Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Muqdisho: Dowlada Federaalka Somaaliya ayaa soo saartay war saxaafadeed luqad adag ku qoran kaas oo ka dhan ah dalka Itoobiya, oo ciidamadeedu maalinkii seddexaad ay kusoo qulqulayaan qaybo kamid ah degmooyinka gobolka Gedo ee dhaca koonfurta Soomaaaliya.

Dowlada ayaa dhaqanka Itoobiya ku kacday ku sheegtay inuu yahay mid ah ‘faragelin qaawan ah’ oo ka dhan ah madaxbannaanida dalka Soomaaliya, waxayna intaas ku dartay in faragelinta Addis Ababa ay Gedo kawado uu yahay mid la isaga horkeenayo shacab iyo qabiillada gobolkaasi deggan.

Ciidanka Itoobiya ee galay degmada Beled-Xaawo ayaa halkaas u tegay si ay gurmad ugu fidayaan Wasiirka Amniga Jubaland oo ku sugnaa halkaas, xili ay DFS isu diyaarinaysay inay halkaas ku qabato.

Wasaarada warfaafinta ee JFS ayaa baahisay war saxaafadeed deg-deg ah iyadoo ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka ee kale inay cambaareeyeen falka ay ku kacday Dowlada Ethiopia.

Warka kasoo baxay Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay Muqdisho markasta diyaar u tahay deris wanaag iyo nabad kuwada noolaansho, balse ay Addis-Ababa goosatay inaysan dhawrin madaxbannaanida dalka Soomaaliya, taasina aysan Soomaaliya u dulqaadan doonin, ayna isdifaaci doonta iyadoo kabixin doonta jawaabta ku habboon.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More