Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Koobka Naadiyada Adduunka, oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay, ayaa sanadka soo socda waxaa lagu qaban doonaa dalka Mareykanka, iyadoo ilaa 12 garoon oo ku yaalla 11 magaalo ay martigelin doonaan koobka sanadkan, waxaana ciyaaruhu soconayaan 14ka Juun ilaa 13ka Luuliyo.

Tartankan ayaa sanadkan taariikh gooni ah dhigaya, waxaana markii ugu horreeysay ka qeyb qaadan doona 32 kooxood, iyadoo aragtidan laga soo minguuriyay Koobka Adduunka ee FIFA oo ay 32 dal ka qeyb qaataan. Marka hore waxaa lagu bilaabayaa in naadiyada la isu raaciyo min afar oo ay koox kasta 3 kulan ciyaarayso, keddibna waxaa loo gudbayaa wajiga is reebreebka.

Koobkan waxaa ka qeyb qaadan doona kooxda difaacanaysa ee Manchester City oo qaaday Horyaalka Horyaallada Yurub ee 2023, Chelsea iyo kooxda sanadkan difaacanaysa 2024 ee Real Madrid. Kooxaha kale ee ka qeyb galaya waa kuwa ugu wanaagsan Yurub, Laatiin Ameerika, Afrika iyo Aasiya, taasoo koobkan ka dhigaysa mid loo dhanyahay.

Magaalooyinka martigelin doona waxaa kamid ah, Philadelphia, Washington DC, Seattle Washington, Pasadena, Cincinnati, Charlotte, Atlanta, Miami, Nashville, Orlando, iyo East Rutherford.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More