Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in hanjabaaddii ugu dambeysay ee uu Donald Trump ku sheegay inuu 100% ku kordhin doono cashuuraha badeecooyinka Shiinaha ay tahay, tusaale caadi ah oo muujinaya laba-wejiilenimada Mareykanka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda ganacsiga Shiinaha ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu uu qaadi doono tallaabooyin u dhigma, haddii madaxweynuhu fuliyo hanjabaadiisa, isagoo intaas ku daray in Shiinuhu uusan ka baqayn dagaal ganacsi haddii la ga fursan waayo.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa Trump uu si kulul uga jawaabay go’aankii Beijing ee ahaa in la adkeeyo shuruucda dhoofinta macdanta muhiimka ah ee loo isticmaalo warshaha, isagoo ku eedeeyay Shiinaha inuu noqday mid qaadaya talaabo cadaawadeed islamarkaasna uu isku dayayo in uu “dunida qabsado.” Waxaana sidoo kale uu ku hanjabay Trump, inuu ka baaqsan doono kulan la qorsheeyay oo uu la yeelan lahaa madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping dabayaaqada bishan.

Si kastaba ha ahaatee, Axaddii shalay ayaa uu Trump ku qoray baraha bulshada odhaah la ga dhadhansanayo in uu go’aankiisii hore wax ka bedely “Ha ka warwarina Shiinaha, wax walba way hagaagi doonaan!”
Wuxuuna raaciyay:
“Madaxweynaha sida weyn loo ixtiraamo Xi Jinping waxa uu ku jirey waqti adag, dhib kale ma jirto. Isaguna uma rabo dalkiisa niyad-jab dhaqaale, aniguna sidoo kale. Mareykanku wuxuu rabaa inuu caawiyo Shiinaha, ma rabo inuu waxyeeleeyo!!!”
Bishii Maay, labada dal ayaa isla qaatey in la joojiyo cashuurihii badan ee midba midka kale uu saaray badeecooyinkiisa, kuwaas oo khatar gelinayay ganacsigii u dhexeeyay labada dal.
Si kastaba ha ahaatee, badeecooyinka Shiinaha ee Mareykanka loo soo dhoofiyo ayaa xiligan ay saaran yihiin 30% cashuur dheeraad ah, halka badeecooyinka Mareykanka ee Shiinaha tagayana lagu kordhiyey kaliya 10% cashuur ah.

Warbixinta Shiinaha oo ahayd qoraal rasmi ah oo wasaaradda ganacsigu u dirtay saxaafada, ayaa ku qorneyd luqad la mid luqadii la isu isticmaalay xilligii ugu kululaa murankii ganacsi ee dhawaan ka dhex dhacay Shiinaha iyo Mareykanka, iyaga oo sidoo kale iska difaacay xakamaynta dhoofinta macdanta qaaliga ah kuna sheegay in ay ahayd “tallaabooyin caadi ah” oo lagu xoojinayo ammaanka qaranka iyo kan dalalka kale.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More