Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Muqdisho: Hay’adda Samafalka ee Hormuud Salaama ayaa kaga dhawaaqday magaalada Muqdisho inay ku deeqday dhul dib u dejin loogu sameynayo 10 kun oo barakacayaal ah oo ku nool magaalada Muqdsho iyo daafaheeda, sida uu sheegay Agaasimaha Hawlfulinta hay’addaas Mudane Cabdullaahi Nuur Cismaan.

Dhulka laga dhisayo guryahan ayaa ku yaalla aagga Deegaanka Jazeera, waxaana loo hormarin doonaa sidii xaafad casri ah oo ay u dhan yihiin dhammaan adeegyada bulshada sida dugsiyada, isbitaallada iyo suuqyada.

“Waxaan ku boorrinaynaa hay’adaha samafalka ee caalamiga ah iyo ganacsatada ku nool magaalada Muqdisho inay ka qeybqaataan maalgelinta mashruucan khayrka badan kaasoo xal waara loogu helayo barakacayaasha ku kala firisan magaalada Muqdisho iyo daafaheeda.”, ayuu yiri Mudane Abdullaahi Nuur Cismaan.

Waxaa sidoo kale munaasabadda lagu daahfurayo hawshan goobjoog ka ahaa oo warbaahinta la hadlay Safiirkii hore ee Dowladda Soomaaliya ee Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo isagu laftiisu ah samafale u dhaqdhaaqa arrimaha waxbarashada ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba, wuxuuna ku bogaadiyay shirkadda Hormuud qaadidda tallaabo wanaagsan oo lagu garab istaagayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Waxaa haatan ku nool magaalada Muqdisho qiyaastii barakacayaal kor u dhaafaya 1 milyan oo ka kala yimid dhammaan qeybaha kala duwan ee Koonfurta Soomaaliya kuwaasoo kasoo qaxay colaado, abaaro iyo dhaqaalo xumo ku qabsatay deegaannadii ay ku noolaayeen.

Hay’adda Samafalka ee Hormuud Salaama ayaa kaalin mug leh marar badan ka gaysatay ka qeyb qaadashada mashaariicda danta guud sida qalabeynta isbitaallada iyo socodsiinta hay’adaha halbolwaha u ah adeeg bixinta ee heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed. Tallaabadan ayaa sii xoojinaysa ka go’naashaha shirkadda ee in laga qeyb qaato horumarka bulshada.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More