Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Muqdihso: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xannibaad saartay duulimaadyadii tagi jiray gobollada dalka, keddib markii ay shirkadaha diyaaradaha ee gaarka loo leeyahay diideen inay u duulaan tuulada Raaskambooni sababo la xiriira amniga rakaabka iyo diyaaradaha.

Tallaabadan ay qaaday Dowladda Federaalka ayaa ka dhalatay keddib markii uu khilaaf xooggan oo u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo Maamul Jubaland uu gaaray meel sare, iyadoo Dowladda Federaalku ay ku daabushay qeybo kamid ah Jubaland ciidamo laga qaaday Muqdisho.

Daabulaadda ciidamadan ayay Dowladdu u adeegsatay diyaaradaha ganacsiga ee rayidka, waxaana digniin adag kasoo saaray Maamulka Axmed Madoobe, oo dhawaan doorashadii ay qabsadeen ay qaadacday Dowladda Federaalka.

Galabnimadii maanta ayaa dadkii kuqornaa duulimaadyada kala duwan dib ugu noqdeen guryahooda kadib markii labada dhinac midna uusan kasoo debcin mowqifkooda, waa tallaabadii ugu horraysay ee dhanka xanibaadda hawada ah oo qabsata dhammaan duulimaadyada diyaaradaha Koonfurta Soomaaliya.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More