Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho uga bilaabatay magaalada Ankara ee Caasimada dalka Turkiga, kadib casuumad uu ka helay dhigiisa dalkaas Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan.

Sida lagu sheegay war ay baahisay Madaxtooyada Dowlada Soomaaliya, Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa Ankara u tagay ka qaybgalka wajiga seddexaad ee wadahadalka Soomaaliya iyo Itoobiya, halkaasna ay kulamo kula yeelanayaan wafdi ka socda dhanka Itoobiya oo uu hogaaminayo RW Abiy Axmed.

Kulamada madaxda laba dal ayaa  looga wadahadalyaa xiisadda labada dal oo gaadhay heerkii ugu sarreeyey, kadib khilaaf kii ka bilowday is-afgaradkii ay Itoobiya la saxiixatay Maamulka SL, kaas oo dhigayey sida la sheegay in Addis Ababa ku qaadato qayb kamid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa markii heshiiskaas la saxiixay ku tilmaamtay in Itoobiya ay ku xadgudubtay madaxbannaanida iyo qarannimada dalka Soomaaliya, aysanna aqbali doonin heshiis kasta oo ka dhan ah wadajirka iyo midnimada dalka Soomaaliya.

Turkiye ayaa isku hawshay xallinta khilaafka labada dal, waxaana laba mar oo hore Ankara isugu tegay wafdiyo heer wasiiro arrimo dibaddeed ah, inkastoo aysan fool-ka-fool ahayn, haddana kulamadaas lagama gaadhin wax heshiis ah. Safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tegay Ankara ayaa loo arkaa inuu kusoo beegmayo xilli labada dal ay aad usii kala fogaanayaan oo uu heer kulku gaadhay meeshii ugu sarreysay.

Itoobiya ayaa qaaday talaabooyin xaalka sii cakiray, oo ay kamid tahay inay ciidankeeda kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, hub iyo saanad ciidanna ku taageerto qaar kamid ah dhinacyada siyaasadeed ee dalka, sida lagu sheegay war kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Is-aragga labada hogaamiye ayaa la xaqiijiyey, waxaanse caddayn in Soomaaliya ka tanaasushay mowqifkeedii hore ee ahaa inaysan la fadhiisanayn madaxda Itoobiya haddii aysan ka laaban Heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland, ilaa haddana lama hayo meel Addis Ababa ay ku shaacisay inay ka noqotay is-afgaradkaas.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirkadhuleed ee Soomaaliya.” Sidaas waxaa lagu sheegay warka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo ay uga hadashay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Inkasta oo aan ajandaha rasmiga ah ee kulamada labada dhinac lasoo saarin, haddana xogaha aan helayno ayaa tibaaxaya in kulamadu ay ku bilaaban doonaan u kala dabqaadis uu Madaxweyne Erdogan dhinacyada isugu soo dhawaynayo inta aan lagaadhin kulan fool-ka-fool ah oo yeelanayaan Madaxweyne Xasan iyo RW Abiy Axmed, waxaana mawaadiicda laga wadahadlayo xagga sare kaga jiraan arimaha ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya ujooga, doorka Itoobiya, iskaashiga amniga iyo go’aanka ay Soomaaliya ciidamada ATMIS uga reebtay kuwa Itoobiya. Waxaa sida oo kale kujira imaanshaha Masar ee gudaha Soomaaliya, xilli ay xiisadda webiga Niil ee Itoobiya iyo Masar udhaxaysa aan la xallin.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More