Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Kulammo muhiim ah oo shalay iyo caawa fiidkii magaalada Muqdisho ku dhex maray madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka iyo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa lagu go’aamiyay inuu berri dib ugu laabto magaalada Baydhabo si loo adkeeyo amniga iyo xasilloonida maamulka Koonfur Galbeed.

Safarkan degdegga ah ayaa ka dhashay kaddib markii ay soo baxday cabsi cusub oo ku saabsan in markale Baydhabo ay la kulmi karto cadaadis amni oo ka yimaadda ciidanka Madaxweynihii mgalaada laga qabsaday ee Cabdicasiis Laftagareen.

Maalmihii uu ku sugnaa Muqdisho, Aadan Madoobe wuxuu xujo uga dhigay ku laabshadiisa Baydhabo, in Dowladda Federaalka ah ay si degdeg ah ciidamada ku sugan Baydhabo ugu rarto hub iyo saanad milatari oo dhamaystiran. Wuxuu caddeeyay in ilaa loo helo taageero saad oo muuqata ay adag tahay in magaalada laga difaaco ciidamada Cabdicasiis Laftagareen, wuxuuna dadaal culus u galay sidii agabkaas ciidan uu u heli lahaa.

Arrinta doodda ka dhigtay mid adag ayaa ah in madaxda Dowladda Federaalka ay Aadan Madoobe la wadaageen xogta ah in ciidamada taabacsan Cabdicasiis Laftagareen ay ku jiraan abaabulkii ugu dambeeyay oo ay culeys weyn ku saarayaan Baydhabo, iyadoo ka maqnaanshihiisa Baydhabo ay keentay firaaq maamul iyo cabsi ay shacabku ka qabaan weerar kaddis ah.

Dowladda ayaa u sheegtay Aadan Madoobe in ay lagama maarmaan tahay inuu berri dib ugu laabto Baydhabo, si u xaqiijiyo inuu maamulka haysan karo oo difaacanayo magaalada Baydhabo.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More