Close

Login

Close

Register

Close

Lost Password

Subscribe

Get the best of Newspaper delivered to your inbox daily

Most Viewed

Shirkadda difaaca ee Turkiga, Roketsan, ayaa soo bandhigtay “Koz”, oo ah Eey robot ah oo awood u leh inuu rido gantaallo la hagi karo, taasoo lagu tilmaamay horumar weyn oo ku saabsan tiknoolajiyada dagaalka casriga ah.

Koz ayaa lagu soo bandhigay Bandhigga Caalamiga ah ee Warshadaha Difaaca ee ka dhacay Istanbul, waxaana loo arkaa mid beddelaya habka dagaalka dhulka iyo hubka casriga ah ee lagu dagaallamo.

Koz waxaa ku rakiban afar gantaal oo nooca yaryar ee METE loo yaqaan ah, kuwaasoo laysar lagu hagayo, wuxuuna u shaqeyn karaa si iskiis ah oo meel fog laga hago. Wuxuu si gaar ah ugu habboon yahay howlaha dagaalka magaalooyinka, isagoo awood u leh inuu galo meelaha khatarta ah sida godadka, dhismayaasha, iyo dhufaysyada ay ku dhuuntaan shiishyahannada loo yaqaan snipers-ka, isagoo yareynaya halista soo gaari karta askarta.

Madaxweynaha shirkadda Roketsan, Murat Ikinci, ayaa sheegay in Koz uu yahay “kacaanka cusub ee difaaca”, isagoo xusay in uu yahay aalad si buuxda loogu sameeyay gudaha Turkiga, laguna qalabeeyay tiknoolajiyada ugu dambeysa ee hagidda gantaallada.

Gantaalkan la yaabka leh ee Turkigu soo saaray ayaa ah kii ugu horreeyay oo noociisa ah oo caalamka oo idil la soo saaro, waana mid ka dhigan in farsamada iyo warshadaynta hubka ee Turkigu uu xujo hor leh ku oogaya dalalka uu tartanku kala dhaxeeyo.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Thanks for submitting your comment!

    share this post

    Read More