Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ka dhacay dalka Turkiga heshiis kula gaaray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed. Labada hoggaamiye ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo afjaray khilaaf soo socday taniyo bilowgii sanadkan, kaasoo kasoo bilowday Is-afagaradkii uu Abiye Axmed la saxiixday Madaxweynihi hore ee Soomaalilland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya ayaa madasha lagu saxeexayey Baaqa Ankara waxaa ku weheliyey Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo isagu fidiyey gogosha wadahadalka labada dal, damaanadna ka ah ka mira dhalinta heshiiskan.

Madaxweyne Xasan ayaa fadhiga ka caddeeyay in lasoo afjaray khilaafkii, labada dalna ay hore uga soconayaan waxkasta oo hore usoo dhacay. Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inay u tahay farxad inay halkan soo gaaraan, labada dhinacna ay wada guulaysteen.

Qodobada ugu muhiiimsan Baaqa Ankara ku xusan waxaa kamid ah in ay Itoobiya si rasmi ah u aqoonsan tahay Madaxbannaanidda dhulleed ee Soomaaliya, taas badalkeedana ay Soomaaliya u ogolaatay Addis Ababa marin badded oo qaab kiro ama qandaraas ah ay ku gaarto xeebaha Soomaaliya si ay ugu isticmaasho dano ganacsi oo keli ah.

Arrinta khilaafka dhalisay ee MOU-gii u dhaxeeyey Somaliland iyo Itoobiya ayaan Baaqa Ankara lagu soo hadalqaadin, waxaana Warmurtiyeedka lagu xusay in Soomaaliya ay ogaalatay in Itoobiya siiso marin badeed la isku hallayn karo, waxaana la sheegay in labada dal ay muddo seddex bilood gudahood ah kusoo dhammaystirayaan qodobada la isku afgartay si heshiis rasmi ah loogu beddelo bisha Febraayo ee 2025.

Hase yeeshee, xeeldheereyaal arrimaha sharciga ah oo aan la hadalnay ayaa ka dayriyay siiqada qoraalka oo aad moodo in siyaabo kala duwan loo qalloocin karo balse waxay ku baaqeen in feejignaan la muujiyo.

Markii uu soo baxay Baaqa Ankara, lama uu kulmin wax buuq siyaasadeed iyo mid shacab ahba  gudaha Soomaaliya. Inta badan siyaasiyiinta iyo hormuudka bulshada ayaa ka gaabsaday, balse waxaa si cad ugu horyimid keliya Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo sheegay in Soomaaliya ay u aasantahay foolkaane markasta qarxi karta oo ay Addis Ababa hoosta ku haysato Is-afgaradkii ay Muuse Biixi la gashay,

Dhankiisa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul u cambaareeyey Baaqa Ankara.

Fahad Yaasiin, La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka xilligii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Soomaaliya ay ilaalisay qarannimadeedq, Itoobiya ay heshay fursad ay badda ku gaari karo balse wuxuu tilmaamay in feejignaan looga baahan yahay Dowladda Federaalka.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi ayaa xafladdii xilwareejinta ka sheegay inuu Hargeysa aysan khuseynin waxyaabaha dhexyaalla Addis Ababa iyo Muqdisho, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu heshiiskaas ahaa mid u daneynaya Somaliland. Madaxweynaha xilka la wareegay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaan marnaba soo hadal qaadin Baaqa Ankara, wuxuuna ku gaabsaday inuu wax walba ku bixin doono ictiraafka Somaliland.

Dhanka Itoobiya Saaxaafada dalkaas ayaa ku waramaysa in Addis Ababa ay si nabad ah u heshay marinkii badda ee ay doonaysay taas oo ah guul usoo hoyatay dhanka Itoobiya, balse siyaasiga caanka ah ee dalkaas Jawar Maxamed ayaa ku eedeeyey Abiye inuu soogalay heshiis uu markii hore iska indha tirayey, waxaana dhaqanka hogaamineed ee Abiye uu ku tilmaamay mid muhmal ah oo aan lahayn aragti hogaamineed oo sax ah.

 

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More