Waxaan ku naawilayaa in aan maqaalkaygan: Fursad & Filasho idiinkugu soo gudbiyo todobo fursad-filasho oo aynu ka raajicinayno hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfurta Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxaana uu haystaa muddo xileed ah shan sano, waa sida uu Dastuurka lagu doortay yahaye.
Intaanan kasii ambaqaadin ararta qormadaydan Fursad & Filasho, haddaba waa kuma Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe? Maxaynuse ka naqaanaa?
Waxaa uu hilaaddii 1956-dii ku dhashay magaalada Xudur ee xarun goboleedka Bakool, isla gayigaasi ayuu uga soo sahay qaatay waayihiisa siyaasadeed, waana halka uu kasoo noqday gudoomiye degmo, isagoo kusoo gashiimay gudoomiye kuxigeenkii Dhaqdhaqaaqii Ciidankii Wax Iska Caabinta Raxweyn ee Rahanweyn Resistance Army (RRA) ilaa uu soo fanto figta sare ee sallaanka siyaasadda Soomaalida, jeer uu noqdo gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed & kusime hoggaamiye.
Haddaba, Fursad & Filasho waxaan ku eegayaa oo aan gundhig uga dhigayaa, dhawr qodob oo dowladnimada Soomaalida iyo Koonfur Galbeed sal u ah.
1. Amniga Deegaanka:
Arrita ugu hortabinta leh ee laga filanayo hoggaamiye jabhadnimo kusoo hanaqaaday waayo-joogna usoo ahaa xaaladihii amni ee dalkeena & siyaasadihii isdiidanaa waa un taabo-gelinta jawi nabdeed oo lagu xaqiijiyo amniga guud ee deegaanada & dadka uu hogaansho.
Hoggaamiye Aadan Madoobe waxaan talo ugu soo jeedin lahaa in uu ihtimaamkiisa ugu horeeyo ka dhigto xasilinta & amni kusoo dabaalida guud ahaan geyiga Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxaan ka filanaynaa in uu la yimaado istiraatijiyaddii ugu mudneed ee deegaanada Koonfur Galbeed looga xorayn lahaa kooxaha nabad-diidka ah, la iskuguna wada furi lahaa guud ahaan deegaanada iyadoo calanka dowladnimo laga wada harsanayo guud ahaan degmooyinka aanan gacanta dowladda ku jirin.
Xiligani la joogo waxa ugu muhiimsani waa un in la is qalbi-dhayo, la is aamino, la isuna tanaasulo oo la isla taaboqaado geedi-socod nabdeed oo lagu midaysanyahay… mana aha in uu arinkeenu noqdo kugu dhimay, kaa dhimay… ragna ma jirto wax uu ku dhaamo walaalow!!! Haddii taasi la waayo, waa un is xaniinyo taabad oo cidna ismaamuli kari mayso!!!
Hoggaamiye Aadan Madoobe waxaa uu fursad u haystaa in loo doortay deegaan ay dhidibada u taaganyihiin nidaamyadiisa dowladnimo… tani waxay ka saacidaysaa adkaynta haykalka dowladeed.
Anigoo si togan uga filanayo in uu hoggaamiye Madoobe sida ugu dhakhsiyaha badan ugu dhiiran doono fidinta gogol nabdeed oo ay si dhab ah ugu heshiiyaan saamilayda ugu tunka weyn siyaasadda Deegaanka ayaan haddana usoo jeedin lahaa in cid kasta oo si un wax u goconaysa qalbi-xaaro uguna tago halka ay joogto… wax kasta oo aynu isku hayno waxaa ka muhiimsan waxa inaga dhexeeya… danteenuna waa isku tolan aanan sina u kala dhantaalmi karin!
3. Dhisidda Cudud Ciidan:
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, filasho un igama ahee waan ku kalsoonahay… waxaa uu haystaa fursad kasta oo uu deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ugu yagleeli karo cudud ciidan oo xoogan…
Dab nin kusoo gubtay ayaa laga waraystaaye, hoggaamiye Aadan Madoobe cidna ugama sheekaynayso muhiimadda ciidan xoogan uu deegaanku u leeyahay.
Waxaa uu hoggaamiye ka noqday dowlad goboleed kheyraat badani ku dihanyahay oo ay cid kasta usoo biro tumanayso, yeeyduna usoo kala miciyo soofaysanayso.
Waan qirsanahay in uu xaalad kasta Madaxweynuhu iiga xog-ogaalsanyahay, waana ka filayaa in uu dhidibada u taagi doono cudud ciidan oo xoogan loona simanyahay, deegaankana min xuduudaha ilaa Badweynta Hindiya nabad kusoo dabaala.
Koonfur Galbeed waxaa ay si mug & miisan leh ugu hamuun qabtaa hogaan qorshayaashiisa siyaasadeed ku darsada yagyeelidda xasilooni dhaqaale, shaqo abuur, sare u qaadista waxsoosaarka gudaha & taabogelinta deked uu si dhamaystiran u maamulo hogaanka dowladeed.
Hoggaamiye Aadan Madoobe oo ay qorshe-siyaasadeedkiisa todobada qodob kamid yihiin taabagalinna Dekeda Baraawe & sare u qaadista waxsoosaarka deegaanka waan ku bogaadinayhaa in uu ku wada dhiirado oo aanu sal dhul dhigan jeer aynu ka gaarno xasilooni & isku filnaansho dhaqaale.
Sida waaqicu yahay marka laga soo tago Dowlad Goboleedka Puntland, Koonfur Galbeed waa dowlad goboleedka kali ah ee ay hay’adaheeda dowladeed taaboqaadeen.
Waxaan ka filanaynaa hoggaamiyaha in muddo xileedkiisa shanta sano uu nidaamka dowladeed kasii sare mariyo halka uu ugu yimi.
Dhul beereedka baahsan, cududda bulsho & u heelanaanta nidaamka dowladeed ee dadka deegaanka intuba waxaa ay fursad aanan laga gayoon karin siinayaan hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe oo uu sooyaalkiisa taariikheed kasoo askumay deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Tallaabo kasta oo loo qaado dhanka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha waxay meesha ka saaraysaa shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta deegaanka, waxayna ibo-fur u noqonaysaa fursadaha shaqaalaysiinta dhalinta waxbaratay ee deegaanka.
5. Maamul Daadajinta:
Qodobkani waxaa uu muhiimad gaar ah u leeyahay horumarinta nidaamka dowladeed iyo in si barax la’ loo gaarsiiyo adeegyada dowladeed dhammaan bulshada nugul ee sagxadda joogta.
Kama filanayo hoggaamiye Aadan Madoobe in uu awoodda & shaqooyinka dowladeed isku soo koobi doono… qudhiisa ama in dad gaar ah lagu naas nuujin doono. Waxaan ka filanayaa in uu daadajin doono haykalka & adeegyada dowladeed.
Koonfur Galbeed waxaa ku abtirsada oo deegaan & dadba ku leh qabaa’ilo tiro & tayoba leh kuwaasoo wada mudan in ay iska dhex arkaan haykalka dowladnimada.
6. Horumarinta Waxbarashada:
In la dhiso mustaqbalka jiilasha soo socda waxay kaalin mug leh ka qaadanaysaa maamul wanaagga, tayada & geedi-socodka dowladnimo ay ku diirsadaan jiilasheena dambe.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur waxaa uu haystaa fursad uu kusii ambaqaado adeegyada kaabayaasha waxbarasho, waxaan ka filanayaa in uu door zaciim ah ka qaato bud-dhigga waxbarasho tayo leh, bilaash ah oo ay u siman yihiin dhammaan dadyowga reer Koonfur Galbeed Soomaaliya min tuulo ilaa & gobol.
7. Isla Xisaabtanka Dowladnimo:
Tani waa muhiim! Hay’adaha dowladnimo waxaa loogama maarmaan ah jiritaanka isla-xisaabtan hufan. Kaba soo bilow heer degmo & state haddii aanu jirin isla-xisaabtan waxba micno & muunad ah yeelan maayo nidaamkeena dowladeed… oo waxaa uu iska noqon jaantaa rogan ay cid walba waxay doonto iska samaysato.
Haddii aanu jirin isla xisaabtan waxaynu dhiirigelinay musuqa & nin tooxsiga!!!
Hoggaamiye Sheekh Aadan oo aynu ku tuhmayno cadaalad & hufnaan waxaan ka filanaynaa in uu joogtayn doono isla xisaabtanka hay’adaheena dowliga ah si aysan cidna u xagal-daacin nidaamka dowladeed. Sugnaanshaha shaqooyinka dowliga waxay bud-dhig u yihiin horumarka dowladnimo.
Fursadaha Guud ee uu haysto Hoggaamiye Aadan Madoobe:
Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe waxaa uu hayinka u qabtay dowladnimo soo jirtay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaana uu fursad u helay in uu hogaansho nidaam dowladeed hay’adihiisa lasoo dhisay oo kali ah u baahan hogaamin!
Waxaa uu fursad u helay hogaaminta nidaam dadka deegaanka ay ku kala irdhoodeen oo u baahan hanaqaadka xasilooni siyaasadeed la iskugu soo dumo quluub is qoontay.
Hoggaamiye Madoobe, waa 70 jir waayo-joog ah ay filasho badan oo uu quluubta dadyowga ku dhayo laga qabo waxaana rajaynaynaa in uu ku guulaysto imtixaankaasi dowladnimo.
Duco & talo ayaan kusoo guntayaa qormadaydan Fursad & Filasho…
Mudane Hoggaamiye, Allah hakugu asturo mas’uuliyadda hogaaminta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya… Allah kaa dhigo kii isku soo dumo quluubta reer Koonfur Galbeed, geediga dowladnimona ugu fura meel naq & rays leh. Waxaa micno samayn doona oo lagugu xasuusan doonaa raadka aad uga tagtid reer Koonfur Galbeed mudada shanta sano ee socota… waa haddii uu wadku ina daayee.
Taladayda ugu dambaysa waa dowladnimadu dadku way deeqdaa ee hoggaamiye cidna yaysan kuula imaan xagal-daac & nin tooxsi.
Danteenu waa Isku Tolan!!!
W/Q: Dr. Abdimajid Yuusuf Sakiin

