HARGEYSA: Waxaa saacadihii u dambeeyay cirka isku shareeray hadalheynta baraha bulshada i oo la xidhiidha ictiraafka Somaliland, iyada oo la filayo in saacadaha soo socda uu ka soo baxo war rasmi ah.
Shacabka Somaliland ayaa si weyn isha ugu haya arrintan, waxaana la dareemayaa xiiso iyo sugitaan ballaadhan oo ku saabsan waxa xigi doona.
Sooyaalka Aqoonsi raadiska
Somaliland, tan iyo maalintii lagu dhawaaqay 18-kii May, 1991, waxay baadigoob ugu jirtay inay hesho aqoonsi caalami ah si ay u noqoto dowlad rasmi ah, hase ahaate marna kama aysan helin adduunka wax aqoonsi dowladeed.
Inkasta oo ay sidii dowlad madaxbannaan u dhaqanto, haddana dalalka caalamku waxay u tixgeliyaan inay tahay qayb kamid ah Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya.
Janaayo, 2024, heshiiskii is-afgarad ee Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixe Cabdi lagalay Itoobiya ayaa ahaa isku daygii ugu waynaa ee Somaliland u qaaday dhanka Ictiraaf raadinta. Heshiiskaas ayaana ku danbeeyay inuu ku dhammaado inaan Itoobiya aysan fulin si iskeed ah, kaddib heshiis dhexmaray Dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo Turkigu dhexdhexaadiyay.
Dagaalka Gaza ee u dhaxeeyay Falastiiniyiinta xornimo doonka ah iyo Israa’iiliyiinta haysta dhulkooda ayaa keenay in Madaxweynaha dalka Maraykanka Trump uu hindiso qorshe dadka reer Falasdiiin looga rarayo dhulkooda. Waxaa dalalkii loo bandhigay kamid ahaa inay Falasdiiniyiinta dhul siiyaan kamid ahaa Somaliland. Hargaysa ayaa dhankeeda ku xirtay qaabilaadda reer Falastiin ku hesho aqoonsi caalami ah.
Yaa ka shaqeeyay isku xirka Isra’iil?
Ilo kala duwan oo ay la xiriirtay Somali Stream si ay wax uga ogaato hawsha aqoonsi siinta Somaliland waxay u sheegeen in Dowladda Imaaraadka Carabta ay tahay dhexdhexaadiyaha Telaabiib iyo Hargaysa.
Xogaha ay Somali Stream aragtay waxaa kamid ah in NGO qaabilsan daad guraynta reer Falastiin oo lagu magacaabo Al-Majd Europe, oo uu hoggaamiyo Tomer Janar Lind ay heshiis is-afgarad lagalayaan Somaliland iyadoo ay goob joog yihiin dalal kale.
Waxaana heshiiska dammaanad qaad ka noqonaya sida xoguhu sheegayaan dalka Maraykanka oo si wayn dan ugu arko in Somaliland oo dhacda gacanka cadmeed ay xiriir toos ah iyo dan iswaydaarsi ah la yeelato Israa’iil.
Walaaca Villa Soomaaliya oo qorshaha xaqiijiyay
Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar Balcad ayaa Madaxweynaha Soomaaliya gaarsiiyay qorshaha socda isaga oo hordhigay in dalal kamid ah Afrika lagu qanciyay inay qayb ka noqdaan aqoonsi gaar ah oo ay siiyaan Somaliland.
Dowladda Federaalka ayaa walaaceeda kordhisay ku saabsan aqoonsiga, waxaana ay xiriir la samaysay madaxda dalalka gobolka, waana sababta keentay in qorshaha Aqoonsiga Somaliland uu yahay mid si dhab ah looga shaqaynayo.
Hase ahaate, Dowladda Federaalka Soomaaliya ilaa iyo hadda wax war ah kama aysan soo saarin arrintan la xidhiidha hadal-haynta sii kordhaysa ee ku saabsan ictiraafka Somaliland.
Maxaa Gudaha Hargaysa ka socda?
Madaxtooyada Somaliland ay maanta oo Jimce ah, oo caadi ahaan ah maalin fasax, haddana si buuxda u shaqaynaysa. Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale shir aan caadi ahayn isugu yeedhay Golaha Wasiirrada, kaas oo la filayo inuu qabsoomo bacdal makhrib.
Waxaana goor dhaweyd soo gaadhey magaaladda Hargaysa wefdi ka socda Dawladda Marakaynka sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xukuumaddu.
Wefdiga ayaa kulan la qaadan doona mas’uulliyiinta xukuumadda sidoo kale Berbera socdaal ku tegi doona.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dalalka Israa’iil, Imaaraadka Carabta, Sierra Leone iyo Maraykanku ku lug leeyihiin ama dabada ka riixayaan dhaqdhaqaaqan siyaasadeed ee socda, balse lama hubo inay yihiin kuwa rasmi ahaan Somaliland aqoonsanaya. Waxaana isa soo taraya wararka sheegaya in waddan iyaga xulufo la ahi uu noqon doono midka ugu horeeya ee Somalind aqoonsada.
Madaxweynaha Somaliland ayaa horey marar badan u ballanqaaday in bisha Diseembar ay Somaliland heli doonto ictiraaf caalami ah, isaga oo mar kale ku celiyay hadalkaas, carabkana ku adkeeyay in “wax weyn oo taariikhi ah uu soo socdo.”

