorka.
Xukuumada Abiye ayaa dhismahan taariikhiga ah urogtay Matxaf ay dalxiisayaashu soo booqdaan, waxaana lagu keydin doonaa qaybo kamid ah taariikhda hoggaamineed ee Madaxda Itoobiya. Faransiiska ayaa lacag 25 Milyan oo doolarka Maraykanka ku bixisay taabbo gelinta dhismaha Matxafkan.
Emmanuel Macron ayaa doonaya inuu xoojiyo xiriirka dalalka Afrika, ka dib markii wadamada gobolka Saaxil ee Galbeedka Afrika ay ka baxeen heshiisyadii militari ee kala dhaxeeyay Paris, ayna waqti kooban u qabteen in ay uga baxaan dalalka Mali, Niger, Burkina Faso iyo Senegal oo haatan kusoo biirtay.
Waxaan la ogayn waxa labada hoggaamiye iska dhihi doonaan qorshihii lagu tuhunsanaa inuu qeyb ka ahaa Macron ee lagu dhisayay ciidamo badeed oo ay yeelato Itoobiya kuwaasoo saldhig rasmi ah ka dhigta xeebaha Somaliland, maadaama Heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la gashay Hargeysa uu fashilmay keddib Heshiiskii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya iyo isbaddalka hoggaamineed ee haatan ku yimid hoggaanka Somaliland.