Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Booqasho rasmi ah oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ku tagay magaalada Jakarta ee Indonesia 13kii Luuliyo, 2025 ayaa abuuray jawi cusub ooiskaashi oo ay labada dal ee Soomaaliya iyo Indonesia yeeshaan.

Kulankii uu la yeeshay Wasiirka Soomaaliya dhiggiisa Indonesia, Wasiir Sugiono, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, kalluumaysiga iyo diblomaasiyadda caalamiga ah.

Indonesia oo ah waddan horumar weyn ka sameeyay dhinacyada wax-soo-saarka, adeegyada bulshada iyo arrimaha dibadda, ahna awood dhexe oo soo kobcaysa xaga militariga iyo dhaqaalaha ayaa Soomaaliya u noqon karta saaxiib istaraatiiji ah oo laga faa’iidaysto khibradeeda ballaaran. Waxaa jira dhawr qodob oo muhiim ah oo Soomaaliya ka faa’iidaysan karto:

Wax-soo-saarka Beeraha iyo Kalluumeysiga

Indonesia waxa ay caan ku tahay horumarinta beeraha casriga ah iyo kalluumaysiga warshadaysan. Soomaaliya oo leh xeebaha ugu dheer qaaradda Afrika, ayaa ka faa’iidaysan karta tababarrada, qalabka iyo farsamooyinka casriga ah ee Indonesia si loo kordhiyo wax-soo-saarka iyo qiimaha dhoofinta kalluunka iyo waxyaabaha beeraha laga helo.

Deeqaha Waxbarashada iyo Tababarrada

Indonesia waxa ay Soomaaliya u ballanqaadday deeqo waxbarasho oo ay ka mid yihiin barnaamijyada KNB, Darmasiswa iyo TIAS, oo ah deeqo waxbarasho oo ay bixiso dowladda Indonesia, waxaana loogu talagalay ardayda caalamka, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dalalka soo koraya. kuwaas oo ardayda Soomaaliyeed fursad u siinaya inay tacliinta sare ku qaataan jaamacadaha dalkaasi. Sidoo kale, waxaa la isku raacay iskaashi dhinaca tababarrada diblomaasiyadeed si loo xoojiyo xirfadaha shaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Horumarinta Adeegyada Caafimaadka

Soomaaliya waxa ay ka faa’iidi kartaa khibradaha Indonesia ee ku saabsan bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka bulshada, daawaynta cudurrada faafa, iyo farsamooyinka casriga ah ee adeegyada caafimaadka.

Waxaa kale oo jira, in shacabka Soomaaliyeed oo ku dhibban in ay helaan dalk ku galka dalalka Masar, Hindiya, Turkiya iyo Kenya in ay u noqoto Indonesia jiho fudud oo ay u doontaan adeeg caafimaad oo tayo sarreeya.

Awood-dhisidda Ciidamada Ilaalada Badda

Iyada oo laga duulayo muhiimadda ay leedahay ilaalinta kheyraadka badda, waxa Indonesia ay ballan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonto tababarrada ciidamada badda, gaar ahaan la-dagaallanka kalluumaysiga sharci darrada ah iyo burcad-badeeda.

Iskaashi Diblomaasiyadeed oo Caalami ah

Labada dal oo Muslim ah ayaa isla qiray muhiimada iskaashi dhexmara dalalka islaamka, iyagoo ku heshiiyay in iyaga oo is garabsanaya ay si wadajir ah uga dhex muuqdaan fagaarayaasha caalamiga ah sida Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo madallada kale ee Qaramada Midoobay. Indonesia waxa ay ballanqaadday inay noqoto saaxiib la isku hallayn karo oo ay Soomaaliya ku garab istaagta arrimaha caalamiga ah.

Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa ahayd mid taariikhi ah oo calaamad u ah bilow cusub oo iskaashi miro dhal ah. Haddii si istaraatiiji ah looga faa’iideysto fursadaha ay Indonesia bixisay, waxa ay Soomaaliya ka heli kartaa horumar la taaban karo oo dhinacyo badan ah.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Indonesia Faysal Axmed Salaad ayaa warqadahiisa aqoonsiga danjirennimo guddoosiiyay Madaxweynaha Indonesia Prabowo Subianto 8dii May 2025, waxaana muddadaas keddib suurtagashay in xiriirka labada dal lasii dardargeliyo ilaa heshiisyada haatan ay labada galeen qalinka lagu duugo.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More