Waxaa maalinimadii Axadda ahayd dalka Suuriya ka dhacay isbeddel maamul oo xilka looga tuuray Madaxweynihii hore ee dalkaas Dr. Bashaar Al-Asad. Kooxda hubaysan ee Taxriir Al Shaam oo dagaal hubeysan ka wadday Suuriya tan iyo markii uu kacdoonku ka dillaacay dalkaas sanadkii 2011 ayaa gudaha u gashay magaalada Dimishiq, keddib guluf dagaal oo ay kusoo jirtay 10kii cisho ee ka horeeyey,
Madaxweynaha xukunka laga tuuray ayaa gaaray magaalada Moskow ee dalka Ruushka keddib markii uu ka helay magangalyo siyaasadeed Dowladda Ruushka oo sidoo kale ay ka joogeen Suuriya ciidamo, kuna lahaa saldhigyo milatari oo ujeedkoodu ahaa in xukunka lagu ilaaliyo Bashaar.
Hogaamiyaha kooxda Taxriir Al-Shaam Abuu Maxamed Al-Goolaani ayaa xalay fiidnimadii galay gudaha Dimishiq, saacado uun keddib markii ciidankiisu ay guud ahaan la wareegeen caasimadda. Goolaani, oo magaciisa rasmiga ah yahay, Axmed Xuseen Al-Sharac ayaa waxa uu kamid yahay liiska dadka argagixisada uu aqoonsan yahay Mareykanka, waxaaana madaxiisa dul yaalla lacag dhan 10 Malyuun oo Doolarka Mareykanka ah.
Maalin uun Kaddib isbeddelka maamul ee dalkaasi ka dhacay, waxaa ku qulqulaya dadkii ka qaxay Suuriya sanadihii ay socotay colaadda dalkaasi, kuwaas oo kasoo gudbaya xuduudaha dalalka Turkiga, Lubnaan iyo Urdun. Dad ka badan 7 milyan oo Suuriyaan ah ayaa dagaallada dalkaasi ka socday ka qaxay guryahooda iyagoo magangalay dalalka deriska ah iyo daafaha caalamka.
Falcelinta ka dhalatay isbeddelka Suuriya
Gudaha dalkaas marka aan ka hadalno waxaa magaalo kasta oo kamid ah gaaray farxadda warka ah in maamulkii tacadiyada iyo xasuuqa ku eedaysnaa ee Madaxweyne Asad in latuuray, si aan taas ka yarayna, waxaa shacabweynaha Suuriya ee bannaanka u qaxay ay isugu soo baxeen dabaaldegyo loogu damaashaadayo isbeddelka ka hanaaqaday dalkaas.
Marka aan kasoo tagno dadweynaha Suuriya, waxaa siyaabo kala duwan uga falceliyey madaxda caalamka iyo kuwa dariska la ah, waxaana ugu horreeyey dalalka Carbeed, Turkiga, Ruushka, Midowga Yurub, iyo Maraykanka.
Dalalka Qadar iyo Imaaraadka ayaa soo saaray laba warsaxaafadeed oo la kala safan kooxda isbedelka dhalisay iyo nidaamkii Asad ee dhacay. Dooxa waxay sheegtay in gacanteeda u fidinayso sidii Suuriya cagaheeda ugu istaagi lahayd, halka Abu-Dhabi ay sheegnay in dalkaasi uu galay gacmo aan amnigiisa ka shaqaynayn.
Dhanka Turkiya oo ah dalka loo tirinayo inuu qorsheeyey, isla markaasna qaabeeyey kacdoonkan danbe ee xukunka lagu dhaafiyay Asad, waxaa hadallo kasoo saaray Madaxweyne Rajab Erdogan iyo Wasiirkiisa Arimaha Dibada Hakan Fidan, iyadoo labada hadalba ay ku muujiyeen inay garab taaganyihiin Suuriya iyo dadkeeda, ayna ka shaqaynayaan xasilloonida, wadajirka iyo midnimada dhulleed ee dalkaas, si loo helo nidaam dowladeed oo xaqsoor ku dhisan.
Moskow oo uu isbedelkani ku ahaa lama filaan iyo mid dhabarjab ah qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Kremelin ayaa lagu sheegay in Moscow ay diyaar u tahay inay la hadasho maamulka cusub ee Dimishiq, marka xaaladuhu degaan oo ladhiso xukuumad.
Maraykanka ayaa dhankiisa ku sheegay in eryistii Asad ay ahayd wax lagu farxo, dadka Suuriyana ay xilligan ku jiraan waqti ay aayahooda kaga tashadaan sida uu Madaxweynaha xilka ka degayaa ee Joe Biden sheegay. Ninka xilka kala wareegaya ee Donald Trump ayaa sheegay inuusan faragalin ku samayn doonin siyaasadda gudaha Suuriya.
Ugu danbayn dalalka Midowga Yurub ayaa soodhawayn weyn u muujiyey isbeddelka xukunka looga tuuray Asad iyo nidaamkiisii. Dalka Faransiiska ayaa noqday dalkii ugu horreeyey oo sheegay in maalmo gudahood uu Dimishiq u dirayo ergay gaar ah oo adkaynta xiriirka labada dhinac kawada shaqeeya.
Si kastaba ha ahaatee, isbaddalka Suuriya ka hirgakay ayaa soo dhawayn wayn ka helay caalamka balse su’aasha jaawabta u baahan ayaa ah dadka Suuriya madheefsan doonaan miraha isbedelkan ku yimid halgankii dheeraa iyo nafhurninadii ay bixiyeen shacabka reer Suuriya?